Halgankeeygii[Xasuus qorkii Hitleer].
W\Q:Adolf Hitleer.
W/T:Maxamed Cabdi Jeyte.
Cutubka1-aad.
3- Xisbiga Hanti wadaagga Dimuquraadiga.
Ka hor inta aanan darsin dhaqdhaqaaqa xisbiga Hanti wadaaga Dimiquraadiga ah, waxaa jirtay fekrad qaldan oo aan ka haystay xisbigaan bilawgiisii iyo ahdaaftiisii. Anigu waan iska raacsanaa aniga oo aaminsan in, haddii hoggaanka loo dhiibo ay hoos u dhici karto nidaamka reer Habsburg(ustariya), nidaankaas oo aan si daran u kahday, Waayo waxa uu isku dayayay in uu dilo ruuxda Jarmaaniga ah ee Ku jirta qalbiyada tobbanaan kun oo ka mid ah reer Ustariya. Nidaam kaan haddii uu suulana waxa xuroobi doona shacbiga Ustariya, waxaana meesha ka baxaya caqabadaha Ku hor gudboon in shacbiga midka ah ay hal waddan yeeshaan.
Rabitaankii aan u haayay Hanti wadaaga wuu siyaaday Aniga oo aaminsan inuu u shaqeyn doono Dabaqadda[kaadixada] si ay kor ugu qaadaan heerkooda(nolosha). Sidaa Aaminsanaa illaa aan gaaray da'da17 sano. Waxaan bilaabatay in aan fahmo khatarta xarakada Shaqaalaha mudaharaadka shacbiga iyo canshuuraha oo iftiimiyay owgood. Waxa aan goobjoog ahaa kulamo, waxaan dhageystay hoggaankii xarskada[shaqaalaha] oo u khudbeynaya isu imaadyo, niyadda waxaa iiga jirta in lagu biiro Xisbiga Hanti wadaagga dimuquraadiga, laakiin markiiba waxaa ii caddaaday xaqiiqada Hantiwadaaga, iyo himilooyinkooda fog. Iyagu lid bay Ku yihiin ummadda Waayo, iyaga waxaa abuuray dabaqaddii ra'sumaalka. Waa lidka waddanka waayo, waxa ay u adeegaan barjawaaziyadda[Bourgeoisie]. Waxa ay lid Ku yihiin sharciga waayo,waxay Ku jiraan xukun xaakinka oo u adeegsanaya argagixinta Baroliteriyenka[proletarius]. Waa lidka diinta waayo waa hab ama qaab loo suuxinayo dadka, loona daciifinayo si looga fogeeyo xuriyad u dirirka ilaa iyo abad.
Intii aan goobjooga ahaa kulamadaas waxaan isku dayayay in aanan hadlin, laakiin khudbadaha, laakiin khudbadaha oo dhammaantood sun ahaa ayaa aamusitaankii ii diiday. Waxa aan la galay dood dheer, qalbiyadooda se kuma faafin. Waxaa ii yimid qof aan igu qanacsaneyn , Waan xaadiri waayay kulamadoodii, aniga oo ka xun xaalka dadka ay Ku ciyaarayaan, una jihaynayaan hadba meesha ay maslaxaddoodu jirto.
Waxa aan dareemay aniga oo weli raacsan Hantiwadaaga, in arrinku sii xoogeysanaayo, sidoo kale waxaan ogaaday in, naceybka iyo argagixintu ay tahay hubka hantiwadaaga, iyo in ay Ku socdaan waddadii ay sumcaddoodu Ku halaabi laheed. Waxa aan la ashqaraaray in aanu jirin xisbi raacay waddadaan naceeybka iyo argagixinta ah iyo waddada ay jeexday Hanti wadaaggu .
Mowqifkii borjiwaziyada waxa uu ahaa dalab aan u dhigmin codsigii shaqaalaha, kaas oo ahaa mid macquul ah. Hanti wadaagii waxa uu ka faa'iideystay gadoodkii barolitariyaanka ay ka gadoodeen xaalkii markaa taagnaa.
Bilawgii, xarakada shaqaaluhu hadafkoodu waxa uu ahaa in ay shaqaalaha xuquuqdooda siiyaan, korna u qaadaan mustawahooda. Siyaasada iyo xisbiyeysina waa ay ka fogaayeen ilaa ay loolan siyaasadeed la galeen barjawaaziyada oo diiday in ay aqbasho dalabka shaqaalaha. Waqtigaa Hantiwadaagu waxa uu sugayay fursad musaab Ku ah, waa ayna aqbaleen codsigii shaqaalaha, waxaa caksi Ku ahaa barjawaaziyada oo ka shaqeynaysay in ay hogaanka u saariso mas'uuliyada xalinta shaqaalaha, iyaga oo Ku andacoonaya in aysan sharci u lahayn(xisbiga shaqaaluhu) kuna doodaya fikrad waddaninimo.
Qaladka ugu weyn ee barjawaziyada waxa uu soo if baxay markii ay xarakada shaqaalaha u aqoonsadeen kuwa kasoo horjeeda waddaniyada.
Xarakada shaqaaluhu ujeedkoodu waa in ay difaacaan maslaxadda shaqaalaha, wax aan waddaniyad ahayna ma noqoqn karaan, waxaana dushooda ah dhiirri gelinta shaqaalaha, maadaama, ay jiraan shaqaale aan aqoonin caddaalad iyo garsoor. Ma banaano in ay inkiraan difaacidda xaqqa shaqaalaha iyo loo shaqeeyaha. Shaqaalana suurta gal uma ahan i uu hor istaago loo shaqeeyihii. xisbiga shaqaalaha ayaa ka mas'uul ah ilaalinta maslaxadiisa iyo difaaca xaqiisa.
Bilawgii qarnigii tagay xarakada shaqaaluhu waxay ka iilatay ujeedadii loo dhisay, waxa ay garab gashay Hatiwadaagii si ay u noqoto Aalad cadaadisa korna u qaadda firfircoonidooda. Sidaa awgeed, waxaa u gacan galay dhaqaalihii, kadibna hantidii dowladda. Markii xisbiga shaqaaluhu u gacan galay Hanti wadaagii, waxaa meesha ka baxay muhiimadsiintii aheed in ay kor uqaadaan heerka Barolitaariyaanka. Waayo waxa ay ogaadeen haddii ay ski wadaan arrinkaas in dhamaanayso dabaqadda kadxiyada taas oo aan maslxadooda aheyn, Hantiwadaaguna waxa uu ku weyn doonaa Dad badan.
Lasoco Qeeybta Afaraad.
No comments:
Post a Comment