Doorashada Horojogaha Cilmi-barista (Selecting a Supervisor) Ardayga
diyaarinayo buuga qalin jabinta waxaa uu u baahanyahay cid hagta oo
qibrad u leh cilmi-baarista iyo madadda uu wax ka qorayo.
Horjooguhu ama supervisor ku waa
muhiim in uu ahaado qof aqoon u leh maadada horayna ugu soo bixiyay
casharo la xiriiro maadadda. Waxaa muhiim ah in ardaygu uu ogaado,
macalin kasto oo maadada sifiican u baro una sharaxo ma ahan horjooge
ku fiican cilmi-baarist, sidaas si la mid ah, horjooge kasta oo ku
fiican cilm-baarist kuma fiicna barista.
Xirfada barida iyo xirfada horjoogida
cilmi-baarista way kala duwan yihin. Macalinka waa uu ku fiicnan karaa
barida wana ku lidan karaa horjoogida, si lamid ay noqon kartaa
cagsigeeda.
Arday waliba waxaa uu jecelyahay in
uu helo hoorjooge fican oo ka caawiyo nidaamki uu wax u qori lahaa,
sidaas si la mid ah ayuu horjooge walibane u jecel yahay in uu helo
arday wanagasan oo wixi loo diro ka soo bixi karo. Ogow horjoogaha waa
lataliye oo kaliya shaqada asaga uma taalo ee waxa u talaa ardayga. Inta
aadan dooran horjoogaha,
waxaa haboo in aad marka hore aad la
kulanto ardayda uu horay horjooge ugu soo noqday. Isku day in aad wax
ka ogaatid sida uu ardayda u hago. Hadii jawaabaha ardaydii hore ku
siyeen aad ku qanacday balan qabso aad kula kulanto horjoogaha kadibna u
sheeg oo ka dhaadhacsii nuuca cilmi-baaris aad damacsantahay iyo hadii
uu kaa ogolaan karo in uu ku hago. Waxaa laga yabaa in kugu gacan seero
hadii fursadiisa yartahay ama uusan danaynayn moowduuca aad rabto in aad
cilmi-baarista ku samayso.
Sidee baan ku ogaan karaa horjoogaha
fiican? Ma jirto hal jawaab oo sax ah, balse waxaa jiro astaamo lagu
garto horjoogaha fiican, waxaana ka mid ah:- In si dhaqso leh uu uga
soo jawabo su,aalaha iyo talooyinka uu waydiiyo ardayga iyo sida uu u
siiyo ardayga rayi wax ku ool ah uu horay ugu socon karo. Yaysan ku
cajab galin horjoogaha inta jeer uu lakulmo ardaydiisa, haku
cajabgaliso, mudadda uu kusoo jawabceliyo marka qoraal uu ardayga u
dhiibo.
Inta badan ardayda waxay ka cawdaan
in horjoogaha uu san durbo u soo jawaabin taasna waxay sababtaa in
ardayga uu talaabo qaadi waayo maadaama uu san haysan jawaab uu ku
howlgalo. Waana caqabada ugu badan ee dib u dhigto ardayga, maxaa yeelay
horay uma socon karo oo ma’ogo wixi hore uu qoray in ay saxan yihiin
iyo in kale. Marka aad ayay muhiim u tahay in horjogaha goor hore uu ka
soo talo bixiyo, si hadii qalad jiro ardayga uu u sixo hadii kalane uu
horay ugu socdo.
Dhinca kale, waxaa dhacda in ardayda
jaamacada ay culeeska wada saraan ha lama labo horjoogo oo ay u arkaan
in ay yihin dad qabiir ku ah cilmi-baarista. Waxaa xasuus mudan in la
ogaado dadka ku xeel dheer cilmi-barista waxay ka shaqeyaan cilmi
baarisyo caalami ah, waxaa laga yabaa in ay waxbadan safraan oo aad ku
wayso fursado aad kula kulanto.
Sidoo kale horjoogayaasha qabiirada
leh waxaa loo xilsaraa shaqooyin badan oo ka mid tahay in ay dajiyaan
siyaasda iyo in ay qayb ka noqdaan maamulka sare ee jamacada. Marka
horjoogaha uu hayo shaqoyinka badan, ardayga uma ahan mudnaanta kuwaad
oo waxaa uu mudnaanta leh shaqooyinka kale. Taasina waxay kenaysaa in uu
ardaygu uu uga lumo waqti badan sugida jawaab ka helida horjoogaha.
Hadaba sidee haboon? Waxaa haboon in
aad doorato horjooge madada aqoon u leh, horay aanan u hagin arday badan
balse ay ka go,an tahay in uu kucaawiyo, horjoogaha nucaasi ah waxa uu
isku taxalujinaa in uu soo saaro arday iyo qoraal tayo leh. Ardayguna
waxaa uu fursad u ehelaa in uu u dhawaado horjoogaha.
Ogow horjoogaha cilmi-baarista waa
shaqsiga aad isla qaadan doontaan waqti badan iyo shaqo badan.
Horjoogaha waa uu kaaga duwan yahay macalimiinta jaamacada ee casharka
aad ka qaadan jirtay mudada kooban adiga oo ku dhaxjiro arday kale. Waa
muhiim in aad tixgalin dheeri ah siiso, waa in aad u dhagaysato si nugul
una dabacsanaato hadalkiisa, waxa uu kuu sheego u qaado siday ay tahay.
Hadii ay jirto waxyaabo aad ku kala arakti duwan tihiin si tartiib oo
xushmad ku jirto ugu sheeg.
Hadii aad hayso qoraalo cadaymo
muujinaayo waxa aad ku doodayso si tartiib ah u tusi qoraal ahaan ugu so
gudbi. Hadii uu kaa diido tiisa raac taada ha raacin. Hadii taada aad
raacdo wixi kayimaado oo qalad ah adiga ayaa dusha saaranaayo asagane
indha ayuu kaa firsanaa, arintaasna adiga ardayga ah ayaa ku dhibqabo.
Waxaa dhacdo in arday ay isku dhacaan
horjoogaha oo ay ka badashaan. Raadinta horjooge cusub waxay u
baahantahay wakhti, waxay u baahantahay in horjoogaha cusub laga
dhaadhacsiiyo wixi aad soo qabatay. Waxaa laga yabaa in uu ku yiraahdo
wixi hore waxba kama jiraan waaye ee Zero ka soo bilaaw. Amaba uu ku
yiraahdo waxayaabo badan badal oo falkaaga aad dib ugu laabato. Inta aad
ka fogaan karto in aad iska badasho horjoogaha ka fogow, dulqaad yeelo,
maalinba horjooge cusub hortiisa haka soo jeedin.
Ugu danbaynti, sida haboon in aad ula
dhaqanto horjoogaha. Somali waxay tiraahdaa “dantaada masalo eey ayaa
loogu jiiftaa” Marka aad la kulanto horjoogahaaga si dirran u salaam,
marka aad la soo xiriirayso oo aah email ama sms u soo dirayso isticmaal
qoraal si taxadar leh loo qoray, iska ilaali in aad horjoogaha kula
hadasho hadalada suuqa ama ciyaalka xaafadda, haka iloobin in aad
magaciisa ka soo hormariso Title kiisa sida Dr. Prof. IWM.
Hadii aad balantaan waqtiga ilaali
excuse ka yaree. Marwaliba tusi xushmad, dhago fudeed iyo weji furan.
Ulama jeedo markaad xushmeeyso howsha ayuu kuu qabanaa. Shaqada adiga
ayay kuu talaa, adiga ayay kaaga xiran tahay in aad qalin jabiso oo aad
shaqo ku doonato shahaadada. Fadlan ha sugin in horjoogaha uu shaqada
kuu qabto oo uu kuu soo download gareeyo file ka aad u baahan tahay oo
uu kuu qoro.
Sidee loo qoraa Su’alaha Cilmi Baarista ?
Su’alaha Cilmi-baarista (Research Questions) Marka la qoraayo su’aalaha cilmi-baarista micnaheedu waxaa uu yahay waxaad haysaa wax aad daraasad ku samayso.
Waxaa
muhiim ah in aad iska hubiso in ay su’aalaha ay yihiin kuwo laga jawabi
karo oo aan baaxadooda wayneen, sidoo kale waxaa haboon in aad iska
hubiso in baaxadooda aysan aad u yareen.
Ma
haboono in la qoro su’aalo jawaabteedu tahay HAA iyo MAYA. Su’aalo
fiican oo la is waydiiyo waxay kenayaan cilmi-baaris wanaagsan. Ogoow
jawaabta su’aalaha waxay noqon donaan bayaanka cilmi-baaristaada ama
waxay looyaqaan (thesis statement) qaybta hoose waxaan ku soo badhigi
donaa tusaalooyin la xiiiro su’aalaha cilmi-baarista.
Tusaalaha kowaad:
Cilmi-baare ayaa
yiri waxaan barayaa sababta baraha bulshada ee internet ka ay u yihiin
qatar isticmaalkooda? Su’aasha nuucaan ah macada. Marka hore ma
cayimayso baraha bulshada nuuca ay yihiin, sidoo kale nuuca qatarta lama
sheegin.
Waxaa haboon in
looqoro sida soo socoto: Sidee dadka isticmaalo baraha bulshada sida
Facebook iyo Twitter u wajahdaa qatarta la xiriirta ilaalinta sirtooda
(privacy).
Marka aad eegto
tusaalaha labaad waxaa uu natusayaa nuuca qatarta, nuuca baraha bulshada
iyo walibda dadka qatarta ku sugan oo ah isticmaala yaasha. Su’aalaha
cilmi-baarista waa in ay tilmaamaan xiriirka ka dhaxeeyo doorsoomayaasha
(variables) iyo in la donaayo in la tijaabiyo nuuca xiriir ee ka
dhaxeeyo doorsoomayaasha in uu yahay togan ama taban (positive or
negative)
Tusaalaha Labaad:
Raga maka caqlibadan
yihiin dumarka? Su’aasha nuucaan ah waxay xadaynaysaa doorsoomayaasha
la rabo in la cabiro: Jinsiga iyo Caqliga, lakin, weli macada sida lagu
qiimaynaayo: Habkee (method) lagu qexaa cabirka caqliga? Waxaa haboon
in loo qoro sida soo socoto: Miyay raga da’doodu u dhaxayso 18-35
helaan tiro (score) ka sareeyo dumarka da’doodu u dhaxayso 18-35 marka
la maraayo imtixaanka garaadka caadiga ah? (standardized intelligence
test.) Marka aad eegto nidaamka loo qoray su’aasha labaad, way ka faah
faah santahay mida hore.
Waxaa lasheegay
halbeega lagu cabiraayo caqliga iyo walibta da’da oo ay iskaga mid
yihiin raga iyo dumarka. Waa muhiim in ay su’asha cilmi-baarista ay
dhameestirnaato.
Tusaalaha Sadaxaad:
Sanadihii la soo
dhafay waxaa cirka ku shareeray xiisada ka taagneed badda Somaliya gaar
ahaan arimaha la xiriira burcad badeedka iyo maraakiibta sharcidarada ku
isticmaalo badda Somaliaya. Arinta burcad badeedka waxay noqotay mid
soo jiidatay indhaha caalamka.
Arinta waxaa ka
hadlay oo cambaareyay wadamo badan, haba ugu sii badnadaan hay’adaha
iyo wadamada daneeyo arimaha Somaliya. Waxaa la qaaday talabooyin wax
looga qabanayo qatarta burcad badeedka. Su’aal la xiriirto cilmi-baaris
ayaa u qorneed sida soo socoto:
Caalamka sidee ayay uga hortageen la dagaalanka burcad badeedka?
Makra aad u fiirsto
su’aasha baaxadeeda waa wayntahay, mana cayina. Tusaale, caalamka waa
waynyaha waxaa loo baahan yahay in hoos loogu soo dago kuwa aadka u
daneeyo arimaha Somaliya. Sida ay ku haboonaan lahayd in loo qoro waa
sidan: Talabadii America ee la dagaalanka burcad badeedka Somaliya ma
noqotay mid dhaxal gal ah?
Dhinaca
kale waxaa kale oo xusid mudan, in cilmi-baarista ay noqoto mid tayo
ama tiro (Qualitative or Quantitative) waxaa sabab u noqon karo
su’aalaha cilmi-baarista. Marka laga hadlaayo qualitative, cilmi-baaraha
waa in uu isticmaalo su’aal waydiiye yaasha kala ah Sabab iyo sidee. Tusaale: Sidee alaabta cusub ee shirkada soo saartay ugu guulaysan kartaa suuqa? daraasada nucaan ah waxay noqonaysaa qualitative.
Dhinaca
kale marka cilmi baaraha uu isticmaalo su’aal waydiiye yasha kala ah
Imisa iyo goormee. Daraasada waxay noqonaysaa quantitative. Tusaale:
Imisa ayay ku qadankartaa in alabta cusubi suuqa gasho? Jawaabta waxay
noqonaysaa quantitative.
Ugu danbaytii,
su’alaha cilmi-baarista waa in ay ahadaan kuwo u qalmo in la baaro, kuna
tabarucayo in wax lagu soo kordhiyo cilmiga jiro iyo in ay qayb ka
noqdaan horumarinata xalada bini aadanka.
Dabeecadaha lagu
aqoonsado su’aalaha wanaagsan waxaa ka mid ah:- waa la daraaseen karaa,
waa su’aalo la fahmi karo, waa su’aalo muhiim ah, waana su’aalo
ilaalinayo anshaxa iyo asluubta cilmi-baarista.
No comments:
Post a Comment