Aaladkasta oo ku xirmi karta internet-ka waxaa qasaba inay lahaato waxa loo yaqaaqo “IP PROTOCOL” loo soogaabiyey IP.
IP waxa loogu talo galay in “data” ama warbixin uu hal computer kaqaado una gudbiyo computer kale. Waa midka u sahla in laba aalad oo “Internet”-ka kuxirin inay is dhaafsadaan adeegyada ay ubaahan yihiin. Labo computer oo kuwada xiran hal “internet” sida kan guryaha ku xiran malahaan karaan hal “IP” address ooo isku mida sida 10.1.1.1. Waa in midkasta uu asiga “IP” address ugooniya lahaado. Mararka qaar ay taasi dhacdo waxa arkeesaa fariinyar oo kusoo qormeesa computer-kaada oo “Another device is using your ip address, duplicate address detected” oo ah macanaheeda computer-kale ayaa isticmaalaya IP address aad isticmaaleesid waa inaa badashaa ama laxariir “Network administrator” si uu kuu caawiyo- Waxaa ula jeedaa in labo computer eysan hal IP address ay san halmar wada isticmaali Karin.
Tusaale: Arday wada dhigata hal class soo lagama yaabo in ay jiraan labo arday oo isku magaca oo mararka qaar xitaa magaca aabaha iyo kan awoowaha iskaga eg. Haddii mid kamida aan uwaco labadaas arday halmar ay soo wada jeesanaayaan. Laakiin haddii aan ardaykasta aan siiyo ID lanbar asiga u qaas ah kadibne markii xiisada lagu jiro aan ugu yeero ID lanbarkiisa, waxa soo jeesanaaya ama ila hadlaaya kaliya waa ardayda ID lanbarkiisa aan ugu yeeray, inta kale iyaga sooma jeesanaayaan. Tusaale waxaa ula jeeda si looga fogaado is fahan waa waa in ardayd kasta ID lanbar gooni ah lasiiyo, labo ardayne aysan lahaanin ID lanbar isku midda.
Waxaa jira dhowr nuuc oo IP addresses oo kale ah IPv4 iyo IPv6 “V” waa “version”. Sababta labo kala nooc oo IP addresses u jiraan waa IPv4 waxaa lasoo isticmaalaayey sanado badan iyadoo aduunkoo dhan ay isticmaalaayeen waxaa la ogaaday inuu sii dhamaanaayo waayo computer-kasta oo dunida yaala IP address gooni ah ayuu rabaa sidaas darteen ayaa waxaa lasoo saaray IPv6 oo marne aanan dhamaaneenin si kastoo loo isticmaalo. Hadda waxa aan ka hadlaayo waa IPv4.
IPv4 waxaa loo qeybiyaa “Classes” waxaane jira 5 “classes” balse sadex oo kaliya ayaa la isticmaalaa labada kale aad looma isticmaalo. IPv4 32 (bit) dhirirka waxa uuna ka kooban yahay 4 (octet) sida 4.4.4.4. meelkasta oo dhibic u dhaxeeso waa octet. Halkii octet waxa uu ka kooban yahay 8 (bit). Bits waa o ama 1. Dib ayaa ka sharixi doonaa markaa subnetting-ka gaarno.
IPv4 classes waa:
Class AClass BClass C
Class-kasta waxa uu leeyahay IP addresses lagu aqoonsado oo kale ah
Class A waa lanbarada u dhaxeeya 0 ——– 126
Class B waa lanbarada u dhaxeeya 127——191
Class C waa lanbarada u dhaxeeya 192——-223
Class A IP address-kastoo udhaxeexa 0 ilaa 126 sida 10.0.0.0, 125.0.0.0 waa Class A Ip address. Sidoo kale Class B iyo C waa lamida lanbarkastoo udhaxeeya inta ay ka koobanyihiin waad ku aqoonsaneesaa IP address-ka Class-ka uu ka tirsanyahay. Tusaale 172.16.1.0 waxa ay ka tirsantahay Class B.
Qaabka computer-ada u isticmaalaan IP address-ka si ay iskula hadlaan. Waxa aan tusaale usoo qaadanaa sawirka hoos ku qoran.
sida sawirka nooga muuqata waxaa ujeednaa computer 1 oo kuxiran “Switch A” godkiisa 1 iyo computer 2 oo asine “Switch A”-ka kaga xiran godka 2.
Haddii Computer 1 uu rabo inuu PING udiro computer 2, sidee “Switch A”-ka ku ogaanaa fariinta halka ay ka timid iyo meesha ay usocoto? Aan hal hal kuugu kala qaado tilaabooyinka saxda ah ay kadhacaya sida fariin meel uga tagi laheed meelkalene utagi laheed. Marka laga eego xagga networking-ka sida fariinta isku diraan waa il biriqsiyo laakin waxaan rabaa inaa kuu sharaxo habka ay iyo dariiqadda ay maraan.
Tilaabada ugu horeesa waa computer 1 waxa uu rabaa inuu PING udiro computer 2 asigoo isii marinaayo “Switch A”-ka. Balse PING waxa ku hoos qarsoon sida idinkaga muuqata 1 oo computer 1 hoosyaala. Koow
Marka computer 1 uu diraayo PING ga waxa ay kaboobantahay
Source IP: halka PING ga lasoo diraayo oo ah (computer 1) IP: 1.1.1.1
Destination ip:oo ah halka ay fariinta kusocoto (computer 2) IP: 2.2.2.2
Source mac-address:oo ah lanbarka(hardware) ka ee (computer 1) AAA
Destination mac-address:oo ah lanbar(hardware)ka ee (computer 2) xxxxx
Si computer 1 u diro PING marka hore waa inuu yaqaanaa Mac-address-ka computer ka uu PING ga udiraayo o ah (computer 2). Haddii uusan aqoonin waxa galinaa booska Mac-address-ka computer 2 xxxxxkadibne si broadcast message- ahaan ayuu udiraa taas ay gaareeso “Switch A”.
Tlaabada kuxigta waa markii uu “Switch A” kahelo hello broadcast message ka timid computer 1 waxa uu markiiba ogaanaa mac-address-ka computer 1 oo ah AAAA iyo godka uuga dhaganyahay oo ah port 1, kadibne uu maskaxdiisa ku duubaa taas uusan iloobeenin markale. Kadib “Switch A” waxa uu fiirinaa halka ay
Ping ga ka imaatay waa maxay mac-address-ka (AAA )computer ka soo diray Ping oo ah computer 1, iyo halka uu uga dhaganyahay asiga oo port 1, kadibne uu maskaxdiisa kuu duubaa meesha computer 1 isaga kaga xiranyahay. Kadibne waxa uu fiirinaa halka uu Ping ga ku soco mac-address ka computer 2 taasoo uu awalkiiba horeba aan lagu soo darin PING ga. Kadibne waxa uu sameenaa “Switch A” fariinta ayuu udiraa computer waliba oo asiga ku xiran. Fariinta waxa aa helaaya computer 2 kadibne computer computer 2 waxa uu arkaa IP address-ka computer 1 iyo mac –address ka computer 1 kadibne waxa uu dub ugu celeninaa oo uu computer 2 computer 1 udiraa mac address-kiisa si computer 1 ugu fududaato inuu fariinta saxda uu soo diro. Fariinta uu computer 2 diraayo waxa ay sii maree “Switch A” kaasoo markaane yaqaana halka uu computer 2 isga kaga xiranyahay port 2 iyo mac address ka computer 2 BBBB.“Switch A” horey ayuu uyaaqaanay halka uu computer 1 kaga xiranyahay iyo mac-address ka uu isticmaalaayo kadibne uu ugudbinaa jaawaabtii uu soo celiyey computer 2.
Computer 1 marka uu helo fariinta waxa uu arkaa mac-address-ka computer 2 kadibne uu haddii uu markale wax udiraayo booska mac-address-ka computer 2 magalinaayo xxxxx maadaama uu yaqaano.
Sidaas ayaa computer-ada fariin isku gu diraan, haddii aad intaas fahantid waa taqaanaa basics networks.
Showing posts with label Tichnology. Show all posts
Showing posts with label Tichnology. Show all posts
Wednesday, August 3, 2016
Saturday, July 30, 2016
Networking: Cashirka 2 aad
Different types of Network topologies
Inta aanan galin shaxannada waxaa jira physical topology(shaxnad sawirkeed qaabka ay usameesantahay aad ujeedid) iyo logical topology(shaxnad aadan ujeedid sida ay ushaqeeneeso). Physical topology waa network-ga naqshadda ama shaxankeeda sida uu kuugu muuqdo marka aa fiirisid. Logical topology waa sida network-ga ay iyada latfirkeda isku aragto macanaha aadan adiga arki Karin laakiin aad caqli ahaan u ogtahay. Halkaan waxaa idin kugu soo gudbinaa shaxannada igu caan san oo la isticmaalo.
Point to point topology: Shaxanaddan badanaa waxaa loo isticmaa WAN (Wide Area Networks) links. Shaxannada point-to-point waa meel hal router uu uga xiran yahay router-kale bas. Macno ahaan router 1 wuxii fiilada dhinac kala heestaa router 2 sida sawirka idinkaga muuqata. Ogoow haddii xarikale aad ku darted si haddii fiiloj halaawdo tankale wali shaqada usiiqabato. Laakin haddii hal router halaabo xiriirka 2-ada router udhaxeeya waa eber.
ppp
Bus topology: shaxnadda Bus topology waa dhammaan computerda ama qalabyada network-ga dhan waxa ay ku xiran yihiin ha fiilo oo kaliya. Bus topology waxaa lalasoo sameeyey xilligii lasoo saaray Ethernet networks oo lasoo sameeyey. Dhamaan qalabyada network-ga waxaa la isku la xir xiray hal fiilo adag taasoo loo yaqaano lafdhabarta ama(backbone). Meesha fiilada ay kudhamaato waxa ku xiran “terminator” oo lagu tala galay in auu signal-ka kaceliyo in habba gees ubadbato, terminator-ka waxa uu “absorb”-gareeya signal bilaashka ah uga nadiifiyo si computera-da ay data iskugu xawilaan. Haddi fiilada lafdhabarta u ah ay halaawdo network-ga oo dhan wuu la halaabaa. Haddii computer ku xiran backbone uu halaabo, kaliya computer-kaas kaliya ayaa qadka ka go’aa.
Star topology: Haddi aad kusii jirtid networking-ka shaxnadda ugu badan ee arki doontid ama la kulmi doontid waa star topology sida magacaba leeyahay xidigta shaxnadda—Magacaas ani ayaa yaa niyada iga soo dhacay balse aan ku ekaano hadda kaliya star topology. Star topology waa dhamaan qalabyada sida computer-ada waxaa lagu xiray hal qalab(switch ) oo dhexda loo dhigay. Haddii computer kamida uu halaabo ama fiilada uu kula xiran yahay switch-ka uu halaabo ciladaas waxa ay ku egtahay asaga oo kaliya computer-ada kale wali qadkooda wuu shaqeenaa. Laakiin haddii switch-ka dhexda yaalo oo isku xiraayo computer-ada uu halaabo waxa ay saameeneesaa computer-ada oo dhan oo qadka kawada halaabaayo.
Ring topology: shaxnaddaan waxaa isticmaali jiray networks loo yaqaano token ring iyo fiber distributen data interface FDDI kuwaaso hadda suuqa waa hore kabaxay.
Full Mesh topology: sidaa hore kusoo aragtay bus topology iyo star topology haddii fiilada ama switch ka halaabo ay saameeneesay qadka oo dhan- haddaba haddii aad rabtid haddi hal router ama switch uu halaabo laakiin ay san taas sababeenin in kuli qadka wada halaabo waxaa isticmaali kartaa Full Mesh topology. Shaxannadaan waxa ay qeebisaa xiriir router-kasta inuu xiriir toosa la yeesho router-kasta. Sida sawirka ka muuqatada device kasta waxa ay xiriir toosa la leedahay midda kale. Haddii R1 iyo R2 fiilada udhaxeeso halaawdo wali R1 iyo R2 waxa ay ku wada xariiri karaan R3 iyo R4. Shaxnaddan aad ayey qaali u tahay.
Partial mesh: maadaama shaxannadii hore full mesh ay aad qaali u tahay waxaa lasoo saaray shaxnadda ladhaho partial mesh taasoo ka raqiisan full mesh. Waxaa la yareeyey fiilooyinka u dhaxeeya router-da sida lacagta uyaraato. Partial meth router kasta waxa uu xariir la leeyahay kan asiga dariska la ah.
Shaxanadahaan waa kuwa ugu caansan oo qaarkooad imminka la isticmaalo. Casharkeena shaxnaddaha ama topologies intaas ha noogu ekaado
Thursday, July 28, 2016
BARO NETWORKING: Cashirka 1Aad
1) Waa maxay Networking ???
2) Basics of Networking ???
Waxa aan ku bilaabaya marka hore waxa uu network yahay iyo networking waa laba eray kala duwan macnahooda.
Waa maxay network am networking? Haddii aad maqashid erayga network macanihiisa dhan waxa uu ku saab san yahay isku xirid. Haddii computer-kaada aad ku xireesid internet-ka si aad u booqatid website-yada aad jeceshay sida wararka inaad ka aqrisid intaba waxa aad isticmaaleesaa waa network. Networking-nne waa sida ay qablayada sida computer-ada, router-ada, ama qalabka networking ay muuqaal ahaan iskugu xir-xiranyihiin. Tusaale ahaan printer sharing ama qeybsashada hal printer oo ku xiran network-ga kaasoo ay qofkasta oo kuxiran network-ga oo printerka kuxiran ay daabacan karaan documents, files, iyo wixii lamida.
Marka a network waa habka isku xirida kombuyuutarada, printer-ada, server-ad, iyo dhammaan qalabyada networking-ka si ay usameeyaan xiriir ay iskula hadli karaan dhexdooda iskune weydaarsan karaan faaylasha..
Haddane waxaa aan ka hadli doonaa qalabayada inta badan loo isticmaalo networking-ka sida waa maxay hub, bridge, router, switch, iyo shaqooyinka ay qabtaan.
HUB: Waa aalad networking-ka oo hadda aanan aad loo isticmaalin balse waagii hore aad loo isticmaali jiray. HUB-ka waxa loogu talo galay in qalbayada networking sida computer-ada iyo server-ka lagu xiro kadibne uu ufududeeyo inay wada xariiraan. Shaqada HUB-ka uu qabto waxaa kamid tusaale haddii aan sawirka hoose usoo qaadano:
Sawirka waa inoo muuqda 4 computer oo kiiba uu HUB-ka dhinac uga xiranyahay. PC1 ilaa PC4 midba waxa HUB-ka uga xiranyahay Port-ga ama godka ku lanbarka ah, sida PC1 HUB-ka waxa uu uga xiranyahay port 1, PC2 port 2 PC3 iyo PC4 sidoo kale, 3 iyo 4 ay HUB-ka uga xiranyihiin sida ay ukala horeeyaan.
Shaqada HUB-ka uuqabanaayo waa haddii PC1 uu fariin udiro PC3, fariintaas waa inay HUB-ka ay sii martaa kadibne PC3. Laakiin waa maxay sida HUB-ka ku ogaanaayo in ay fariin soo gaartay? PC1 waxa diraa waxaa nooc fariin loo yaqaano broadcast, kadibne HUB-ka waxa ay uga soo dhacee port 1 uu PC1 kaga xiranyahay. HUB-ka markuu fariinta kasoo gaarto Port 1 waxa uu fariinta ubadalaa wax loo qayaano (bits) ama zero iyo ones- kadibne waxa uu fariinta kaxawilaa dhamaan ports-ga am godadka asiga ay xiranyihiin computer-ada kale fariintii uusoo PC1 uu uwada xawilaa balse fariintaas kuma celinaayo PC1. Fariinta Port-1 ay kasoo gashay isla port 1 hadane uma celinaayo fariinta laakin Port 2,3,4 wuu usuu xawilaa fariintii PC1 soo diray? Ogoow hee PC1 fariinta waxa uu waday waxaa waaye PC2 uma uusan wadin PC2 iyo PC4. Sababta waxa waaye HUB-ka malahan caqli uu ku ogaado fariinta meesha ay ku soco, malahan maskax uu ku kala saaro yaa soo diray yaase loo diraa ee kaliya fariintuu helo kuli wuu uwada xawilaa marka laga reebo meesha ay fariinta katimid.
HUB-ka waxaa loo yaqaanaa (one collision domain) oo macnaheeda yahay computer-ada kuwada xirin HUB-ka haddii mid kamida uu rabo inuu wax u xawilo midkale, inta uusan xawilin waxa uusameenaa waxa uu dhageesanaa in computer-kale uu wax diraayo iyo inkale. Waayo qaabka ay HUB-ka ugu xiran yihiin waxaa looyaqaanaa “shared network” oo ah kaliya hal computer ayaa halkii mar ba wax diri kara. PC1 haddii uu inta uu dhageesto uu dareemo in ay san PC2,3,4 ay san hadda istic maaleenin fiilooyinka markaas ayuu diri karaa fariintii uu rabay inuu diro. Laakiin tusaale haddii PC1 iyp PC2 ay inta wada dhageestaan fiilooyinka ay go aan sadaan inaa cidkale isticmaaleenin ay halmar soo wada diraan waxaa ka dhacaayo wax loo yaqaano “Collision domain” taasoo sababeeso inay PC1 iyo PC2 ay dib usoo diraan hadane. Fikirkaan waxaa loo yaqaanaa “CSMA/CDCarrier sense multiple access collision detection. Broadcast domain, waa Haddii hal PC uu fariin diro ay inta kuwada xiran HUB-ka ay fariintaas arkaayaan ama helaayaan.
BRIDE: Bridge waxaa loo isticmaalaa inuu kala qeybiyo networks-ka. Tusaale ahaan haddii uu bridge ka leeyhay laba god, midkasta uu hub kaga dhaganyahay, bridge-ka sida sawirka ka muuqata, waxa uu logically ukala qeybiyey broadcast domain-ka uu hub-kasta leeyahay, oo haddii mid kamida computer-ada hub-ka kuxiran uu broadcast diro magaarayo hub-ka kale ee dhinaca kale uga dhan bridge-ka. Bridge sidoo kale waxa uu ogyahay meesha hub-kast uu isaga kaga xiranyahay taasoo ufududeeneesa sifudud inuu ugu kala xawilo fariimaha. Dhinackasta ee bridge-ka hubka kaga dhagan waa hal collision domain, gabi ahaanne waa hal broadcast domain.
Switch: Switch-ka waxaa layiraahdaa waa Hubk-ka oo kale balse ka godadban kana caqlibadan. Haddii aan soo qaadano isla sawirka kore balse HUB-Ka aan SWITCH kubadalno bal aan aragno waxa SWITCH-ka ugaduwan yahay Hub-ka.
Haddii aan dhahdo PC1 ayaa raba intuu Ping udiro PC3. Waxa ugu horeeya uu SWITCH-ka sameenaayo ah inuu marka hore maskaxdiisa ku duubo halka Ping-ga uu ka yimid kadibne uu meel maskaxdiisa kamid dhigto. Kow waxa uu SWITCH-ka ogaanaayo ayaa ah in PC1 uu isaga kaga xiranyahay port 1 ama godka koowaad, kadibne SWITCH-ka waxa uu sidoo kale ogaanaa Mac-address-ka PC1 markaas uu ku duubaa maskaxdiisa. PC1 Ping-ga uu diray waxa ay broadcast taasoo SWITCH-ka markuu helo uusan marka ugu horeesa garaneenin meesha PC3 kaga dhaganyahay. Si aan usii caddeeyo aan nu dhahdo PC1 ilaa PC4 waxa leeyihiin IP adress-ka 192.168.1. ilaa 192.168.1.4. Lanbarka ugu danbeeya waxa uu Ip address-ka sida 1.1 PC1 1.2 PC2 1.3 PC3 1.4 PC 4. Aan ku laabano Ping-ga PC 1 diray markii ugu horeesay oo uu “ping 192.168.1.3” diray, SWITCH-ka ne ogaaday halka PC1 ka ga dhaganyahay asiga iyo mac-address-ka PC1.
SWITCH-ka markuu intaas ogaado markaan ugu horeesa ma yaqaano PC3 halka uu yaalo, marka SWITCH-ka waxa uusameenaa waxa uu diraa broadcast message taasoo wadagaa reesa PC2,3, iyo 4. Kadib PC 2, iyo PC4 way arkaayaan fariinta laakiin maadama iyaga kusoconin way indha tiraayaan, balse PC3 ayaa kajawaabaaya broadcast-iga oo dhahaaya waa ikanaa kadibne waxa uu PC1 usoo diraa Mac-addresskiisa SWITCH-ka uu soo marinaa kadibne SWITCH-ka markaan waxa uu ogaaday halka PC1 iyo PC3 kaga dhagan yihiin isaga iyo Mac-address-kooda sidaas uu ugu duubaa maskaxdiisa. Haddii ay markale rabaan inay isla hadalaan SWITCH-ka uma baahna inuu broadcast diro balse waxa uu yaqaanaa halka midka wax soo diraaya iyo kan helaaya ay kaga dhaganyihiin sidaas uu fariinta ugu kala gudbinaa iyadoo aysan PC2 iyo PC4 aysan waxba kala socon. Sidaas ayaa looyiri SWITCH-ka uga caqlibadan yahay habka. SWITCH-ka hadda inta badan asaga ayaa loo isticmaalaa goobaha ganacsiyada iyo shirkaddaha.
ROUTER: SWITCH-ka waxaa loo isticmaalaa in computerada gudaha shirkada yaala uu midba midka kale kula xariiro. Kawaran haddii aan rabno inay computer-adaas ku xirmaan “Internet”-ka maxaa noo fududeenkara. Sida aad qiyaastay waa si computer-ada gudaha shirkada ay ula xariiraan “internet”-ka waa in SWITCH-ka kuxiran computer-ada guha aan router kusiixir naa si ay computer-ada ay isku xariiraan wixii gudaha iyagoo SWITCH-ka isticmaalaa waayo router uma baahana balse haddii ay rabaan in ay internet ka ay ku xirmaan, ama si kale aan udhaho, Haddii computerada ay dibadda uga baxaan shirkadda (Internet_-ka waxaa qasaba inaan router isticmaalno kaasoo ku xirin internet-ka kadibne uu uqeybiyo computer-ada gudhaha shirkadda ku jira. Sida sawirka hoose idinka ga muuqata.
Cables: Fiilooyinka: Waxaa jira noocyo kala duwan oo loo adeegsado in la iskula xir xiro qalabyada networking sida routers-ka, switches-ka, computer-ada, kuwo ugu muhiimsan waa.
Straight-through cable: Waa midda standard-ka u ah oo loo isticmaalo in la isku la xiro computer-ada midne diraha yahay midne fariinta helaayo. Straight-through cable waxaa loo isticmaa in la iskula xiro,Switch-to-router, Hub-to-pc-ama-server, ama switch-to-pc ama server.cross-over cable: Switch to switch, Switch to hub, Hub to hub, Router to router, PC to PC, Router to PCrolleover cable: Fiiladaan router-ada cisco ayey qaas utahay waxaane loo isticmaalaa in router ama switch (console port)-giisa. koow markaa router-ka aad hagaajineesid ayaa fiiladaan soo qaadanee dhinac waxaa uga xiree router-ka (console)-portigiisa, dhinaca kale computer.
Intaas waxaa ku eg casharkii basics of networking.
Saturday, June 25, 2016
Facebook Messenger oo laga helay ciyaar (Game) si qarsooni ah ugu jirta
Facebook Messenger oo laga helay ciyaar (Game) si qarsooni ah ugu jirta
Facebook Messenger oo laga helay ciyaar (Game) si qarsooni ah ugu jirta.
Shirkada Facebook waxay usaamaxday isticmaalayaasha App keeda loo yaqaano Facebook Messenger inay ku ciyaarikaan game ka loo yaqaano chess oo si qarsooni ah ugu jirtay Facebook Messenger ka muddo badan balse shirkadu aanay ogaysiin isticmaalayaasha App kan.
Ciyaartan oo qofkastaa la ciyaari karo qofkuu doono ayaad la bilaabi kartaa sxb kaa adigoo kudhufanaya qofkaad doonto inaad la ciyaarto kadibna ku qoraya halka fariimaha laga diro @fbchess play.
Si aad dhagaxa ugu dhaqaajiso afargeeska E4 waxaad qoraysaa @fbchess Pe4 tusaale ahaan. Si aad wax badan u barato erayada la qorayo waxaad ku qortaa meesha fariimaha @fbchess help.
Dhagaxaanta hadaynu ka tilmaamno qaar kamid ah magacaantooda waa:
K oo ah boqorka.
Q oo ah boqorada.
B oo ah maroodiga.
N oo ah faraska
R iyo P oo ah Rook iyo Pawn.
Sidoo kale waxa jira erayo badan oo qarsoon oo ay ka midyihiin @fbchess resign si aad u joojiso ciyaarta, iyo erayga @fbchess stats si aad u eegto dhibcaha adiga iyo saaxiibkaa ku kala sarayseen, iyo erayga @fbchess play white ama @fbchess play black si aad kalarada( colors ) u badbadasho.
Waxa la tilmaamay inaan la ogayn xiliga Facebook ay kusoo dartay Messenger ka ciyaartan, balse website ka ay ku doodaan bulshadu ee la yidhaa Reddit waxay sheegeen in ay jirtay ciyaartani ilaa December tii la soo dhaafay.
Facebook Messenger oo laga helay ciyaar (Game) si qarsooni ah ugu jirta.
Shirkada Facebook waxay usaamaxday isticmaalayaasha App keeda loo yaqaano Facebook Messenger inay ku ciyaarikaan game ka loo yaqaano chess oo si qarsooni ah ugu jirtay Facebook Messenger ka muddo badan balse shirkadu aanay ogaysiin isticmaalayaasha App kan.
Ciyaartan oo qofkastaa la ciyaari karo qofkuu doono ayaad la bilaabi kartaa sxb kaa adigoo kudhufanaya qofkaad doonto inaad la ciyaarto kadibna ku qoraya halka fariimaha laga diro @fbchess play.
Si aad dhagaxa ugu dhaqaajiso afargeeska E4 waxaad qoraysaa @fbchess Pe4 tusaale ahaan. Si aad wax badan u barato erayada la qorayo waxaad ku qortaa meesha fariimaha @fbchess help.
Dhagaxaanta hadaynu ka tilmaamno qaar kamid ah magacaantooda waa:
K oo ah boqorka.
Q oo ah boqorada.
B oo ah maroodiga.
N oo ah faraska
R iyo P oo ah Rook iyo Pawn.
Sidoo kale waxa jira erayo badan oo qarsoon oo ay ka midyihiin @fbchess resign si aad u joojiso ciyaarta, iyo erayga @fbchess stats si aad u eegto dhibcaha adiga iyo saaxiibkaa ku kala sarayseen, iyo erayga @fbchess play white ama @fbchess play black si aad kalarada( colors ) u badbadasho.
Waxa la tilmaamay inaan la ogayn xiliga Facebook ay kusoo dartay Messenger ka ciyaartan, balse website ka ay ku doodaan bulshadu ee la yidhaa Reddit waxay sheegeen in ay jirtay ciyaartani ilaa December tii la soo dhaafay.
Thursday, June 23, 2016
60 Eray Bixin oo la xariirta tiknolojiyada
Waxaa jiro eray bixin badan oo la xariirta tiknolojiyada(tichnology) kuwaasoo inta badan aaney aqoon ardayda ku cusub barashada tichnoliyada.
Hadaba waxaan soo aruuriyay ilaa 60 eray bixin oo la xidhiidha tiknolojiyada.
1.) GOOGLE - Global Organization Of Oriented Group Language Of Earth.
2.) YAHOO - Yet Another Hierarchical Officious Oracle.
3.) WINDOW - Wide Interactive Network Development for Office work Solution.
4.) COMPUTER - Common Oriented Machine Particularly United and used under Technical and Educational Research.
5.) VIRUS - Vital Information Resources Under Siege.
6.) UMTS - Universal Mobile Telecommunicati ons System.
7.) AMOLED - Active-matrix organic light-emitting diode.
8.) OLED - Organic light-emitting diode.
9.) IMEI - International Mobile Equipment Identity.
10.) ESN - Electronic Serial Number.
11.) UPS - Uninterruptible power supply.
12. HDMI - High-Definition Multimedia Interface.
13.) VPN - Virtual private network.
14.) APN - Access Point Name.
15.) SIM - Subscriber Identity Module.
16.) LED - Light emitting diode.
17.) DLNA - Digital Living Network Alliance.
18.) RAM - Random access memory.
19.) ROM - Read only memory.
20.) VGA - Video Graphics Array.
21.) QVGA - Quarter Video Graphics Array.
22.) WVGA - Wide video graphics array.
23.) WXGA - Widescreen Extended Graphics Array.
24.) USB - Universal serial Bus.
25.) WLAN - Wireless Local Area Network.
26.) PPI - Pixels Per Inch.
27.) LCD - Liquid Crystal Display.
28.) HSDPA - High speed down-link packet access.
29.) HSUPA - High-Speed Uplink Packet Access.
30.) HSPA - High Speed Packet Access.
31.) GPRS - General Packet Radio Service.
32.) EDGE - Enhanced Data Rates for Globa Evolution.
33.) NFC - Near field communication.
34.) OTG - On-the-go.
35.) S-LCD - Super Liquid Crystal Display.
36.) O.S. - Operating system.
37.) SNS - Social network service.
38.) H.S - HOTSPOT.
39.) P.O.I - Point of interest.
40.) GPS - Global Positioning System.
41.) DVD - Digital Video Disk.
42.) DTP - Desk top publishing.
43.) DNSE - Digital natural sound engine.
44.) OVI - Ohio Video Intranet.
45.) CDMA - Code Division Multiple Access.
46.) WCDMA - Wide-band Code Division Multiple Access.
47.) GSM - Global System for Mobile Communications.
48.) WI-FI - Wireless Fidelity.
49.) DIVX - Digital internet video access.
50.) APK - Authenticated public key.
51.) J2ME - Java 2 micro edition.
52.) SIS - Installation source.
53.) DELL - Digital electronic link library.
54.) ACER - Acquisition Collaboration Experimentation Reflection.
55.) RSS - Really simple syndication.
56.) TFT - Thin film transistor.
57.) AMR- Adaptive Multi-Rate.
58.) MPEG - moving pictures experts group.
59.) IVRS - Interactive Voice Response System.
60.) HP - Hewlett Packard.
Hadaba waxaan soo aruuriyay ilaa 60 eray bixin oo la xidhiidha tiknolojiyada.
1.) GOOGLE - Global Organization Of Oriented Group Language Of Earth.
2.) YAHOO - Yet Another Hierarchical Officious Oracle.
3.) WINDOW - Wide Interactive Network Development for Office work Solution.
4.) COMPUTER - Common Oriented Machine Particularly United and used under Technical and Educational Research.
5.) VIRUS - Vital Information Resources Under Siege.
6.) UMTS - Universal Mobile Telecommunicati ons System.
7.) AMOLED - Active-matrix organic light-emitting diode.
8.) OLED - Organic light-emitting diode.
9.) IMEI - International Mobile Equipment Identity.
10.) ESN - Electronic Serial Number.
11.) UPS - Uninterruptible power supply.
12. HDMI - High-Definition Multimedia Interface.
13.) VPN - Virtual private network.
14.) APN - Access Point Name.
15.) SIM - Subscriber Identity Module.
16.) LED - Light emitting diode.
17.) DLNA - Digital Living Network Alliance.
18.) RAM - Random access memory.
19.) ROM - Read only memory.
20.) VGA - Video Graphics Array.
21.) QVGA - Quarter Video Graphics Array.
22.) WVGA - Wide video graphics array.
23.) WXGA - Widescreen Extended Graphics Array.
24.) USB - Universal serial Bus.
25.) WLAN - Wireless Local Area Network.
26.) PPI - Pixels Per Inch.
27.) LCD - Liquid Crystal Display.
28.) HSDPA - High speed down-link packet access.
29.) HSUPA - High-Speed Uplink Packet Access.
30.) HSPA - High Speed Packet Access.
31.) GPRS - General Packet Radio Service.
32.) EDGE - Enhanced Data Rates for Globa Evolution.
33.) NFC - Near field communication.
34.) OTG - On-the-go.
35.) S-LCD - Super Liquid Crystal Display.
36.) O.S. - Operating system.
37.) SNS - Social network service.
38.) H.S - HOTSPOT.
39.) P.O.I - Point of interest.
40.) GPS - Global Positioning System.
41.) DVD - Digital Video Disk.
42.) DTP - Desk top publishing.
43.) DNSE - Digital natural sound engine.
44.) OVI - Ohio Video Intranet.
45.) CDMA - Code Division Multiple Access.
46.) WCDMA - Wide-band Code Division Multiple Access.
47.) GSM - Global System for Mobile Communications.
48.) WI-FI - Wireless Fidelity.
49.) DIVX - Digital internet video access.
50.) APK - Authenticated public key.
51.) J2ME - Java 2 micro edition.
52.) SIS - Installation source.
53.) DELL - Digital electronic link library.
54.) ACER - Acquisition Collaboration Experimentation Reflection.
55.) RSS - Really simple syndication.
56.) TFT - Thin film transistor.
57.) AMR- Adaptive Multi-Rate.
58.) MPEG - moving pictures experts group.
59.) IVRS - Interactive Voice Response System.
60.) HP - Hewlett Packard.
Subscribe to:
Posts (Atom)









