Saturday, September 1, 2018

Halgankeeygii[Xasuus qorkii Hitleer]. W\Q:Adolf Hitleer. W/T:Maxamed Cabdi Jeyte.

Halgankeeygii[Xasuus qorkii Hitleer].
W\Q:Adolf Hitleer.
W/T:Maxamed Cabdi Jeyte.

Cutubka1-aad.

3- Xisbiga Hanti wadaagga Dimuquraadiga.

Ka hor inta aanan darsin dhaqdhaqaaqa xisbiga Hanti wadaaga Dimiquraadiga ah, waxaa jirtay fekrad qaldan oo aan ka haystay xisbigaan bilawgiisii iyo ahdaaftiisii. Anigu waan iska raacsanaa aniga oo aaminsan in, haddii hoggaanka loo dhiibo ay hoos u dhici karto nidaamka reer Habsburg(ustariya), nidaankaas oo aan si daran u kahday, Waayo waxa uu isku dayayay in uu dilo ruuxda Jarmaaniga ah ee Ku jirta  qalbiyada tobbanaan kun oo ka mid ah reer Ustariya. Nidaam kaan haddii uu suulana waxa xuroobi doona shacbiga Ustariya, waxaana meesha ka baxaya caqabadaha Ku hor gudboon in shacbiga midka ah ay hal waddan yeeshaan.

Rabitaankii aan u haayay Hanti wadaaga wuu siyaaday  Aniga oo aaminsan inuu u shaqeyn doono Dabaqadda[kaadixada]  si ay kor ugu qaadaan heerkooda(nolosha). Sidaa  Aaminsanaa illaa aan gaaray  da'da17 sano. Waxaan bilaabatay in aan fahmo khatarta xarakada Shaqaalaha mudaharaadka shacbiga iyo canshuuraha oo iftiimiyay owgood. Waxa aan goobjoog  ahaa kulamo, waxaan dhageystay hoggaankii xarskada[shaqaalaha] oo u khudbeynaya isu imaadyo, niyadda waxaa iiga jirta in lagu biiro Xisbiga Hanti wadaagga dimuquraadiga, laakiin markiiba waxaa ii caddaaday xaqiiqada Hantiwadaaga, iyo himilooyinkooda fog. Iyagu lid bay Ku yihiin ummadda Waayo, iyaga waxaa abuuray dabaqaddii ra'sumaalka. Waa lidka waddanka waayo, waxa ay u adeegaan barjawaaziyadda[Bourgeoisie]. Waxa ay lid Ku yihiin sharciga waayo,waxay Ku jiraan xukun xaakinka oo u adeegsanaya argagixinta Baroliteriyenka[proletarius]. Waa lidka diinta waayo waa hab ama qaab loo suuxinayo dadka, loona daciifinayo si looga fogeeyo xuriyad u dirirka ilaa iyo abad.
Intii aan goobjooga ahaa kulamadaas waxaan isku dayayay in aanan hadlin, laakiin khudbadaha, laakiin khudbadaha oo dhammaantood sun ahaa ayaa aamusitaankii ii diiday. Waxa aan la galay dood dheer, qalbiyadooda se kuma faafin. Waxaa ii yimid qof aan igu qanacsaneyn , Waan xaadiri waayay kulamadoodii, aniga oo ka xun xaalka dadka ay Ku ciyaarayaan, una jihaynayaan hadba meesha ay maslaxaddoodu jirto.

Waxa aan dareemay aniga oo weli raacsan Hantiwadaaga, in arrinku sii xoogeysanaayo, sidoo kale waxaan ogaaday in, naceybka iyo argagixintu ay tahay hubka hantiwadaaga, iyo in ay Ku socdaan waddadii ay sumcaddoodu Ku halaabi laheed. Waxa aan la ashqaraaray in aanu jirin xisbi  raacay waddadaan naceeybka iyo argagixinta ah iyo waddada ay jeexday Hanti wadaaggu .
  Mowqifkii borjiwaziyada waxa uu ahaa dalab aan u dhigmin codsigii shaqaalaha, kaas oo ahaa mid macquul ah. Hanti wadaagii waxa uu ka faa'iideystay gadoodkii barolitariyaanka ay ka gadoodeen xaalkii markaa taagnaa.
Bilawgii, xarakada shaqaaluhu hadafkoodu waxa uu ahaa in ay shaqaalaha xuquuqdooda siiyaan, korna u qaadaan mustawahooda. Siyaasada iyo xisbiyeysina waa ay ka fogaayeen ilaa ay loolan siyaasadeed la galeen barjawaaziyada oo diiday in ay aqbasho dalabka shaqaalaha. Waqtigaa Hantiwadaagu waxa uu sugayay fursad musaab Ku ah, waa ayna aqbaleen codsigii shaqaalaha, waxaa caksi Ku ahaa barjawaaziyada oo ka shaqeynaysay in ay  hogaanka u saariso mas'uuliyada xalinta shaqaalaha, iyaga oo Ku andacoonaya in aysan sharci u lahayn(xisbiga shaqaaluhu) kuna doodaya fikrad waddaninimo.

Qaladka ugu weyn ee barjawaziyada waxa uu soo if baxay markii ay xarakada shaqaalaha u aqoonsadeen kuwa kasoo horjeeda waddaniyada.
Xarakada shaqaaluhu ujeedkoodu waa in ay difaacaan maslaxadda shaqaalaha, wax aan waddaniyad ahayna ma noqoqn  karaan, waxaana dushooda ah dhiirri gelinta shaqaalaha, maadaama, ay jiraan shaqaale aan aqoonin caddaalad iyo garsoor. Ma banaano in ay inkiraan difaacidda xaqqa shaqaalaha iyo loo shaqeeyaha. Shaqaalana suurta gal uma ahan i uu hor istaago loo shaqeeyihii. xisbiga shaqaalaha ayaa ka mas'uul ah ilaalinta maslaxadiisa iyo difaaca xaqiisa.

Bilawgii qarnigii tagay xarakada shaqaaluhu waxay ka iilatay ujeedadii loo dhisay, waxa ay garab gashay Hatiwadaagii si ay u noqoto Aalad cadaadisa korna u qaadda firfircoonidooda.    Sidaa awgeed, waxaa u gacan galay dhaqaalihii, kadibna hantidii dowladda. Markii xisbiga shaqaaluhu u gacan galay Hanti wadaagii, waxaa meesha ka baxay muhiimadsiintii aheed in ay kor uqaadaan heerka Barolitaariyaanka. Waayo waxa ay ogaadeen haddii ay ski wadaan arrinkaas in dhamaanayso dabaqadda kadxiyada taas oo aan maslxadooda aheyn, Hantiwadaaguna waxa uu ku weyn doonaa Dad badan.

Lasoco Qeeybta Afaraad.

Thursday, August 30, 2018

Halgankeygii(Xasuus qorkii Hitleer)

Halgankeygii(Xasuus qorkii Hitleer)
W/Q:_ Adolf Hitleer.
W/T: Maxamed Cabdi jeyte.

Cutubka 1-sad

2- sannaddadii Hoogganaa:

Waa niyad jabay markii aan Ku dhacay imtixaankii Akadeemiyadda Fanka, qeeybteeda Taswiirka. Dhicitaankaasna su'aal baa la iga weydiiyay. Madaxii Akadeemiyaddda waxa uu igu yiri: dhicitaankaadu waxa uu keenayaa in laguu beddelo qeeybta Enjineernimada, waa uuna igu dhiiri geliyay.

*****************************
Kadib geeridii hooyadey, waxa aan gaaray Fiyeena aniga oo qalbi san, mana is dhiibin. Waan aamusay, waxa aana galay magaalada weyn si aan u helo qeeybta dhismada Guryaha si kasta oo uu fiigeedu u sareeyo.

Laakiin, waa in aan shaqeystaa si aan u noolaado, waana in aan wax barto. Maanta waxa aan ka mahadnaqayaa ilaalintii uu Alle iga dhowray sanadadaas hooggan aniga oo da'yar, iyo in aan dhadhemiyo qaraarka nolosha caalamka, taas oo keentay in aan la barbaaro oo, la noolaado kuwa aan dartoood u halgamayay..

Fiyeena magaaladii madaddaalada. Waxa aan Ku qaatay maalmihii ugu xumaa noloshayda. Shan sano oo aan Ku noolaa ma ladin cunna dhedhen leh. Shaqa waxa aan ka bilaabay caawiye dhisme si aan u helo nolol maalmeedkeyga, waxa aana ka ammaan helay gaajadii darneed. Gaajadu waa saaxiibkeyaga meel kaste. Haddii aan buug iibsado maalintaas oo dhan gaaja i hor taagan. Haddii aan ka qeyb galayo xaflad, ama aan daawanayo masrixiyad, gaaja ayaa igu dhagan.  Saaxiibkeyga dhabta ahi se waa buugga. Wax aqriska waxa uu I dhaxal siiyay in ay kororto aqoonteydii, kadibna waxaa is bedelay aragtideydii gaarka aheed, ee aan  qaatay ee ahaa in shaqadu aas aas u tahay mustaqbalka.

Qarnigii 20aad, Fiyeena waxa aheyd  magaala ay burburiyeen mashaakil bulsheed, taas oo daris ka dhigtay Maalgabeenkii iyo faqiirkii, xoog weynihii iyo kii tabartayaraay, aqoonyahankii iyo jaahilkii. Fiyeena waxa ay aheed magaalada kaliya ee ardaygu baari Karo ama arki Karo dhibaatada Bulshada.
 Wax kasta oo qariib ahaa, waxa aan raadsanayay nolosheyda iyada oo dhabanadeydu dhidid ka tisqaayo. Waxa aan aaminsanaa in shaqadu ay sharaf u yeesho shaqaalaha. Waxa aan ogaaday in, shaqa heliddeedu ay ka sahlantahay in la sii joogo shaqadaas.
Rajo la'aan ayaad Ku arkaysaa dadka kasoo guuraya tuulooyinka ee Imaanaya Caasimadda iyaga oo nolol fiican raadsanaya. Reer tuulaagu waxa ay kasoo tagayaan tuuladii, waxa ayna imaanayaan magaalada, waxa ay galayaan caalam aysan waxba Kala socon. Inyar mooyee, hanti kale maheystaan. Shaqa haddii ay helaan markiiba waa ay weynayaan. Sanduuqa shaqaakaha ay macawina way diistaan, dhowr maalin ama dhowr asbuuc , marka ay ka dhamaatana, waxaa horyaal  in ay ka xamaashaan shaqa mushaar yar, ama Ku laabtaan Tuuladii. Haddii ay diidaan in ay Ku laabtaan tuuladii, waxaa kasoo xirmaaya Albaabada shaqada. Waxa ay noqonayaan baagamuuddo, waxa ayna noqonayaan aalad ay adeegsadaan dibbad baxyaashu kuwaas oo ka cabanaya canshuuraha. 

 Waxaan ogaaday khatarta dadka jarmalka Ku heysta Ustariya. Waa laba khatar oo waa weyn, oo Kala ah; Markiisiyadda(Marxism) iyo Yahuudnimada(Yahuudda).
                    *****
Waxa aan la anfariiray rajo la'aanta Ku dhacday shacbiga, sidoo kale, waxa aan layaabay  hoos udhaca heerka aqlaaqda. Waxaan arkay in shaqaalihii iyo warshadleydii ay San gudan waajibkii saarnaa. Qoysas ayaaba dayacay guryahoodii, mana tarbiyeeyaan awlaadooda, intaa  waxa ay  raadinayaan nolol maalmeedkii.
Waxaa kale oo la weysan yahay hagaajintii deegaanka, sidii bulsho dib dhacsan sida mujtamaca Ustariya. Taas waxaa ka dhalanaya  isku xirkii Aabbayaasha iyo ilmahooda oo Kala daatta. Annaga oo og in, faqriga laga dhaxlo Cudurro iyo gaajo, markii ay kulmaan saddexdaas caamil, shacabku waxa ay lumiyaan kalsoonidii ay Dowladda  Ku qabeen,waxaana dhinta dareenka waddaniyad ee shacbiga.

Ummadu haddi ay isu bedesho ummad hal-abuur leh,waxaa ka dhasha mujatamc saliim ah, oo Ku weyntahay waddaniyaddu.  Suuragal ma ahan in uu waddaniyad dareemo qof aan  waddan jaceylka lagu soo barin Guriga ama iskuulka. Insaanku  waxa uu u halgamaa waxa uu jecelyahay. Waddankiisana ma jeclaan Karo haddii uusan aqoonin taariikhda waddankiisa, islama markaana ma dareemo deganaan iyo nolol raaxa leh.


Sanadkii1909kii, xaalkeygu waa uu yara hagaagay. Shaqadeydu waxa ay noqotay xisaabiyaha gaarka ah ee  naqshadeyta Dhismaha. Marka aan fursad leho  wax baan  bartaa waana mudaalaceystaa, gaar ahaan waxa aan darsaa xaalka siyaasadeed ee waddankeyga, iyo raadadka feker iyo caqiido ee ay reebtay  dowladda Ustariya ee  Ku goodisa wax duminta.

Halgankeygii (Xasuus qorkii Hitleer)
W/Q: Adolf Hitleer.
W/T: Maxamed Cabdi jeyte.
Cutubka 1-aad.

Caruurnimadeydii

Waxaan Ku indha qaaday magaala yar oo lagu magacaabo Barnu, oo dhacda xuduudda Jarmalka iyo Ustariya. Labadii dowlad ee Jarmalka ahaa waxaa waajib aheed inay dib u midoobaan, waxayna aheed hadafkeena ugu horeeya ee aan nolosheena u sheqeyneynay. Jarmalkii ustariya waa in ay Ku soo laabataa waddan weynihii Jarmalka. Hadaba, waxa kaliya aan rabno waa in aan helno waddankeena oo mid ah. Si kasta oo Gumeystuhu u caaboonaa, shacabka Jarmalku Kama aysan seexan in ay dhammaantood ay noqdaan hal dal. Markii se, maalqabeenadu ay watteen carruurtoodii, waddankiina uu  awoodi waayay in uu dhallaankiisii soo ceshado, shacabkii waxa uu Ku qasbanaaday in uu aado dhulka ajnabiga. 

 Sanadkii 1890kii  ayaa hanaqaaday, Aabaheey waxa uu ka shaqeynayay Jamrak , kadib markii uu hoowl gab noqday waxaan aadnay magaalada Laaz misqad, kadibna uga sii gudubnay tuulada Laambakh. Halkaas ayuu ka bilaabay falashada beeraha dhulkeena, anna waxaan galay iskuulka Laambakh.  Inkasta oo da'deydu yareed, hadana waxaan ka fikiri jiray mustaqbalkeyga. Anigu maan laheen mihnad, shaqana ma rabin oo waxay iila muuqatay sida xarig hoos ii jiidaya. Nafteyda waxaan ka helasyay hibo hogaamineed, mar kastana waxaan isku dayi jiray in aan Ku qanciyo jaalayaasheyda iskuulka aragtideyda.
Waqtiyada aaan firaaqada ahay waxaan aadaa Maktabadda Aabaheey si aan u daalacdo buugaagta Taariikhda iyo Majaladaha sawiran. Maalin maalmaha ka mid ah waxa aan helay majalad ay Ku dhex jirto sifeeyn layaab leh oo ah dagaal dhex maray Raashka iyo Faransa. Aniga oo sii aqrinaa macrikadii ciidama ..... Waxaan is weydiiyay : mee Jarmalkii ustariya maalintaa?  Maxayse ustarasliyaanku u guuldareysteen? Ma farqi baa u dhexeeya Jarmalkii Qasbay Naabilyoonkii saddexaad iyo Jarmalka ustariya?

*************************

Aabaheey waxa uu ogaaday in aanan ka helin barashada Kalaasigada, waxa uu na rabay in uu ii beddelo mid kamid ah madaariska fanka lagu barto, si aan mustaqbalka u noqdo shaqaale. Laakiin, shaki uga ma jirin in aan yeeli doono rabitaankiisa. sidaa darteed, waxaa lama filaan Ku noqotay diimadeydii. Waxa uu isku dayay in uu ii qurxiyo shsqada uu isagu Ku noolaan jiray, si cad ayaanse u iri waxaan ahay inan yar mana doonayo in aan noqdo shaqaale, laakiin waxaan ogolaaday in la ii beddelo machadka Fanka. Halkaasna waxaan Ku ogaaday in aan leeyahay Hibo ah wax sawirid. Laakiin, aabaheey waxa uu soo cusbooneysiiyay  rabitaankiisii ahaa in aan noqdo shaqaale. Anna waxaan ugu jawaab celiyay in aan go'aansaday in aan noqdo farshaxamiiste. Jawaabteyda waa uu ka xanaaqay. Laakiin anna ra'yigeyga baan Ku adkeystay, isna kiisii ayuu Ku adkeystay.  Waxa uu iga bixiyay machadkii waxa uuna igu celiyay Iskuulkii. Halkaas ayaan Ku qaatay casharo rasmiga ah ee farshaxanka, wixii kalana waan iska hilmaamay, laakiin, weli waxaa igu taagan maadadeydii Taariikhda iyo Juquraafiga.

 Maanta waxa aan xasuusanayaa dhacdooyin tagay. Waxaan dareemayaa  in Aabaheey ila rabay in aan noqdo waddani dhab ah.  Waxaa maankeyga ka guuxaya xasuusooyinkii macalinkeygii Taariikhda  Dr liyuyoolid botish-   Ustariya waa qeyb ka mid ah Jarmalka, in ay noqdaan Dowlad madax banaanna waa arrin ka go'da Dadka reer jarmalka ah.

Aabaheey waa uu geeriyooday anigo oo aan 13 sano gaarin, Hooyadeyna waxa ay fulibaysay rabitaankii aabaheey, kaas oo ahaa in la i geeyo mid ka mid ah shaqooyinka dowladda marka aan 18 gaaro. Ma maleyheynin in aan ka diidi doono dalabkeeda. Laakiin waxaa dhacay ....taasoo dhaqtarkii muddo sanad ah iga joojiyay waxbarashadii. Sanadkaas aan guriga joogay hooyadey waxa aan u sheegtay hiwaayadeyda cusub. Daqtarkiina waxaan ka codsadsy inuu hooyo Ku qanciyo in la igeeyo machadka lagu barto fanka. Waana Ku qanciyay.

Hoiyadey laba sano kadib markaan ksoo laabtay  machadkii Fanka ayay geeriyootay,  waxaan noqday kaligeey Aniga oo aan qaan gaarin، mana heysto wax ceesh ah kadib markii aan hantidii Aabaheey ka tagay  Ku dhamaatay afartii bilood ee aan la joogay hooyo oo xanuunsan.

Si aan u noolaado waa in aan shaqeeyaa. Waxa aan aaday Fiyeena hubka kaliya ee aan sitasna waa  rabitaan iyo in aan meeleeyo masiirkeyga. Aabaheey waxa uu ii jeexay tubta nolosha. Waxa uuna I gaarsiiyay meel sare taas oo uu isagu  horay u gaaray. Anna waxaan jeexan doonaa dariiqa nolosheyda, laakiin kuma joogsan doono Shaqaalanimo wax kasto oo igu kallifaba.
Caruurnimadeydii
 Caruurnimadeydii

Waxaan Ku indha qaaday magaala yar oo lagu magacaabo Barnu, oo dhacda xuduudda Jarmalka iyo Ustariya. Labadii dowlad ee Jarmalka ahaa waxaa waajib aheed inay dib u midoobaan, waxayna aheed hadafkeena ugu horeeya ee aan nolosheena u sheqeyneynay. Jarmalkii ustariya waa in ay Ku soo laabataa waddan weynihii Jarmalka. Hadaba, waxa kaliya aan rabno waa in aan helno waddankeena oo mid ah. Si kasta oo Gumeystuhu u caaboonaa, shacabka Jarmalku Kama aysan seexan in ay dhammaantood ay noqdaan hal dal. Markii se, maalqabeenadu ay watteen carruurtoodii, waddankiina uu  awoodi waayay in uu dhallaankiisii soo ceshado, shacabkii waxa uu Ku qasbanaaday in uu aado dhulka ajnabiga. 

 Sanadkii 1890kii  ayaa hanaqaaday, Aabaheey waxa uu ka shaqeynayay Jamrak , kadib markii uu hoowl gab noqday waxaan aadnay magaalada Laaz misqad, kadibna uga sii gudubnay tuulada Laambakh. Halkaas ayuu ka bilaabay falashada beeraha dhulkeena, anna waxaan galay iskuulka Laambakh.  Inkasta oo da'deydu yareed, hadana waxaan ka fikiri jiray mustaqbalkeyga. Anigu maan laheen mihnad, shaqana ma rabin oo waxay iila muuqatay sida xarig hoos ii jiidaya. Nafteyda waxaan ka helasyay hibo hogaamineed, mar kastana waxaan isku dayi jiray in aan Ku qanciyo jaalayaasheyda iskuulka aragtideyda.
Waqtiyada aaan firaaqada ahay waxaan aadaa Maktabadda Aabaheey si aan u daalacdo buugaagta Taariikhda iyo Majaladaha sawiran. Maalin maalmaha ka mid ah waxa aan helay majalad ay Ku dhex jirto sifeeyn layaab leh oo ah dagaal dhex maray Raashka iyo Faransa. Aniga oo sii aqrinaa macrikadii ciidama ..... Waxaan is weydiiyay : mee Jarmalkii ustariya maalintaa?  Maxayse ustarasliyaanku u guuldareysteen? Ma farqi baa u dhexeeya Jarmalkii Qasbay Naabilyoonkii saddexaad iyo Jarmalka ustariya?

*************************

Aabaheey waxa uu ogaaday in aanan ka helin barashada Kalaasigada, waxa uu na rabay in uu ii beddelo mid kamid ah madaariska fanka lagu barto, si aan mustaqbalka u noqdo shaqaale. Laakiin, shaki uga ma jirin in aan yeeli doono rabitaankiisa. sidaa darteed, waxaa lama filaan Ku noqotay diimadeydii. Waxa uu isku dayay in uu ii qurxiyo shsqada uu isagu Ku noolaan jiray, si cad ayaanse u iri waxaan ahay inan yar mana doonayo in aan noqdo shaqaale, laakiin waxaan ogolaaday in la ii beddelo machadka Fanka. Halkaasna waxaan Ku ogaaday in aan leeyahay Hibo ah wax sawirid. Laakiin, aabaheey waxa uu soo cusbooneysiiyay  rabitaankiisii ahaa in aan noqdo shaqaale. Anna waxaan ugu jawaab celiyay in aan go'aansaday in aan noqdo farshaxamiiste. Jawaabteyda waa uu ka xanaaqay. Laakiin anna ra'yigeyga baan Ku adkeystay, isna kiisii ayuu Ku adkeystay.  Waxa uu iga bixiyay machadkii waxa uuna igu celiyay Iskuulkii. Halkaas ayaan Ku qaatay casharo rasmiga ah ee farshaxanka, wixii kalana waan iska hilmaamay, laakiin, weli waxaa igu taagan maadadeydii Taariikhda iyo Juquraafiga.

 Maanta waxa aan xasuusanayaa dhacdooyin tagay. Waxaan dareemayaa  in Aabaheey ila rabay in aan noqdo waddani dhab ah.  Waxaa maankeyga ka guuxaya xasuusooyinkii macalinkeygii Taariikhda  Dr liyuyoolid botish-   Ustariya waa qeyb ka mid ah Jarmalka, in ay noqdaan Dowlad madax banaanna waa arrin ka go'da Dadka reer jarmalka ah.

Aabaheey waa uu geeriyooday anigo oo aan 13 sano gaarin, Hooyadeyna waxa ay fulibaysay rabitaankii aabaheey, kaas oo ahaa in la i geeyo mid ka mid ah shaqooyinka dowladda marka aan 18 gaaro. Ma maleyheynin in aan ka diidi doono dalabkeeda. Laakiin waxaa dhacay ....taasoo dhaqtarkii muddo sanad ah iga joojiyay waxbarashadii. Sanadkaas aan guriga joogay hooyadey waxa aan u sheegtay hiwaayadeyda cusub. Daqtarkiina waxaan ka codsadsy inuu hooyo Ku qanciyo in la igeeyo machadka lagu barto fanka. Waana Ku qanciyay.

Hoiyadey laba sano kadib markaan ksoo laabtay  machadkii Fanka ayay geeriyootay,  waxaan noqday kaligeey Aniga oo aan qaan gaarin، mana heysto wax ceesh ah kadib markii aan hantidii Aabaheey ka tagay  Ku dhamaatay afartii bilood ee aan la joogay hooyo oo xanuunsan.

Si aan u noolaado waa in aan shaqeeyaa. Waxa aan aaday Fiyeena hubka kaliya ee aan sitasna waa  rabitaan iyo in aan meeleeyo masiirkeyga. Aabaheey waxa uu ii jeexay tubta nolosha. Waxa uuna I gaarsiiyay meel sare taas oo uu isagu  horay u gaaray. Anna waxaan jeexan doonaa dariiqa nolosheyda, laakiin kuma joogsan doono Shaqaalanimo wax kasto oo igu kallifaba.
Waxaan Ku indha qaaday magaala yar oo lagu magacaabo Barnu, oo dhacda xuduudda Jarmalka iyo Ustariya. Labadii dowlad ee Jarmalka ahaa waxaa waajib aheed inay dib u midoobaan, waxayna aheed hadafkeena ugu horeeya ee aan nolosheena u sheqeyneynay. Jarmalkii ustariya waa in ay Ku soo laabataa waddan weynihii Jarmalka. Hadaba, waxa kaliya aan rabno waa in aan helno waddankeena oo mid ah. Si kasta oo Gumeystuhu u caaboonaa, shacabka Jarmalku Kama aysan seexan in ay dhammaantood ay noqdaan hal dal. Markii se, maalqabeenadu ay watteen carruurtoodii, waddankiina uu  awoodi waayay in uu dhallaankiisii soo ceshado, shacabkii waxa uu Ku qasbanaaday in uu aado dhulka ajnabiga. 

 Sanadkii 1890kii  ayaa hanaqaaday, Aabaheey waxa uu ka shaqeynayay Jamrak , kadib markii uu hoowl gab noqday waxaan aadnay magaalada Laaz misqad, kadibna uga sii gudubnay tuulada Laambakh. Halkaas ayuu ka bilaabay falashada beeraha dhulkeena, anna waxaan galay iskuulka Laambakh.  Inkasta oo da'deydu yareed, hadana waxaan ka fikiri jiray mustaqbalkeyga. Anigu maan laheen mihnad, shaqana ma rabin oo waxay iila muuqatay sida xarig hoos ii jiidaya. Nafteyda waxaan ka helasyay hibo hogaamineed, mar kastana waxaan isku dayi jiray in aan Ku qanciyo jaalayaasheyda iskuulka aragtideyda.
Waqtiyada aaan firaaqada ahay waxaan aadaa Maktabadda Aabaheey si aan u daalacdo buugaagta Taariikhda iyo Majaladaha sawiran. Maalin maalmaha ka mid ah waxa aan helay majalad ay Ku dhex jirto sifeeyn layaab leh oo ah dagaal dhex maray Raashka iyo Faransa. Aniga oo sii aqrinaa macrikadii ciidama ..... Waxaan is weydiiyay : mee Jarmalkii ustariya maalintaa?  Maxayse ustarasliyaanku u guuldareysteen? Ma farqi baa u dhexeeya Jarmalkii Qasbay Naabilyoonkii saddexaad iyo Jarmalka ustariya?

*************************

Aabaheey waxa uu ogaaday in aanan ka helin barashada Kalaasigada, waxa uu na rabay in uu ii beddelo mid kamid ah madaariska fanka lagu barto, si aan mustaqbalka u noqdo shaqaale. Laakiin, shaki uga ma jirin in aan yeeli doono rabitaankiisa. sidaa darteed, waxaa lama filaan Ku noqotay diimadeydii. Waxa uu isku dayay in uu ii qurxiyo shsqada uu isagu Ku noolaan jiray, si cad ayaanse u iri waxaan ahay inan yar mana doonayo in aan noqdo shaqaale, laakiin waxaan ogolaaday in la ii beddelo machadka Fanka. Halkaasna waxaan Ku ogaaday in aan leeyahay Hibo ah wax sawirid. Laakiin, aabaheey waxa uu soo cusbooneysiiyay  rabitaankiisii ahaa in aan noqdo shaqaale. Anna waxaan ugu jawaab celiyay in aan go'aansaday in aan noqdo farshaxamiiste. Jawaabteyda waa uu ka xanaaqay. Laakiin anna ra'yigeyga baan Ku adkeystay, isna kiisii ayuu Ku adkeystay.  Waxa uu iga bixiyay machadkii waxa uuna igu celiyay Iskuulkii. Halkaas ayaan Ku qaatay casharo rasmiga ah ee farshaxanka, wixii kalana waan iska hilmaamay, laakiin, weli waxaa igu taagan maadadeydii Taariikhda iyo Juquraafiga.

 Maanta waxa aan xasuusanayaa dhacdooyin tagay. Waxaan dareemayaa  in Aabaheey ila rabay in aan noqdo waddani dhab ah.  Waxaa maankeyga ka guuxaya xasuusooyinkii macalinkeygii Taariikhda  Dr liyuyoolid botish-   Ustariya waa qeyb ka mid ah Jarmalka, in ay noqdaan Dowlad madax banaanna waa arrin ka go'da Dadka reer jarmalka ah.

Aabaheey waa uu geeriyooday anigo oo aan 13 sano gaarin, Hooyadeyna waxa ay fulibaysay rabitaankii aabaheey, kaas oo ahaa in la i geeyo mid ka mid ah shaqooyinka dowladda marka aan 18 gaaro. Ma maleyheynin in aan ka diidi doono dalabkeeda. Laakiin waxaa dhacay ....taasoo dhaqtarkii muddo sanad ah iga joojiyay waxbarashadii. Sanadkaas aan guriga joogay hooyadey waxa aan u sheegtay hiwaayadeyda cusub. Daqtarkiina waxaan ka codsadsy inuu hooyo Ku qanciyo in la igeeyo machadka lagu barto fanka. Waana Ku qanciyay.

Hoiyadey laba sano kadib markaan ksoo laabtay  machadkii Fanka ayay geeriyootay,  waxaan noqday kaligeey Aniga oo aan qaan gaarin، mana heysto wax ceesh ah kadib markii aan hantidii Aabaheey ka tagay  Ku dhamaatay afartii bilood ee aan la joogay hooyo oo xanuunsan.

Si aan u noolaado waa in aan shaqeeyaa. Waxa aan aaday Fiyeena hubka kaliya ee aan sitasna waa  rabitaan iyo in aan meeleeyo masiirkeyga. Aabaheey waxa uu ii jeexay tubta nolosha. Waxa uuna I gaarsiiyay meel sare taas oo uu isagu  horay u gaaray. Anna waxaan jeexan doonaa dariiqa nolosheyda, laakiin kuma joogsan doono Shaqaalanimo wax kasto oo igu kallifaba.

Saturday, January 20, 2018

HOOYO MEEDAY

HOOYO MEEDAY
Magaceygu waa Cali, waxan joogaa jarmalka. Kahor inta aanan kasoo hayaamin dhulkii hooyo, waxaan ka shaqeyn jiray dawaar. Shaqada waxaan bilaabay kolkii aan waayay minxo waxbarsho oo dalka dibdaddiisa ah.
Image result for mother quote
 Caadiyanba, ardayga kaalinta koowaad ka gala imtixaanka dugsiga sare waxaa lagu abaalmarin jiray waxbarasho dibadda ah. laakin, anigu maan helin.  Booskaygii ruux kale baa lagu abaalmariyay. Haa, wiil wasiir dhalay weeye. Isagu aqoon kuma helin,laakin aabihii baa wasiir ahaa markaa, sidaa weeye, qaabka uu ku helay. Anigu intii aan dugsiga sare dhiganayey aad baan u daali jiray si aan lambar wan u noqdo oo waxbarsho bilaash ah u helo, maadaama aabbahay uusan noolayn, hooyadeyna suuqa kasoo xamaasho si ay u dhiciso nololshayna.
Markii aan ka quustay minxadii, waxa aan bilaabay  barashada dawaarka, bil kadibna shaqo baan helay, inkastoo aysan isu dhigmin khidmadda lay siiyo iyo shaqada aan qabto, hadana waan ku qanacsanaa shaqadeyda.

Subax kasta baan u kalahaa shaqada, qorrax dhiciina waan kasoo laabtaa. Marka aan guriga kusoo laabto, hooyo aad bay iigu faraxdaa, aad bay ii dhiiri galisaa. Maalinta aan imaado iyadoo guriga ka maqan aad baan u naxaa! Waayo, hooyadey noloshayda marna igama maqanaan 24 saac oo isku xigta.

Galab aniga oo shaqada ka soo rawxay baan gurigii oo cidlo ah imid, hooyo  may joogin.  Inan dariskaa ah baan weydiiyay.
¾     Walal hooyadey ma aragtay?
¾     Haa, wiilow. Hooyadaa, aniga bay farriin iigu kaa dhaaftay. Ay-Cambaro-aw LIbaax, oo gabadh ka dhimatay bay tacsi u aaday, waana soo laabanee, ha ka walwalin saacadahaan way na soo heysaa!
Marka aan maqlo inan geeriyootay aad baan uga naxaa, waxaan soo xasuustaa walaashey Dahabo-dhiirran.  Abbaayo Dahabo wey geeriyootay. Ma dhimane  waa la dilay! Maalin iyada oo kasoo rawaxday jamaacadda bay bas soo raacday. Baskii baa lagu joojiyay  bar isbaaro tiilay.  Rag hubaysan baa halkaa joogay.
Wadidihii gaariga bay lacag waydiisteen, isna wuu siiyay, waysa saluugeen. Amar bay ku bixyeen in uusan gaarigu dhaqaaqi Karin, darawalkii baska wuu ka dhaga adaygay amarkaas, wuu dhaqaajiyay gaarigii. BUM. Rasaas bay huwiyeen gaarigii. Dhaawac iyo dhimasho baa ka dhashay. Abbaayo dahabo-dhiiran, dadkii ku geeriyooday bay kamid noqotay.
Hooyo oo suuqa joogto baa loo sheegay geerida Dahabo, naxdin bay la suuxday. Waayo, Dahabo aad bay u jecleed. Aniga markii la iisheegay sida ay wax u dhaceen sara-jooga baan ka dhacay naxdin aawadeed. Isma lahayn naxdin taas  ka wayn baa ku soomari doonta!

Taasi se waa beenowday, tu ka daran baa isoo martay. Dhacdooyinka aan dhaayaha u roonay deegaanka way ku badnaayeen.  1-dii feebaraayo, maalin la halmaami karo mahayn! Haa, anigu ma hilmaamin, mana hilmaami doono.
Waxay ahayd gabal dhicii wali se, maqrib lama gaarin. Waqtiga aan dawaarka kasoo laabto  badanaa toos baan xaafadda u abaaraa si aan hooyo howsha guriga ula kaalmeeyo. Maalin kaase waan dib dhacay. Wixii idaahiyay ma xasuusto laakiin, nus saac baan ka dib dhacay waqtigii aan horay guriga tagi jiray. Illayn qadarta eebbe, waa mid qoran! Allaha na uumay cilmi badanaa oo awood badnaa!
 Mar aan xaafadii ku sii socday wali se,aanan gaarin baa waxaan maqlay dhawaq aanan I farxad galin, igu ma cusbayn oo horay buu habiino hurdo iiga toosiyay. Dhaw…   waa madfac! lugihii baa inatay isku duubmeen dhulka ka dhaqaaqi waayeen. Afkii baa laba taako noqday oo hadli waayay. Alla awood badnaa wuxu.  iisaanka uu ku dhacay sidee buu noqon haddiiba anigii ka fogaa sidaan ii waxyeeleeyay!
  Laba daqiiqo dabadeed, halkii ban ka toosay socdaalkiina waan sii watay. Qiiq iyo uuro baa ka muuqata meel hortayda ah. Ambalaas baa xufta igu martay. Dad ooynayay baa iga horyimid. Socodkii baan boobsiiyay si aan meesha mashaqada ka dhacaday u gaaro, markiiba wiil aan waji aqaan baa iga soo hormuuqday. Su’aal baan ku boobay. “ Cabdiyow, xagee bay wax ka dhaceen?”. “ xagee wax ka dhaceen iyo saacaan baa!..” yaah…!
“Waar xaafadaadii baan madaafiic daran-doori ah ku dhaceen …”.
Yaah… xaafadadii…. Alla hooyo ma nooshahay. Alla hooyo ma nooshahay.
Oradkii aan halkaa ka qaaday ugama ma neefin ilaa aan dul joogsaday gurigaynii oo aad moodid xaabo dab la qabad siiyay. Waan qarracmay! Sidii qof waalan oo kale baan hadalo iska daba tixay..
..Hooygii dunyaye, hooya meeday.  Hooygii dunyaye, hooya meeday!
Maydadka tuban hareerahayga waxaa iiga sii darnaa dad naf ku jirtay dhaawac daran se  ahaa oo cabaad koodu uu kusii murjinayo. Dadka ma garan karo, waxaan se  ku qiyaasay, jaarkii.  Waxaase ku darsanaa dad kale oo socoto ahaa. Anigoo dhan aan u socda garan weysan baa halmar gacan qof I qabay. Waa abti Axmadeey. Hadal aan fahmi waayay buu I yidhi, uma se jawaabin. Markale ayuu se intuu ku leetiga I qabatay yidhi:
¾     Waryaa, hooyadaa ma aragatay?
¾    …. I.iih.
¾    Caliyow, hadal, Hooyadaa ma aragtay?
¾     Ma arkin..
Intii aanan jawaabta u dhamayn buu dhanka bari iiga rooray, anna sidii wax hurdo kasoo toosay oo kale baan indha jijibiyay dhanka kale u cararay. Labad talaabo markii aan qaaday baan ku fay. Intaan booday baan haddana orday, markale baan ku dul dhacay, laba qof oo mid  mayd yahay kan kalana naf aan qumayn ku jirto. Waxa uu ku qaylinaayay. “ ar ibadbaadiyooy…..”. intaan booday baan u dhaqaaqay meel ay dad ka qaylinaayeen, inta aanan gaarin baa arkay gacan meel taal. Waa gacan aan aqaan. Alla waa hooyo macaanto gacanteedii!.... alla hooyaday way dhimatay..
 Qeylo iyo boohin baa isku daray, gacantii ula fakaday halkii aan abti ku maleeynayay. Alla, abtiyoww, hooyo waa dhimatay, waan tan.. hadalkaa markii aan lahaay baa ogaal iigu dan baysay. Maalintii xigtay baan soo miirsaday anigoo xaafadda abti la igu haayo. Maalmo kadib ayaase la iisheegay in aan waashay oo la xirxiray! Ilaah baa mahad leh aan waali dhab ah iiga dhigin.
Laba asbuuc kadib geeridii hooyaday, waxaa habiin ceshihii masjidka dhexdiisa lagu toogtay abti  Axmedeey.  Sababta loo dilay iyo cidda dishay alle mooyee  cid kale ma oga.  Maalintaas kadib wax baa igu abuurmay. Dharaartii feker baa iga bixi waayay, habiinkiina hurdo baa iga soo dhici weyday. Naftaydii baa ii diiday I aan ku noolaado mee lagu dilay  abaayaday Dahabo-dhiirran, iyo abtigay Axmadey. Meeshii madfac ku kala jarjaray  hooyaday. Meel dhalin yarada filkayga ahi iigu caynayaan haybta reerka  aan kasoo jeedo. Intaas iyo kuwa kale ba waxay igu qasbeen I aan kasoo socdaalo dhulkii hooyo.
W/Q: Maxamed C. Jeyte. 

SI AAD CAAN U NOQOTID QOF CAAN AH CAAY!

SI  AAD CAAN U NOQOTID QOF CAAN AH CAAY!
Waa qaacido lacanadan oo baal marsan sharciga ALLE iyo dhaqanka suuban ee  Soomaalida.
Waa dhaqan laga soo minguuriyay dad ay akhlaaqdu ka carawday misna aan haysan caqli kaafiya. Waa marin habaabin qar iska tuurnimo ku salaysan. Waa hab-dhaqan bolol ah oo loo ekeysiiayay  xadaarad iyo hormar la gaaray.
Insaanka waa u dabci inuu jeclaado buunbunistiisa iyo sheeg- sheegidda samahiisa, laakiin, waxaa shay cusub ah oo waliba in lala ashqaraaro mudan, in dad waaweyn ay har iyo habeen waqti, maskax iyo maal ku bixiyaan sidii ay bulshada isaga gadi lahaayeen jeer ayna dadka iyo dalkaba kusoo kordhin hal shay oo wanaag ah.
Qofka waa u gunnimo, waa u cayb iyo sharaf darro inuu waqti ku bixiyo caannimo gacan ku rimis ah kalkii uu naftiisa wax tari lahaa oo umadda shay anfaca isku mashquulin lahaa.
Caan waad noqon kartaa adigoo qofna caayin, adigoon ceebihiisa faafin, adigoon sharaftiisa ku xad-gudbin,……,
Casrigaan la joogo oo ay ummaduhu u tartamayaa sidii ay u hormari lahaayeen kaaba-yaashooda dhaqaale,kor ugu qaadi lahaayeen  aqoontooda culuumta kala duwan, oo ay u hormari lahaayeen awoodooda iyo cududdooda ciidan, una heli lahaayeen maskax faaruq ah oo ay gumeystaan, in aan annagu-na dhex muquurano bad-weyn khiyaali ah oo aan laga bixin, waxay ku tuseysaa heerka aan kala joogno  annaga iyo hormar.  waxay daliil cad u tahay in ay nagu badan yihiin shar wadayaal cadaw ah oo aan u diir naxay naftooda iyo ta guud ee ummadda. Waxaa wax iska cad ah, in kuwa xumaan fallida caadeystay ay leeyihiin awoodo ay ku fuliyaan rabitaanadooda carunka ah.
Dadka kuwooda samaha jecel, wanaaga raba inuu sii ahaado mid jira, diinta iyo akhlaaqda wanaagsan in la isku xukumo jecel waa kuwa aan lahayn awooddii ay ku dhawaaqi lahaayeen. Dadkaas aad bay uga dharagsan yihiin in fallidda wanaaga lagu kasbado liibaan iyo hormar adduun iyo mid aakhiraba, halka kuwa dibjirka ah ay ka dharagsan yihiin in xumaanta ay falkinayaan aysan xasanaad ku helayn haddana ay ku dhiiranayaan sameynta xumaan kasta. Waa laba koox aan isku war hayn kuna  kala socda laba tog oo aad u kala durugsan.

w/Q; maxamed cabdi jeyte
sixitaanka : CabdicCasiis Shidane.



Saturday, November 4, 2017

ANIGA IYO ASAAGEY!




Qof  aan waligiis tagin  baadiyaha  ama  aan ku dhalan  ma garan karo qaabka looga dhaqmo loona dhaqdo  xoolaha,laakiin, ruux  aan magaalo ku dhalan  kuna  barbarian, wax adag ma ahan inuu la qabsado  dhaqanka iyo  nolosha  magaalada, taas macnaheedu ma ahan,in qofka  magaalada  ku dhashaa uusan  baadiyaha  wax ka tari Karin, hayeeshee, hab-dhaqanka laba  dhinac  ayaa  aad u kala fog, fahmada iyo  fiirada  labada ruuxna  aad bay kula  gadisantahay. Qofka  baadiyaha ku dhashaa kuna bar-baaraa  aad  buu uga  fiiri iyo  garasho  dheeryahay qofka aan ku dhalan baadiyahay,inkastoo  oo ay jiraan  kuwa  baadiyaha  ku barbaaray  se, aan  dhug laheyn,iyo  kuwa  magaalada ku dhashay  oo  caqligooda  iyo garashooduba  aad u sareyso.


Anigu  isku  amaani maayo  inaan  reer baadiyo  ahay, iskuna  caayi mayo  inaan  magaalo  jog ahay. Baadiyaha  waan ku dhashay  kuna  barbaaray, magaaladana waan ku indha-qaaday,ku garaadsaday,tacliinna ku bartay, illaa iyo haddana wali ku bartaa.

Tan iyo bilawgii  tacliin barashada, asxaabta iyo  dadka  aan is hadal fahannaa waxey  ku xirnaayeen, hadba  heerka  noloshaydu mareyso, iyo  heerka  aqoon  ee, aan milkiyo. Waayadii  danba se, wax  xanuun badan baan dareemay, asxaabta  aan isfahanno  baa yaraatay, nafteyda baan qaladka siiyay,dhowr jeer  baan dareemay  inaan fahmo  qaladka jira ee  aan  asxaab  badan  u heli la’ahay, hayeeshee, jawaab  I shaafisaa ma helin. Inta badan  aynigey  ima  fahmaan, anna  iyaga baan la yaabaa, iyagu  badaw reer-baadiyo  ah bey  ii heystaan, anna  waxaan la ashqaraaraa fool xumada ay  falkinayaan.

Sanaddo badan oo  asxaab yari ah  baa  isoo wajahday, markastana waxaan isugu  laab  qabooji  jirey, maah-maahdii  ingiriiska aheyd  ee  dhaheysay: “ buugaagta iyo  asxaabtaba lama badsado”, iyo  middii  soomaaliga aheyd  “ cashar iyo  cad bari ahba lama badsado”.  Subax ayaan se, damcay  inaan asxaabta si qasab ah ku barto. ka rumeynta go’aankaasi ma fududa, waa in aan u dhaqmaa sidooda oo kale,oo  aan ka tagaa  kana tanaasulaa hab dhaqankeyga  asxaab la aanta I dhigay.
Judhiiba  waan dhaqaaqay,asxaab  aan iga fogeyn baan u tagay,markiiba isheydu  kuma aysan raaxeysan la biskooda,sida timahoodu  ujarayihiin, iyo  hadalkooda,iyo  ….
Markaan dultagay  baan salaamay,salaamu calaykum baan I dhi. Qoslay bay la daateen. “ Alla, suufigaan xaggee  buu  naga soo salaamay”- bay  yirahdeen.
Dareemay  in layga  didasanyahay,  bal  maxaa  iga muuqda oo  dadka iga soocaya! “Saaxiibayaal  inaan asxaabta  kusoo biiro baan  doonayaa”  baan I dhi. Ahaahaaa. “Waad kusoo  biiri kartaa  shardi  baase, kugu xidhan”. Oo  muxuu  yahay  shardigaas  baan  weydiiyay? “  kubadda  cagta  xoog dee  baa  taageero  u tahay” bay  I su’aaleen. “ midna. Maxaan gaalo  u kala taageerayaa”. Baan  ku idhi. “  caku iyo reer baadiyo, war  na dhaaf , abeeso  ku ruugtaye” bay  yiraahdeen. Markiiba  waan dhaqaaqay  oo  qaar kale, oo meel  qashin  ku ruugaya  baan  ag joogsaday. Asaamucalay kum  ma oran  - oo kuwii  hore  baa  igu la yaabay, se, eray kale  ayaan adeegsaday  oo  iri: “ war haye”. Jawaab ima aysan siin, malaheyga  ima aysan maqlin. Warkoodii  baan  dhageystay, dhagteydana waxaan dhibic ku siiyay, warar khiyaali ah oo  midba  dhankiisa  ugu  hadaaqayay. markiiba  waxbaa  igu  yidhi  fako  raggu wey  ku dili rabaane.  Fagatax  ka  fatuurad!

Socodaalkii kama  aanan nasan illaa  aan arkay  dhallinyaro meel ku  shawreysa, “laydi salaan” baan idhi. “  lagaa  qaad  kaabe, soo dhawoow” baa la iigu  jawaabay.  Farxay oo maleeyay  inay yihiin kuwii  aan  raadinayay. Kaftan iyo  hadallo  aan  fahmi waayay baa  raggu  watay,ma joojin  ee  waa lasii watay. Dhowr daqiiqo dabadeed bay  I weydiiyeen “ hablaha ma xod-xodataa”? “  nimanyahow  anigu  iminka  guur  diyaar  uma ihi,mar haddii ay sidaa tahay, maxaan  ka  faa’iidaa  shukaansigooda”.
Kkk.kkkkkkkkkkkkkkkk
Raggii  oo dhan baa  mar qura  qoslay.  Tolow  ma aniga  ayaey  igu  qoslayaan!
“ War heedhe,miskiin baa  tahaye, maxaa  guur  ku gaarsiinaya, iminka  hablaha shukaanso, oo  tii  kula  qurxoonaata  ballanso”. Talo bay  iyagan ka tahay, aniga se, dacar  bay  igala qaraartahay.  Ballanso  kulahaa, oo  kadib  maxaa la qaban? Anigu  mugoo  warkaas  uma bogin. Si hoose  baan iskula  hadlay.  “  oo, saaxiibayaal  adinku  ma sidaas baa  sameysaan”?  si lama filaan ah bay  su’aashaas  iiga timid. “Maxaan kaloo  ka shaqeysanaa?  Intaan ballansanno  baan  bogga  uga  dhacnaa e”.  yaah!  Kuma  jiro   anigu.  Baan  I dhi.  “  wajigeyna  ka beyr  gabdha  shaneeya  baa  tahaye”  bay  yiraahdeen.

Dhaqaaqay,  masjidkii  baana  u socdaalay  madaama, waqtigii  salaada  la gaadhay. Dhalinyaro  badan baa  jardiinada  fadhisa.  Ma  feybuug  bay  ku jireen mise  jaambiyoonkii  xalay  bay  faaqidaayayaan?  Aan  ku baxo  si  aan salaadda u wada  aadno.  Saaxiibayaal  sow  aqinkii  salaada  ma yeedhin  maa ina keentaan  aan salaadda  dukannee  baan  ku idhi.  “ Salaadda  ma adigaa  nagu leh “ bay  iigu  jawaabeen.  May. Alle weyne, baa  dhammaanteen  nagu  waa jibiyay. “ Ninyahow, buuqa  nagala kortag. Anaga halkaan waxaa  naga wadi waayay kuwii  tabliiq  lagu  sheegi  jiray e”  bay  iiga  naxsadeen.  Oo  hadda  salad  dukanmeysaan miyaa? Baan idhi.   “ Waxaas oo  kale  waa  kuwa  dadka  qarxinaya…” mid  is careysiinayay  baa  hadalkaas  igu yidhi.

Anigoo  la yaabban  diidmada  dhalinyarada  baa waxaa la soo  wacay taleefonkaygii.  eegay.  Waa  lambar  igu  cusub.  Halaw……
Daqiiqad  markii  uu ila hadlayay  buu  yidhi: “ walal, waxaa  lagaa  doonayaa  in  aad  ilaah  dartii  u shaqeysid…”  oo  maxaan  qaban?  “  .. murtidiinta,gaalada iyo kuwa  taabacsan  baa  wadanka  ka xureynee.”  Sidee ?  “  dee, noo imow, si  aad  u qaadatid  nadwo  istishhaadiyo  ah..”,  kadibna  maxaa  qaban?  “ mujaahid  baa  noqoneysaa”!  iminmaba jihad  baan ku jiraa, oo  hooyadey baan u adeegaa...,  “  war, waxaas  jihad ha ku sheegin, hooyadaa  cid  kaalmeysa  weyn mayso e, kaalay..” .Jaaw jaalle, anigu  is qarxin mayo e.

Agah!  Da’yartii  ma sidaa  baa  u danbeysay!  Oo  hadda  ku weebaan  saaxiib la noqdaa?
Ma kuwa  is qarxinaya? May. Sow ta  rabbi  xaaaraantimeeyay  in qofku  naftiisa gooyo. Ma kuwii  bilaa salaadda ahaay baan jardiinada la fariistaa?  Kuwasna  ha  igu  sheegin. Qof  dayacay  amaanadii  rabbi,sidee  baan  ula  saaxiibaa?!   Yaa  ka roon marka… kuwii  yidhi hablaha balanso  iyana ka waran?  Balaayo  idinla  saaxiibtay. Ma sheydaan baan  saaxiib  la noqon karaa. Sowta  ibliisku  yiri  kuwa  sineysta  waa  saaxiibadey. Kuwaasna  meel  iga dhig e, yaa haray?   Waaaw, rag baa  haray  wallee. Asxaabtii  tiri koox  u sacab tum!  Oo  miyey  I garanayaan  kooxahaas  aan  u sacab tumee?  U maleymaayo. Tolow  faa’iido  nuu cee  ah  baan  ka heli karaa  taageeridda  kooxaha  kubadda  ciyaara?   Acuudu billaahi ..  ma sheydaan baa  cariga  soo galay, faa’iido  bay  leeyihiin  baa  maqlay e.   Wax sidii  bahaaimka la kal  iibsanayo  in aan  waqti  ku lumiyaa  waa ii damiir  xumo.
*       Aniga  iyo  asaageey ……..,
*       isma  fahmi kareynee,
*       Noo  keena  turjubaan,

*       Hannoo kala dab qaadee.
          
      W/Q: maxamed jeyte.

Thursday, September 28, 2017

Sixirkii ay I bareen suufiyadu (Sheeko dhab ah) -----Q2aad. W/Q: Cali Ileeye.

Sixirkii ay I bareen suufiyadu (Sheeko dhab ah)
-----Q2aad.  waxaa qoray cali ileeye.

Xaamid Aadam Muuse -sixiroolihii toobbad keenay- waa sheekh soodaani ah, oo ka tirsanaan jirey dariiqooyinka suufiyada. Waxa uu ka gaadhay dariiqadiisa Tajaaniyada derajada ugu sarreysa ee ‘Qudub’. Qudub waa mid ka mid ah afarta nin ee afarta jiho ka wakiilka ah. Waxa uu bannaanka soo dhigayaa Xaamid been, sixir iyo khuraafaad badan oo ay ku shaqaystaan dadka sheegta awliyadu……………..Qaybtii 2aad.
La kulankii jinka.
----------------------
‘’Imtixaanka labaad ee aad marayso, waxa kuu imanaya malag.’’
Waxa aan ku idhi : ‘’sidee?’’
‘’ Waxa kuu imanaya malag magaciisa kuu sheegaya, oo ka mid ah rooxaaniyiinta.’’
Waxa aan idhi: ‘’ oo rooxaaniyiintu ma malaa’igbaa?’’
Wuxu yidhi: ‘’ Haa.’’ “ Ma aha malaa’ig waaweyn, balse, waa malaa’ig insiga ka sarreeya, waxa loo abuuray in ay adiga kuu adeegaan.’’
Waxa uu hadda qirayaa Xaamid, in waxa uu sheekhu Malaga ugu sheegaya uu yahay jin. Waxa uu yidhi:
Waxan uu sheekhu rooxaaniga ku sheegayo Ilaahay ayaa inooga warramay. Alle waxa uu yidhi: ‘’ Maalinta la soo kulmiyo dhammaantood, ee malaa’igta lagu yidhaahdo: kuwani ma idinka ayaa ay idin caabudi jireen * Waxa ay dhaheen - malaa’igtii – Eebboow adaa xumaan ka nasahan oo iyaga nooga dhaw (weli noo ah), ee waxa ay ahaayeen – dadku – kuwo caabuda jinka, isaga ayaanay intooda badani rumaysnaayeen’’ Saba 40 -41. Rooxaaniga laguu sheegayaa waa hoggaamiye jinka ka mid ah, yaanu ku dagin mid af-ku-malable ahi, oo ku yidhaahda waxa aan la shaqeystaa jin muslin ah. Ka digtoonoow, ka sidaas ku lihi waa shaydaan insi ah, oo uu u waxyooda shaydaan jinni ahi. Illaahay ayaa Quraanka ku sheegay: ‘’ Shayaadiinta insiga iyo kuwa jinku badhba badhka kale ayuu u waxyooda hadal la qurxiyay, oo lagu dagmayo.’’ al-Ancaam.
Sheekh Xaamid waxa uu leeyahay kuwa waxan na baray -jinka iyo sixirka - waa culimo awliyo lagu sheego, oo faraha la isugu tilmaamo oo la yaqaanno. aniguna weli ayaa aan ahaa, waxa aan lahaa karaamooyin. isku soo wada xooriyoo, waxani waa waddada loo maro caalamka jinka iyo rooxaaniyiinta.
Sheekhii waxa uu I yidhi: ‘’ Wiilkaygiyoow, ha baqan. Waxa uu malagu kaa doonana waafaq, oo ha diidin.’’ Kalmadda waafaq oo ha diidin, waa mid cabsi iyo argagax leh. Shuruudaha uu rooxaanigu wato mid ka mid ah hortiisa ayaa aad ku fulinaysaa, inta kalena markii loo baahdo. Marka aad jinka la shaqaysato ee aad wax uga baahataba shuruud ayuu kugu xidhayaa, ay qasab tahay in aad fulisaa. Shuruudahaasi marka dusha laga eego waa kuwo diin ahaan xaaraan ah, se adigu waa aad ka gudubtay dunida muuqata, oo cilmi baadinka ayaa aad u gudubtay. Gabyaa reer Khartuum ah ayaa yidhi: “cilmiga dhabta ah (dedan) qofka sirtiisa faafiya maalkiisa waa la xalaashadaa dhiiggiisa kaddib, muu awoodin Muusihii -alle la hadli jiray- sabirka Khadarkii la socday, sidee buu markaa ardayna xaalkiisu noqonayaa.’’ Halkaas ayaa ay ku jirtaa sirta ah in aanad rooxaaniga waxba ku soo celin, ee aad shuruudihiisa waafaqdaa.
Isku soo xooriyo, xilli saq dhexe ah oo ay dadku seexdeen, ayaa uu sheekhii ii soo raacay khalwadii. Gudaha markii aan galay ayaa uu dusha igaga xidhay . Waxa uu hore iigu sheegay sheekhu in aan habeenka koowaad ku tukado sijaayadda laba ragcadood, aniga oo akhriyaya ragcadda hore Faatixda iyo Kaafiruun, ragcadda labaadna Faatixda iyo Ikhlaas. 41-ka cisho labadaa ragcadood ee habeenka koowaad ah oo qudha ayaan tukanayaa, weliba aniga oo qaawan. Waxa aan bilaabay dikri iyo ducooyin kabkab ah oo sheekhu ii mariyay. Waxa ka buuxay ducooyinkaa shirki iyo waxyaalo xaaraan ah, iyadda oo Quraanka meel looga dhacayay, lana kaalmaysanayo boqorada jinka iyo rooxaaniyiiinta. Waxaas oo dhan waxa aan u samaynayay aniga oo moodayay in aan noqonayo weli ka mid ah awliyada Ilaahay, kana mid ah dadka karaamada leh, wax kasta oo adagna loo jilciyo. Sidoo kale waxa aan doonayay in aan noqdo qudbi ka mid ah qudbiyada suufiyada, si aan u xaadiro kulanka Ilaahay iyo xadrada Nabiga!
Habeenkii 41aad , xilli habeenimo ah waxa ii soo muuqday rooxaani, rooxaanigan oo la yidhaahdo Sahsahoobi, waa hogaamiye jinka ka mid ah ah –sida aan gadaal ka ogaaday. Waxa uu maamulaa koox weyn oo jinka ka mid ah. Inta aanu kuu soo gelin waxa uu weydiinayaa ladhkaaga (qariinkaaga) waxa aad ka baqato. Sida Quraanka ku sugan (akhri suuradda Qaaf) qof kasta waxa ku ladhan oo la socda laba qariin –mid jin ah iyo mid malag ah. ka jinka ah ayuu Sahsahoobi la xidhiidhayaa, waxa aanu ogaanayaa dhammaan dabeecadahaaga, waxa aad ka baqato iwm. Anigu waxa aan ka baqan jiray dhiiraantaxayada. Intii aanu Sahsahoobi ii iman waxa aan arkay muuqaallo argagax leh oo hortayda ka dhacaya –khalwada dhexdeeda. Markii hore waxa aan arkay dhiiraantaxayo, kaddib dhiiraantaxayadii waxa cunay rah weyn. Mar kale waxa aan arkay duqsi cunaya jab sonkor ah. Duqsigii waxa liqay jirjiroole. Jirjiroolihii waxa cunay jiir weyn, jiirkiina waxa cunay bisad. Bisaddii waxa cunay ey weyn, eygiina waxa cunay shabeel. Shabeelkii ayuu libaax cunay. Kaddib, waxa soo muuqday maroodi aad u weyn. Maroodigu hilibka ma cuno sida la ogyahay, laakiin, kani mid nooc kale ah ayuu ahaa, libaaxiiba afka ayuu galiyay. Dhiiggii ayaa aniga igu soo duulduulay, hadda dhiig caadiya. Waa xaalad argagax leh, balse, sidii sheekhu I faray waa aan is adkeeyay, oo ma aan gargariirin. Maroodigii weynaa waxa loo soo diray rah buur leeg, rahii ayaana liqay maroodigiiba. Muqaaladaa argagaxa leh iyo kuwo kale ayaa kolba dhan la iga tusayay, ugu yaraan afar jeer.
Intaasi markii ay dhacday, kaddib, waxa ii soo muuqday Sahsahoobi oo madax dad leh, qaarka danbena faras uga eeg. Intuu xanshaashaqay ayuu igu yidhi; “Calaykum’’ salaan aan dhamaystirnayn – afar jeer. Anna waxa aan ugu jawaabay; ‘’Wa calaykum.’’ Sidii sheekhu I faray. Waxa uu ii sheegay in uu magaciisu yahay malag Sahsahoobi, oo uu Ilaahay u abuuray si uu aniga iigu adeego, waxa aanu u sidaa bushaaro xagga Rabbi ka timid oo ah; ‘’ in laguu dhaafay danbigaagii hore iyo kaaga danbeba, nimcada Ilaahayna korkaaga lagu dhamaystiray. Sidoo kale, maanta laga bilaabo waxa aad ka mid tahay awliyada Ilaahay ee wanwanaagsan; ee aanay cabsi iyo werwertoona korkooda oolin.’’ Waxa uu ii sheegay in la iga dhaafay dhammaan waajibaadkii iyo cibaadooyinkii diiniga ahaa. ‘’ Waxa aad ka gudubtay marxaladda addoon, oo waxa aad noqotay xor,’’ ayuu af buuxa iigu sheegay. Anigu waxa aan u haystay inuu yahay Malag.
Waxa uu igu yidhi: ‘’ Indhaha isku qabo.’’ Markii aan isku qabtayna waxa uu igu yidhi; ‘’cirka eeg.’’ Waxa aan arkay cirkii oo ay ku sharaxan yihiin xuruufta BTJ-aada, oo far cagaaran ku qoran. Sida jeegaanta ayuu xaraf waliba cirka ku dherernaa cidhif ka cidhif. Midig waxa xuruufta ka xigay summad (dalsam) summadaha shirkiga ka mid ah, bidixna waxa ka xigay lambar lambarada ka mid ah. Waxa uu igu yidhi rooxaanigii qor xuruufta kuu muuqda iyo lambarkaba. Waxa aan ku qoray waraaqihii aan sitay. Wuxu I faray in aan sawiro summadaha ii muuqday, anna waan sawiray.
Hadda laga bilaabo danbigaygii waa la dhaafay, waxa la I baray cilmiga baaddinka ah. Waxa la ii muujiyay waxa daboolan oo dhan. Waxa la ii balanqaaday in aan Ilaahay la hadli doono –si toosa, iyo in aan Nabiga xadro la fadhiisan doono. Hadda laga bilaabo waxa aan noqday awliyada tallaabada (khudwa). Meesha aan doono hal tallaabo ayaa aan ku tegi karaa. Waxa uu Sahsahoobi I faray in aan tago meel ii jirta 45 KM. Hal tallaabo markii aan qaaday waxa aan is arkay aniga oo jooga! Meeshaa waxa yaallay lafo waxaana ku sawirnaa summado sida; xiddigo, jadwallo iyo lambarro.
Waxa uu I soo hordhigay Sahsahoobi shuruudo farabadan, waxaana ka mid ahaa:
1- In aan diinta caayo, in aan rasuulada caayo, in aan malaa’igta caayo iyo in aan Illaahay caayo.
2- In aanan soomin, waayo, xayndaabkii waajibaadka waan ka gudbay. Sheekh Xaamid ahaan 17 gu’ Ilaahay dartii uma aan soomin, dadkana in aan soomanahay ayaa aan isaga dhigi jiray.
3- Jumacaha in aanan tukan.
4- Imaam dadka tukiya ma noqon kartid.
5- Masaajidka kuma tukanaysid.
6- Haddaan tukanayso waa inaad bilaa wayso ku tukataa. Dadka in aan waysaysanayo ayaa aan isaga dhigi jiray, aniga oo aan kaadida iska dhaqin.
7- In aanan salaadda casar tukan. Haddii nala weyddiiyana waxa aan odhan jirey Maka ayaa aan ku soo tukaday. Hadda maka kala waqti ayaanu nahay, oo saacado ayaa aanu kala horreynaa ba.
8- In aad faaxisho la samayso cid ka mid ah qaraabadaada .
Warqaddii aan haystay ayaa aan ku wada qortay xaruuftii iyo summadihii. Warqaddani gadaal ayaa ay I anfacaysaa marka aan hawl-galo. Marka uu qof xanuunsanaya ama la sixray, ama wax laga xaday ii yimaaddo, hab gaar ah ayaa aan Sahsahoobi u wacayaa. Kaddib warqaddii la soo kala bax ayuu I odhanayaa, halkaas ayaanu ugu kitaab furaynaa qofka.
Sheekh Xaamid waxa uu ku leeyahay, haddii aad aragto qof sita warqaddo ama qardhaas ay summado iyo xiddigahaasi ku sawiran yihiin; iska ogow in uu sixiroole yahay. Summadahan waxa dadka lagu siiyaa khalwooyinka dhexdeeda, waxaana loo nisbeeyaa summadahan badankooda nebiyada: kani waa shaanbaddii (khaatim) Daa’uud, kani waa shaambaddii Saleebaan, kaasi waa shaanbaddii Maxamed (SCW). Waxaasi waa shirki iyo khuraafaad.
Culimadan jinka la shaqaysata iyo sixiroolayaashu waxa ay badiyaan sadaqo bixinta, dhisidda masaajidda iyo kafaalo qaadashada aqoonta iyo carmalka. Waxaas oo dhan waxa ay u samaynayaan in ay indhaha dadka iska jeediyaan, oo dad wanaagsan loo arko.
La shaqaysiga jinka iyo ogaanshaha qaybka
------------------------------------------------------
Sheekh Xaamud waxa uu leeyahay:
Aniga karaamooyinkayga waxa ka mid ahaa in aan wax taagan dhaqaajiyo, aniga oo aan taaban. Hawshaa dadku karaamo ayaa ay moodayeen, laakiin, jin ayaa ii fulin jirey aanay arkayn.
Waxa karaamooyinkayga ka mid ahaa in aan masaajid soo galay, kaddib, waxa aan sijaayaddii u jeediyay dhan aan qibladii ahayn. Dadkii ayaa igu yidhi qibladu xaggaas maaha. Waxa aan ku idhi waa aad qaldan tihiin. Waxa aan farahayga ku garaacay hawada, waxa aanay maqleen dadkii qaw qaw! Waxa aan ku idhi shanqadhaa miyaa aad garanaysaan? Waxa ay yidhaahdeen maya. Waxa aan ku idhi waa albaabkii kabcada. Markaas ayaa ay I rumaysteen. Karaamooyinka iyo qaybka la ogaadaaba waa hawlo jinku kuu sahlayo, oo aad dadka ku qaldayso.
Haddii imika nin lacag, dahab ama gaadhi laga xado, oo uu ii yimaaddo; marka uu sidaa iigu soo galo waxa aan u sheegayaa: magaciisa, halka uu ka yimi, waxa uu doonayo, caruurtiisa magacyadooda… Iwm. Marka aan intaa u sheego waa uu yaabayaa. Kaddib, waxa aan ku odhanayaa soo lagaama xadin gaadhi cad, oo lambarkiisu intaa yahay, maalin heblaayo, meel heblaayo. Haa, ayuu odhanayaa isaga oo yaabban. Waxa aan ku odhanayaa gaadhigaagi waxa xaday dadkaas, waxa uu yaallaa goobtaas, qubuurahaas marka la dhaafo, xaafad heblaayo. Boolis kaxayso, oo soo kaxayso. Sow yaab maaha?
Xilligii Xajaaj binu Yuusuf ayaa la qabtay faaliye, waxa lagu soo eedeeyay in uu sixiroole yahay. Waxa loo keenay Xajaaj. Wuu diiday in uu qirto in uu sixiroole yahay. Waxa uu yidhi anigu sixiroole ma ihi, ee waxa aan la shaqaystaa qariinka jinka ah.
Xajaaj ayaa gacanta ku xantoobsaday quruurux dhulka yaallay. Wuxu ku yidhi: ‘’ Maxaa aan gacanta ku haya?’’ Waxa uu yidhi: ‘’ Quruurux (dhagaxaan yaryar) ’’ Wuxu ku yidhi Xajaaj: ‘’Waa imisa tiradoodu?’’ Wuxu ku yidhi: ‘’ waa 19 xabbo.’’runtiisa ayaa ay noqotay.
Xajaaj ayaa mar kale quruurux gacanta ku qabtay. Waxa uu ku yidhi: ‘’Waxa aan gacanta ku hayaa waa maxay?’’ Wuxu yidhi : ‘’ Waa quruurux” . Wuxu ku yidhi: ‘’Waa meeqa tiradoodu?’’
Wuxu yidhi : ‘’ma garanayo!”.
Xajaaj ayaa ku yidhi: ‘’ Markii hore waa aad garatay, imikana ma aad garan ee maxaa dhacay?’’
Wuxu yidhi faaliyihi: ‘’ Markii hore, waxa aan wayddiiyay tirada waswaaskayga, si uu u weyddiiyo waswaaskaaga. Waswaaskaygii ayaa weyddiiyay waswaaskaaga, wixii naftaadu ku waswaastay. Isna waswaaskayga ayuu u soo sheegay, isna wuu ii soo sheegay.’’
‘’Markii danbe, waxa aan weyddiiyay tirada quruuruxa waswaaskayga, si uu u weyddiiyo waswaaskaaga. Waswaaskaygii ayaa wayddiiyay waswaaskaaga, wixii naftaadu ku waswaastay. Naftaaduna markan waxba kuma ay waswaasin, sidaa darteed, waswaaskaagii waxba uma uu sheegin waswaaskayga.’’ Xajaaj ayaa yidhi: ‘’Waa sixiroole, ee hala dilo.’’ Waana la dilay.
Sababta aan ku ogaanayo gaadhigaaga la xaday iyo dhammaan xogtaada oo dhami waa qariinkaaga. Isaga ayaa u soo waramaya qariinka jinka ila shaqaynaya, kaddibna, Sahsahoobi ayaa aniga xogta oo dhan ii sheegaya, marka aan si gaar ah, oo sir ah ula xidhiidho. Sidaa ayaa aanu ku sheegannaa in aanu qaybka og nahay. Qof kasta waxa ku lammaan laba ladh ama qariin, oo kala ah qariinka sharka oo shayddaan ah, iyo qariinka khayrka oo malag ah. Anigu waxa aan ogaan karaa waxa aad niyadda ku hayso - hadduu xumaan ama cay yahay- waayo, qariinka sharka ayaa ii soo gudbinaya xanshaashaqaaqa cayda ah. Laakiin, haddii aad wanaag ama dikri aad qalbiga ku hayso ama ogaan karo. Waxani waa khibrad 17 sanno ah. Dhakhtar wax ha weyddiine, weyddii tijaabiye wax.
Imikaba iska ogow: sixiroolaha, faaliyaha, fooxisada, kuwa burjiyada sheega, kuwa kitaabka fura, kuwa dhulka xarxarriiqa, kuwa beedka wax ka eega, kuwa baafka (tagshi) wax ka arka….iwm waa laamaha iyo adeegayaasha shayddaanka, waana kuwa ugu halista badan.
Haddaad fooxiso u tagto ama faaliye, oo aad rumaysato –sida Nabigu yidhi: ‘’Waxa aad ka gaalowday wixii nabiga lagu soo dejiyay – ee waxyi ah.’’ Haddii aad u tagto oo aanad rumaysanna afartan cisho salaad lagaama aqbalayo.
Cali Ileeye .
La soco qaybaha danbe........
Tixraac:
Eeg faalada koowaad.

Sixirkii ay i bareen suufiyadu! (Sheeko dhab ah) W.Q:Cali ileeye

Sixirkii ay i bareen suufiyadu! (Sheeko dhab ah)
***
No automatic alt text available.
Xaamid Aadam Muuse waa sheekh soodaani ah, oo ka tirsanaan jirey dariiqooyinka suufiyada, waxa uu ka gaadhay dariiqadiisa Tajaaniyada derajada ugu sarreysa ee ‘Qudub’; qudub waa mid ka mid ah afarta nin ee afarta jiho ka wakiilka ah. Waxa uu bannaanka soo dhigayaa Xaamid: been, sixir iyo khuraafaad badan oo ay ku shaqaystaan dadka sheegta awliyada, sheekhyada karaamada leh iyo gefefka ay ku kacaan madaxda dariiqooyinka suufiyadu, oo qaarkood ay sheegtaan in ay qaybka og yihiin. Waxa uu qaawinayaa kuwa sheegta in ay yaqaannaan ‘cilmu baaddinka’ ama kuwa sheegta in ay gaadheen derajada ‘ yaqiinta’ ama kuwa yidhaahda; ‘waa naloo tukadaa iwm.’
Xaamid Aadam -oo loo aqoon og yahay saaxirkii toobbad keenay- markii uu ka baxay suufiyada waxa uu badka soo dhigay dhacdooyin dhabanahays ku riday qof kasta oo maqlay. Waxa uu qabtay muxaadarooyin dhawr ah oo uu ku faahfaahinayo; sidii uu sixirka ku bartay, sidee ayaa dadka loo sixraa? Xirsi-xidhka ama qardhaastu waa maxay? Astaamaha lagu garto sixiroolaha, sidee ayaa ay awliyada suufiyadu ku sheegtaan in ay qaybka og yihiin? Ka qayb-galka xadrada ama fadhiga Nabiga iyo xadrada Illaahay! Iyo tusaalayaal nool oo ku tusaya qaabka ay awliyadu dadka u qaladdo ayuu Xaamid muxaadarooyinkaa ku faahfaahinaya. Halkan waxa aan ku soo gudbinayaa nuxurka muxaadarooyinka sheekh Xaamid oo Af Soomaali ah.
Xaamud waxa uu ku bilaabayaa sheekada:
Hayaankii Sixir-barashada.
----------------------------------
Waxa aan ka soo jeedaa anigu galbeedka Soodaan, gobolka Koonfurta Daarfuur gaar ahaan deegaanka Baraam. Aniga oo aad u yar ayaa aan u xadhko-xidhay in aan Quraanka iyo diinta barto. Hammigayga ugu weyn waxa uu ahaan in aan ka mid noqdo awliyada dhabta ah ee Ilaahay, oo aan noqdo caalim dadka bara Quraanka iyo diinta. Waxa aan u socdaalay tuulada Duwaal, oo uu joogay Sheekh la yidhaahdo Axmed al-Burdi, oo ka mid culimada ugu waaweyn deegaankaas. Sheekhaas ayaa aan xertiisa ka mid noqday, gacantiisa ayaanan wax ku bartay, aniga oo ka soo bilaabay heerka ardaynimada (muhaajir), una gudbay sheekha khalwada (malcaamad) kaddibna sheekha xalqadda. Waxa aan gaadhay heer aan aqoon ahaan la sinmay sheekhaygii -Axmed al-Burdi- markaa sheekhaygii waxa uu igu yidhi; ‘’laba sheekh oo siman deegaan ma wada joogi karaan, ee waa in uu midkeen tagaa.’’ ‘’Waxa aan kuu gudbinayaa sheekh iga aqoon badan, oo isna ku sii dalacsiiya.’’ Waxa uu ii dalacsiiyay sheekh la yidhaahdo al-Qaasim oo jooga magaalada Jinaynah, oo ku taalla xadka u dhexeeya Soodaan iyo Jaad.
Markii aan muddo la joogay sheekh al-Qaasim waa aan la sinmay aqoon ahaan, kaddibna waxa uu ii sheegay in aan Soodaan oo dhan ka baxayo, oo uu ii gudbinayo sheekh ka sii aqoon sarreeya. Waxa uu ii tilmaamay culimo joogta xadka ay wadaagaan Jaad iyo Nayjar. Waxa uu ii sheegay in halkaa ay joogaan culimo gaadhay derajada ‘Watad’ oo la macno ah tiir; ama kuwii dhulkaba hayay. Sida aynu ognahay suufiyadu waxa ay kala leeyihiin heerar dhanka aqoonta
ah sida; arday, sheekhal khalwa, sheekhal xalqa, naqiib, najiib, watad iyo qudub. Watadyadu waa ay badan yihiin, laakiin qudubyadu waa afar kaliya, oo kala maamula afarta jiho. Markii aan in badan la joogay culimadaas, waxa la ii gudbiyay sheekh derajada watad ah. Waxa la I faray in aan si indho-la’aana oo damqasho la’aan ah aan ugu adeego watadka, waxa halhays la iiga dhigay odhaahda ah: ‘’Wax ha diidin oo ha doodin, yaan lagu dayrin ama lagu doorine.’’
Waxa la igu yidhi u adeeg sheekha, si aad u noqoto qof dhamaystiran oo wax loo faydo (mukaashifi), waxa laguu faydayaa Looxa Maxfuudka ah, oo aad wax ka daalacanaysaa, waxa aad arkaysaa Nabiga -adiga oo soo jeeda- waxa aad arkaysaa Ilaahay! Waa aad la hadlaysaa, oo waa uu kula hadlayaa, waxa aanad ka mid noqonaysaa dadka soocan ‘khawaas’. Waxa ay igu yidhaahdeen waxa aanu ku baraynaa; cilmiga siraha , cilmiga yaqiinta( xaqal-yaqiin, caynal-yaqiin) iyo cilmu al-mukaashafaat. Waxa ay ii balanqaadeen in watadku i barayo - marka aan sida addoonka ugu adeego- cilmi baaddinka ((علم اللدن, oo ka duwan cilmiga muuqda, ee dadka caamada ahi yaqaannaan.
Sheekadii Muuse (RC) iyo Khadar (RC).
---------------
Sheekh Xaamid waxa uu leeyahay, si laguugu qanciyo in kasmada dahsooni (Cilmi baaddin) ay tahay wax jira oo Islaamka sal ku leh, waxa ay suufiyadu soo daliishadaan qisadii Nabi Muuse iyo Khadar dhex martay. Khadar waxa uu fahansanaa cilmu baaddinka, halka uu Nabi Muuse ku koobnaa cilmi daahirka ama waxa muuqda oo qudha.
Cilmi baadinku waa xaq, waanu ka xaqsan yahay cilmi daahirka, waxaana ay culimadayada -suufiyadu- soo daliishan jireen qisadii Khadar iyo Muuse –Alle raali haka noqdo labadoodaba e’, qisadan waxa aan u soo gudbinayaa arrimaha soo socda ayaa ah kuwo fajaciso ah, waxa aad I odhan doontaan maxa aad u rumaysatay waxa kan baadilka ah, balse marka aad qisadan dhugataan waa aad ii garaabi doontaa, beenta naloo laaqay.
Markii ay is raaceen kaddib, Muuse iyo Khadar oo ayaa arkay doon badda dhex maraysa, waxa ay ku yidhaahdeen ma idiin raacnaa deegaan heblaayo? Waxa lagu yidhi lacag ma haysataan? Waxa ay yidhaahdeen waxba ma haysanno. Kaddib bilaa lacag ayaa lagu qaaday.
Nabi Khadar ayaa Nabi Muuse ku yidhi: ‘’Cilmiga aan leeyahay adigu ma garanaysid, oo ma xamilaysid, ee ma ku sabraysaa in aanad waxba I weyddiin, illaa inta aan anigu kuu sheegayo?’’
Nabi Muuse ayaa yidhi: ‘’ Haa . Hadduu Alle idmo waan ku sabrayaa’’
Halkaa waxa ay culimada dariiqadu ka soo qaateen in aanad sheekhaaga waxba weydiin illaa uu isagu kuu sheego mooyee.
Doontii ayaa ay fuuleen Muuse iyo Khadar, Khadar ayaana dalooliyay doonidii. Muuse - oo yaabban- ayaa yidhi: ‘’ bilaash ayaa ay inagu soo qaadeen dadka doonta lihi, adna waad daloolisay, ma waxa aad doonaysaa in ay inala degto doontu? Maxaa aad waxaa u samaynaysaa?’’
Khadar ayaa yidhi: ‘’ Miyaa aanan ku odhan waxba ha I weydiin illaa aan kuu sheego anigu?’’
Muuse ayaa yidhi: ‘’Waa aan illoobay ee iga raali noqo.’’
Sidaas oo kale ayaa uu sheekhu kuu barayaa in aanad hadal ku soo celin, haddii kale waa lagu eryayaa, oo ujeedadaada cilmi ma gaadhaysid.
Mar kale waxa ay soo mareen Muuse iyo Khadar dhallaan meel ku ciyaaraya. Mid ka mid ah carruurtii ayaa uu dilay Khadar! Muuse ayaa yidhi: ‘’ Sidee ayaa aad u dishay naf aan denbi lahayn, oo weliba carruur ah?’’ Khadar ayaa yidhi: ‘’Hore ayaa aan kuugu sheegay in aanad u dulqaadan karin waxa aan samaynayo.’’ Muuse ayaa yidhi: ‘’ Haddii mar danbe aan ku wayddiiyo waa aad I eryi kartaa.’’
Waxa ay soo galeen magaalo –iyaga oo gaajaysan, dadka magaaladu waxa ay ahaayeen bakhayliin, oo cunto waa ay u diideen. Waxa ay soo ag mareen gidaar, iyaga oo hadhsanaya ayuu Khadar arkay in gidaarku janjeedho oo uu dhacayo. Waa uu toosiyay Nabi Khadar gidaarkii, oo waa uu dhisay. Muuse ayaa ku yidhi: ‘’Waa aad ogtahay dadka magaaladu in aanay waxba ina siin, maad ugu yaraan lacagta gidaarka aad ku dhistay weyddiisatid, si aan wax ugu cunno?’’
Sidaas ayaa ay Muuse iyo Khadar ku kala hadheen.
Nuxurka qisadan waxa aan uga socdaa in aydaan mardhaw I odhan maxaa aad sheekhaaga wax kasta oo uu ku amro u fulinaysay? Sida aad arkayseen Muuse waxa uu ku shaqaynayay cilmiga muuqda, halka uu Khadar ogaa cilmiga dahsoon. Dilka, daloolinta iwm marka dusha laga eego waa qalad laakiin hoos ahaan cilmi kale ayaa ku jira. Arrintani waxa ay mardhaw ina gelinaysaa dhacdooyin aad la yaabtaan; waxa aad arkaysaa sheekhaagii oo khamri cabbaya ! Adiga waa kuu khamri, laakiin, isaga waa u Bebsi-koola! Adiga waa kaa xaaraan, sheekhana waa u xalaal. Waxa aad arkaysaa sheekhaaga oo gabadh aan xilihiisa ahayn u tagaya! Adigu waxa aad u aragtaa sino, balse xagga sheekha waa ka caadi; waxa uu ku odhanayaa: ‘’Barakada ayaan gabadha raacinayaa, si ay durriyad wanaagsan u dhasho.’’ Waxa aad arkaysaa iyaga oo ay yihiin faaxisho , haddana, sheekhyadani waxa ay yaqaannaan hab kala duwan oo ay caamada u qaldaan. Waxa ay ku odhanayaan culimadu waa dad Alle toos ugu xidhan, waxa ay samaynayaan waa karaamo ay dadka dheeryihiin, ee hadal haku soo celin.
Sheekhaas watadka ah waxa aan sida addoonka ugu shaqaynayay shan sanno oo xidhiidha, gacantiisa ayaa aan wax badan ku bartay, weligiina hadal kuma aan soo celin; xataa haddii aan wax u baahanahay in aan weyddiiyo waa aan liqi jiray, waayo, waxa aan ka baqanayay in uu I eryo. Waxyaalo badan oo aan diinta shaqo ku lahayn ayaa aan u qaban jirey sheekha.
Sheekhii maalintii danbe waxa uu ii sheegay in uu ii dalacsiinayo, markan ma jiro sheekh kale oo la ii dalacsiinayaa; waxa jirtay in uu dhintay qudub ka mid ah afarta qudub, sidaa darteed waxa uu sheekhu ii sheegay - markii uu eegay culimada meesha joogta- in aanu jirin cid igaga habboon in aan buuxiyo kaalintaa bannaan ee qudubka ah.
Waxa uu igu yidhi: ‘’ Wiilkaygiyoow, waa aad ogtahay in uu dhintay qudub hebel, waxaana habboon in kaalintiisa la buuxiyo, cid adiga kaaga habboonina ma joogto. Waxa aan tusayaa jid iyo hab aan kugu dalacsiinayo, oo aan Ilaahay toos kuugu xidhayo! ‘’
Aad baa aan arrintaa uugu farxay, waayo, weligayba niyadda ayaa aan ka jeclaa in aan noqdo weli ka mid ah awliyada Ilaahay ee sooca ah ee wanaagsan.
Waxa uu igu yidhi; ‘’Waxa jira hab kaliya oo Alle lagu gaadho, hannaankaasna ma barno dadka daacadda ah mooyaane, adiguna waxa aad tahay qof daacad ah, sidaa darteed, waa aan ku gaadhsiinayaa, ee taa ku bushaarayso.’’ Aad ayaa aan ugu farxay arrintaa, waayo, waxa aan u haystay in uu qof si toosa ula xidhiidhi karo Illaahay, ama uu la fadhiisan karno Nebi Maxamed! Tani waxa ay ahayd riyo lagu soo jiidan karo, oo lagu dagi karo qofkasta oo aan diintiisa aqoon durugsan u lahayn.
Gelitaanki Khalwada (Waabka).
-----------------------------------------
Waxa uu ii sheegay sheekhii in uu I dalacsiinayo, waxa aanu I soo hordhigay digri iyo aayado Quraan ah, waxa aanu I faray in aan kala xusho , oo aan qayb ka doorto aayadahan. Waxa aan doortay shan aayadood oo aayad kasta oo ka mid ah ay ku jiraan toban Qaaf; shantan aayadood waxa ku jirey isku darkooda konton Qaaf. Waxa uu I sheegay in aan doortay aayado culus oo weyn. Waxa uu yidhi: ‘’ Markii hore waxa aan ka baqanayay in aanad si sax ah wax u dooran, laakiin halkii ugu cuslayd ayaa aad qabsatay, tanina Ilaahay ayaa ay ku gaadhsiin doontaa. Maanka ku hay suurad iyo aayad kastaa waxa ay leedahay sir. Waxa jira Yaasiin iyo sirteeda, Waaqica iyo sirteeda, aayad kursida iyo sirteeda, suurad kasta iyo sirteeda.” Siraha uu I baray waa ay badnaayeen, illaa tobanaan hab oo aayadaha loo akhriyayo ayuu I baray, oo mid waliba sirteeda wadato, laakiin, saddex ka mid ah ayuun baa aan idiin sheegayaa:
1. Habka isku dhex-kariska.
Waxa aad soo qaadanaysaa aayadda aad rabto, kaddibna waxa aad ku dhex daraysaa waxyaalo dheeraad ah –sida aad doonto. Haddii aynu bisinka soo qaadanno, waxa aad u dhigaysaa sidan:
Bismillaahi: Wa bi xaqi alnabiyi Muxamed SCW, wa bi xaqi Jibriil, wa bi xaqi Miikaa’iil wa Israafiil, wa bi xaqi Sahsahoobi, wa Mahmahoo, wa Dahdahoo, wa bascud babul alqadr Baabiil, Alraxmaani: Bixaqi Ciisaa, wa Muusaa, wa Ibraahiim aladdii wafaa, wa bi xaqi Jibriil, wa bi xaqi Miikaa’iil wa Israafiil, wa bi xaqi Shamhaaroosh, wa Saqackac, wa Bucbuc, wa Salaclac.
Al-raxiim: Sidii oo kale ayaa aad wax ugu daraysaa.
2. Habka eray rogista.
Habkan erayga aayadda ama dikriga ku jira ayaa aad is-weydaarinaysaa. Bismillaahi al-Raxmaani al-Raxmiim, waxa aad u akhriyaysaa:
Al-Raxiimu al-Raxmaanu Allaahu bismi
Habkani waa dhalanrog , geddin iyo leexin aayadaha la leexinayo, bal ka warran magacaagu haddii uu yahay Maxamed Cali Axmed, ma cid baa kaa yeelaysa haddii aad tidhaahdo magacaygu waa Axmed Maxamed Cali. Bal u fiirso tuugnimadooda.Habkani waxa uu gelinayaa khalkhal, waxa aanu kugu xidhayaa dunida jinka iyo rooxaaniyiinta iyo wax aanad tamar u lahayn.
3. Habka xaraf rogista.
Habkan xarfaha ku jira eray kasta oo aayad ama dikri ah ayaa aad rogaysaa, waa habka ugu khatarsan ee ay adeegsadaan dadka cilmi qaybka sheegtaa. Bismillaah, marka aad rogto waxa kuu soo baxaya:
Haallimsib.
Bal ka warran marka aad rogto Faatixda, al-Ikhlaas ama suuradaha kale ee Quraanka, waxa kuu soo baxaya wax aan Alleh soo dejin iyo khuraafaad la dhoodhoobay, ama waxaabay noqonayaan magacyada jinka iyo rooxaaniyiinta.
Hababkaa mid ka mid ah marka aad dooratid , ee aad ku tababarato ayaa aad gelaysaa khalwada.
Khalwadu waa in aad ictikaafto, waxa aad ku ictikaafaysaa meel gooniya oo aad Illaahay ku caabudayso –sida ay nagu yidhaahdeen, waxa aad ka dhex baxaysaa waxkasta oo ku mashquulinaya, oo adduunyada la xidhiidha. Ictikaafku waa uu ka sugan yahay Nebiga, oo tobanka danbe ee Ramadaanta ayaa uu ictikaafi jiray. Laakiin, ictikaafkayagu ma aha masjidka, waxa aad ku ictikaafaysaa meel fog oo fog, oo dadka ka fog. Haddaba sidee ayaa loo ictikaafayaa, ama sidee ayaa aan anigu u ictikaafay?
Waxa aad tagaysaa meel ka fog halka aad joogto ugu yaraan 3 KM , waxa aad dhisanaysaa mutul yar, oo aan daaqad lahayn, meel kasta oo uu iftiin ka soo galena waa aad iska xidhaysaa, markaas kaddib ayaa aad gelaysaa khalwada.
Waxa uu sheekhu I kala dooransiiyay muddada aan meesha ku jirayo , markasta oo aad muddo dheer doorato waxa aad akhriyayso ayaa yaraanaya, markasta oo ay mudadu soo koobantana waxa aad akhriyayso ayaa badanaya; waxa uu I kala dooran siiyay 41 cisho, 31, 21 iyo 11 cisho. Anigu waxa aan doortay 41 cisho. Sheekhu waxa uu igula dardaarmay in ay hawsha ictikaafku ay adagtay oo aan dhaldhalaal adduunyo iyo cuntaba aad ka go’ayo, kaliya waxa aan cunayaa labada madmadaw –timir iyo biyo.
Tiro kugu filan laguma siinayo waa laguu tirinayaa inta timir ah ee aad qaadanayso, biyahana sidoo kale. Waxa aad maalintii cunaysaa saddex xabbo oo timir ah; mid subaxdii ah, hal duhurkii ah iyo hal habeenkii ah. Anigu waxa aan doortay 41 cisho sidaa darteed waxa lay tiriyay 123 xabbo oo timir ah.
Waxa uu khalwada ii soo geliyay sijaayad iyo waraaq uu igu yidhi gadaal ayaa aad uga baahan doontaa, iyo biyo galaas ku jira.
Intii aanu iga tagin sheekhu waxa uu igu boorriyay in aan tiro ka yar 41 cisho doorto, laakiin markii aan ku adkaystay, waxa uu igu yidhi: ‘’ Waxa aad dooratay doorashadii wacnayd ee reer bani Israaiil.’’ ‘’ Anna waxa aan ugu adkaysanayay dhallinyaro ayaa aan ahaa.’’
Dardaarankii ugu danbeeyay ayaa aanu kala qaadanay sheekha. Waxa uu igu yidhi:
‘’Wiilkaygiyoow, kan aad maraysaa waa imtixaan uu Eebbaha kawnku kugu imtixaamayo, qof kasta oo uu Ilaahay jecelyahay inuu xumaanta ka daahiriyo oo uu sifeeyo si uu jannada u galo waa uu imtixaamaa, kanina waa imtixaan adag. Waxa aad galaysaa imtixaan u dhigma dagaal adag, imikaba haddii aanad awoodin in aad hawshaa ka soo baxayso ha isku gelin, ee iskaga joog. Haddaad ku dhacdo imtixaankan if iyo aakhiraba waa aad seegaysaa. Ifka waa aad waalanaysaa, aakhirana waad dhacday imtixaankii. Muddo aad karaysid dooro, 41 haddii aad dooratay maalinta 41aad subaxdeeda ayuun baa aad ka soo baxaysaa khalwada.’’
‘’ Laba imtixaan ayaa aad maraysaa inta aad khalwada ku jirto, ka koowaad waa cabsi’’
Sheekh Xaamud waxa uu leeyahay qof kasta oo inaga mid ah afar xilli ayuu shaydaanku gala jidhkiisa, waxa aanay kala yihiin: marka aad baqato (cabsato), marka aad cadhooto, marka aad hamaansato iyo marka aad cabbayso wax xaaraan ah sida khamriga. Waxa aan arrintan ku ogaaday tijaabo, waxa aan jinka la shaqaynayay 17 sanno, waxa ii shaqaynayay 286 jin ah, oo uu hogaamiyo jin la yidhaahdo Sahsahoobi; iska jira markaa cabsida, ayuu leeyahay sheekhu.
‘’Imtixaanka labaad, waxa kuu imanaya malag.’’
Waxa aan ku idhi : ‘’sidee?’’
‘’ Waxa kuu imanaya malag magaciisa kuu sheegaya, oo ka mid ah rooxaaniyiinta.’’
Waxa aan idhi: ‘’ oo rooxaaniyiintu ma malaa’igbaa?’’
Wuxu yidhi: ‘’ Haa.’’
La soco qaybaha danbe…………………………
Cali Ileeye .

Friday, August 18, 2017

CAALAMI !


CAALAMI !
Jaamcad caalami ah, madaar caalami ah, iskuul caalami ah, isbitaal ay joogaan dhaqaatiir caalami ah…… caalami……..caalami !







Ummad kasta ee dunida  ku nool  waxay leedahay  shuruuc iyo  qawaaniin kala hagta. Marka  ay lumaan  xeerarkas ama ay ku dhaqmi waayaan  waxaa  isku milma  wanaaga  iyo  xumaha, runta iyo  beenta. Waxaa  mesha  ka baxa  run sheegidda, beenta  ayaana noqota  furaha  kaliya ee ay maciin  bidaan!


AFEEF


Soomaalidu waxay  ku maahmaahdaa : Hadalkaada hortii afeef   baa la dhigtaa, gurigaada hortiina  ood weyn  baa  la dhigtaa.


Waxaan ka  afeefanayaa  in ujeedadaydu  aanay  ahayn,  duridda  koox gaar ah, balse,  aan  sheegayo  oo kaliya  wax ka jira  deegaanka  aan ku noolahay.  Maqaalkaan  waxa uu  daaranyahay  muujinta  dhaqan  aan  hore  u jiri  jirin oo hadda  kusoo  badanaya  dhamaan gayiga  soomaalidu  dagto, gaar ahaan  muqdisho iyo  magaalooyinka  mataanaha la ah. Hadaba  waa maxay  dhaqanka  aan doonayo  soo bandhigidiisa? Waa caalami!


Jaamacad baa la furaa waxaa lagu  tilmaamayaa  caalami,  isbitaal  ayaa lagu furi  waa  calami, ganacsi  gaar ah baa la furi waa  caalami .


               Hadaba maxaa  caalami ah?


Kahor  inata  aanan ka jawaabin  su’aashaan, marka  hore aan qeexno erayga caalami.  Maxaad u taqaan  caalami?


Qaamuuska  af-soomaaliga, caalami waxa uu ku qeexay sida tan: Wax caalamka oo dhan  ka dhexeeya ama wada yaqaan.


Marka  aan eegno  afka carabiga oo  eraygu  asal ahaan kasoo  jeedo, waxaad ka helaysaa  dhowr  macno  oo iska  ag dhaw. Waxaa eraygu  asal ahaan laga keenay  caalam . Mid kamid qaamuusyada af-cariga ,caalami, waxa uu  ku fasiray sida tan:


.شيء شائع ومعروف في العالم كله  


Shay ku shaacsan  macruufna ka ah  dunida oo idil.




Qaamuuska afka ingirriska waxa uu ku qeexay sidan:


Wax quruumadu  si wada jir ah ay u yaqaanaan.


Saddexda qaamuus, waxay ka mara kacayaan in  erayga caalami  loo adeegsan karo  shay  dunida oo dhan  si  isku mid ah looga yaqaan ama shay tayadiisu  aad  u sareyso  dunida  oo dhan na laga soo tiigsado.


Hadaba   jaamacadaha, isbitaalada, iskuulada iyo dhamaan waxyabaha aan caalamiga ku tilmaamno   ma yihiin kuwa  caalamka oo dhan laga yaqaan?  Caalam yeelkiisa, mayihiin  kuwa  ay nala yaqaanaan  afrikaanka  aanu  jaarka nahay?  Iska  daa umad kala e,  soomaalida oo dhan  mayaqaanaan? Ma yihiin  kuwa  tayadoodu  sareyso  oo ummado  kale  soo  tiigsadaan?


Si dhib yar  u dheh : Maya. Waayo  jaamacado ama goobo ganacsi oo  xamar  ku yaal ma ahan  kuwa  dunida  laga yaqaan, mana ahan kuwa  leh  tayo waxtarta oo ay  magacaas ku mudaysan karaan.


Muhiimadu  ma ahan in  shaygu  ku yaal  meel  ka baxsan  soomaaliya  waase  in uu  lahaadaa  magc mug leh iyo  tayo wanaagsan,  si  loogu sunto magaca  caalami .


Soomaalidu   erayga  caalami  waxay ka dhigteen  mid ay ku  caanbixiyaan  ganacsigooda.  Waxaaybaha  ashqaraarka leh  ee  aad  ku  arkaysid  suuqyada  magaalooyinka  soomaaliya  waxaa kamid ah; shay  in loogu yureero  caalami  iska  daaye  aanan  mudnayn  xitaa  in ganacsi ahaan loo soo  bandhigo  tayo  xumadiisa awgeegiis, oo  caalami  loo yaqaan.


Codbaahiya yaasha  ama  idaacadaha  ay  maamulaan soomaalidu  waa  kuwa   xayeysiiya  ganacsiga laakiin,  kama  eegaan  waxa ay  xayaysiinayaan  tayadooda e,  caalami  ayay  wax kasta  ku  xayaysiiyaan  inkastoo   hargaysa  laga mamnuucay   iidhehada  beenta  ah iyo buubuunida , hadana  muqdisho, ayay ku hartay. Muqdisho waxay noqotay meesha  ugu  badan  ee  laga  xayaysiiyo  ganacsi   laguna tilmaamo   caalami .


Beentu  waxay  kamid tahay  waxayaabaha  xaaranta  ah,  waa  shay  mararka  qaar lagu  naar tago.  Haddii  aad  shay  ku tilmaamto  waxa uuna  ahay, waxaa noqonaysaa  beenlow. Cidkasta  ee  ku siranta  shayga  aad  buubuunisayna  danbi  baa  ka gashay.


Haddii  aaan  doonayno  in  ganacsigayno  loogu  yeero  caalami. Marka  hore  aan  iibsano  ama aan furno shay  caalami ah, si uu  caalami  u noqdo. Haddi aan  awoodi  Karin,  been  ma fiicno e, aan  ka fogaano  buunbuuninta bilaashaka ah.


Waa  inaa  ka fogaanaa  buubuuninta  dhib mooyee  aan dheefta  lahayn ee  aan  u samayno  ganacsigayna, ama  goobaha   tacliinta.


W/Q:  Maxamed jeyte.