Thursday, August 30, 2018

Halgankeygii(Xasuus qorkii Hitleer)

Halgankeygii(Xasuus qorkii Hitleer)
W/Q:_ Adolf Hitleer.
W/T: Maxamed Cabdi jeyte.

Cutubka 1-sad

2- sannaddadii Hoogganaa:

Waa niyad jabay markii aan Ku dhacay imtixaankii Akadeemiyadda Fanka, qeeybteeda Taswiirka. Dhicitaankaasna su'aal baa la iga weydiiyay. Madaxii Akadeemiyaddda waxa uu igu yiri: dhicitaankaadu waxa uu keenayaa in laguu beddelo qeeybta Enjineernimada, waa uuna igu dhiiri geliyay.

*****************************
Kadib geeridii hooyadey, waxa aan gaaray Fiyeena aniga oo qalbi san, mana is dhiibin. Waan aamusay, waxa aana galay magaalada weyn si aan u helo qeeybta dhismada Guryaha si kasta oo uu fiigeedu u sareeyo.

Laakiin, waa in aan shaqeystaa si aan u noolaado, waana in aan wax barto. Maanta waxa aan ka mahadnaqayaa ilaalintii uu Alle iga dhowray sanadadaas hooggan aniga oo da'yar, iyo in aan dhadhemiyo qaraarka nolosha caalamka, taas oo keentay in aan la barbaaro oo, la noolaado kuwa aan dartoood u halgamayay..

Fiyeena magaaladii madaddaalada. Waxa aan Ku qaatay maalmihii ugu xumaa noloshayda. Shan sano oo aan Ku noolaa ma ladin cunna dhedhen leh. Shaqa waxa aan ka bilaabay caawiye dhisme si aan u helo nolol maalmeedkeyga, waxa aana ka ammaan helay gaajadii darneed. Gaajadu waa saaxiibkeyaga meel kaste. Haddii aan buug iibsado maalintaas oo dhan gaaja i hor taagan. Haddii aan ka qeyb galayo xaflad, ama aan daawanayo masrixiyad, gaaja ayaa igu dhagan.  Saaxiibkeyga dhabta ahi se waa buugga. Wax aqriska waxa uu I dhaxal siiyay in ay kororto aqoonteydii, kadibna waxaa is bedelay aragtideydii gaarka aheed, ee aan  qaatay ee ahaa in shaqadu aas aas u tahay mustaqbalka.

Qarnigii 20aad, Fiyeena waxa aheyd  magaala ay burburiyeen mashaakil bulsheed, taas oo daris ka dhigtay Maalgabeenkii iyo faqiirkii, xoog weynihii iyo kii tabartayaraay, aqoonyahankii iyo jaahilkii. Fiyeena waxa ay aheed magaalada kaliya ee ardaygu baari Karo ama arki Karo dhibaatada Bulshada.
 Wax kasta oo qariib ahaa, waxa aan raadsanayay nolosheyda iyada oo dhabanadeydu dhidid ka tisqaayo. Waxa aan aaminsanaa in shaqadu ay sharaf u yeesho shaqaalaha. Waxa aan ogaaday in, shaqa heliddeedu ay ka sahlantahay in la sii joogo shaqadaas.
Rajo la'aan ayaad Ku arkaysaa dadka kasoo guuraya tuulooyinka ee Imaanaya Caasimadda iyaga oo nolol fiican raadsanaya. Reer tuulaagu waxa ay kasoo tagayaan tuuladii, waxa ayna imaanayaan magaalada, waxa ay galayaan caalam aysan waxba Kala socon. Inyar mooyee, hanti kale maheystaan. Shaqa haddii ay helaan markiiba waa ay weynayaan. Sanduuqa shaqaakaha ay macawina way diistaan, dhowr maalin ama dhowr asbuuc , marka ay ka dhamaatana, waxaa horyaal  in ay ka xamaashaan shaqa mushaar yar, ama Ku laabtaan Tuuladii. Haddii ay diidaan in ay Ku laabtaan tuuladii, waxaa kasoo xirmaaya Albaabada shaqada. Waxa ay noqonayaan baagamuuddo, waxa ayna noqonayaan aalad ay adeegsadaan dibbad baxyaashu kuwaas oo ka cabanaya canshuuraha. 

 Waxaan ogaaday khatarta dadka jarmalka Ku heysta Ustariya. Waa laba khatar oo waa weyn, oo Kala ah; Markiisiyadda(Marxism) iyo Yahuudnimada(Yahuudda).
                    *****
Waxa aan la anfariiray rajo la'aanta Ku dhacday shacbiga, sidoo kale, waxa aan layaabay  hoos udhaca heerka aqlaaqda. Waxaan arkay in shaqaalihii iyo warshadleydii ay San gudan waajibkii saarnaa. Qoysas ayaaba dayacay guryahoodii, mana tarbiyeeyaan awlaadooda, intaa  waxa ay  raadinayaan nolol maalmeedkii.
Waxaa kale oo la weysan yahay hagaajintii deegaanka, sidii bulsho dib dhacsan sida mujtamaca Ustariya. Taas waxaa ka dhalanaya  isku xirkii Aabbayaasha iyo ilmahooda oo Kala daatta. Annaga oo og in, faqriga laga dhaxlo Cudurro iyo gaajo, markii ay kulmaan saddexdaas caamil, shacabku waxa ay lumiyaan kalsoonidii ay Dowladda  Ku qabeen,waxaana dhinta dareenka waddaniyad ee shacbiga.

Ummadu haddi ay isu bedesho ummad hal-abuur leh,waxaa ka dhasha mujatamc saliim ah, oo Ku weyntahay waddaniyaddu.  Suuragal ma ahan in uu waddaniyad dareemo qof aan  waddan jaceylka lagu soo barin Guriga ama iskuulka. Insaanku  waxa uu u halgamaa waxa uu jecelyahay. Waddankiisana ma jeclaan Karo haddii uusan aqoonin taariikhda waddankiisa, islama markaana ma dareemo deganaan iyo nolol raaxa leh.


Sanadkii1909kii, xaalkeygu waa uu yara hagaagay. Shaqadeydu waxa ay noqotay xisaabiyaha gaarka ah ee  naqshadeyta Dhismaha. Marka aan fursad leho  wax baan  bartaa waana mudaalaceystaa, gaar ahaan waxa aan darsaa xaalka siyaasadeed ee waddankeyga, iyo raadadka feker iyo caqiido ee ay reebtay  dowladda Ustariya ee  Ku goodisa wax duminta.

No comments:

Post a Comment