Magaceygu waa Cali, waxan joogaa jarmalka. Kahor
inta aanan kasoo hayaamin dhulkii hooyo, waxaan ka shaqeyn jiray dawaar.
Shaqada waxaan bilaabay kolkii aan waayay minxo waxbarsho oo dalka dibdaddiisa
ah.
Caadiyanba,
ardayga kaalinta koowaad ka gala imtixaanka dugsiga sare waxaa lagu abaalmarin
jiray waxbarasho dibadda ah. laakin, anigu maan helin. Booskaygii ruux kale baa lagu abaalmariyay.
Haa, wiil wasiir dhalay weeye. Isagu aqoon kuma helin,laakin aabihii baa wasiir
ahaa markaa, sidaa weeye, qaabka uu ku helay. Anigu intii aan dugsiga sare
dhiganayey aad baan u daali jiray si aan lambar wan u noqdo oo waxbarsho
bilaash ah u helo, maadaama aabbahay uusan noolayn, hooyadeyna suuqa kasoo
xamaasho si ay u dhiciso nololshayna.
Markii aan ka quustay minxadii, waxa aan
bilaabay barashada dawaarka, bil kadibna
shaqo baan helay, inkastoo aysan isu dhigmin khidmadda lay siiyo iyo shaqada
aan qabto, hadana waan ku qanacsanaa shaqadeyda.
Subax kasta baan u kalahaa shaqada, qorrax
dhiciina waan kasoo laabtaa. Marka aan guriga kusoo laabto, hooyo aad bay iigu
faraxdaa, aad bay ii dhiiri galisaa. Maalinta aan imaado iyadoo guriga ka maqan
aad baan u naxaa! Waayo, hooyadey noloshayda marna igama maqanaan 24 saac oo
isku xigta.
Galab aniga oo shaqada ka soo rawxay baan
gurigii oo cidlo ah imid, hooyo may
joogin. Inan dariskaa ah baan weydiiyay.
¾ Walal hooyadey ma aragtay?
¾ Haa, wiilow. Hooyadaa, aniga bay farriin iigu
kaa dhaaftay. Ay-Cambaro-aw LIbaax, oo gabadh ka dhimatay bay tacsi u aaday, waana
soo laabanee, ha ka walwalin saacadahaan way na soo heysaa!
Marka aan maqlo inan geeriyootay aad baan uga
naxaa, waxaan soo xasuustaa walaashey Dahabo-dhiirran. Abbaayo Dahabo wey geeriyootay. Ma dhimane waa la dilay! Maalin iyada oo kasoo rawaxday
jamaacadda bay bas soo raacday. Baskii baa lagu joojiyay bar isbaaro tiilay. Rag hubaysan baa halkaa joogay.
Wadidihii gaariga bay lacag waydiisteen, isna
wuu siiyay, waysa saluugeen. Amar bay ku bixyeen in uusan gaarigu dhaqaaqi
Karin, darawalkii baska wuu ka dhaga adaygay amarkaas, wuu dhaqaajiyay
gaarigii. BUM. Rasaas bay huwiyeen gaarigii. Dhaawac iyo dhimasho baa ka
dhashay. Abbaayo dahabo-dhiiran, dadkii ku geeriyooday bay kamid noqotay.
Hooyo oo suuqa joogto baa loo sheegay geerida
Dahabo, naxdin bay la suuxday. Waayo, Dahabo aad bay u jecleed. Aniga markii la
iisheegay sida ay wax u dhaceen sara-jooga baan ka dhacay naxdin aawadeed. Isma
lahayn naxdin taas ka wayn baa ku
soomari doonta!
Taasi se waa beenowday, tu ka daran baa isoo
martay. Dhacdooyinka aan dhaayaha u roonay deegaanka way ku badnaayeen. 1-dii feebaraayo, maalin la halmaami karo
mahayn! Haa, anigu ma hilmaamin, mana hilmaami doono.
Waxay ahayd gabal dhicii wali se, maqrib lama
gaarin. Waqtiga aan dawaarka kasoo laabto badanaa toos baan xaafadda u abaaraa si aan
hooyo howsha guriga ula kaalmeeyo. Maalin kaase waan dib dhacay. Wixii
idaahiyay ma xasuusto laakiin, nus saac baan ka dib dhacay waqtigii aan horay
guriga tagi jiray. Illayn qadarta eebbe, waa mid qoran! Allaha na uumay cilmi
badanaa oo awood badnaa!
Mar aan
xaafadii ku sii socday wali se,aanan gaarin baa waxaan maqlay dhawaq aanan I
farxad galin, igu ma cusbayn oo horay buu habiino hurdo iiga toosiyay.
Dhaw… waa madfac! lugihii baa inatay
isku duubmeen dhulka ka dhaqaaqi waayeen. Afkii baa laba taako noqday oo hadli
waayay. Alla awood badnaa wuxu. iisaanka
uu ku dhacay sidee buu noqon haddiiba anigii ka fogaa sidaan ii waxyeeleeyay!
Laba daqiiqo dabadeed, halkii ban ka toosay
socdaalkiina waan sii watay. Qiiq iyo uuro baa ka muuqata meel hortayda ah.
Ambalaas baa xufta igu martay. Dad ooynayay baa iga horyimid. Socodkii baan
boobsiiyay si aan meesha mashaqada ka dhacaday u gaaro, markiiba wiil aan waji
aqaan baa iga soo hormuuqday. Su’aal baan ku boobay. “ Cabdiyow, xagee bay wax
ka dhaceen?”. “ xagee wax ka dhaceen iyo saacaan baa!..” yaah…!
“Waar xaafadaadii baan madaafiic daran-doori ah
ku dhaceen …”.
Yaah… xaafadadii…. Alla hooyo ma nooshahay. Alla
hooyo ma nooshahay.
Oradkii aan halkaa ka qaaday ugama ma neefin ilaa
aan dul joogsaday gurigaynii oo aad moodid xaabo dab la qabad siiyay. Waan
qarracmay! Sidii qof waalan oo kale baan hadalo iska daba tixay..
..Hooygii dunyaye, hooya meeday. Hooygii dunyaye, hooya meeday!
Maydadka tuban hareerahayga waxaa iiga sii
darnaa dad naf ku jirtay dhaawac daran se ahaa oo cabaad koodu uu kusii murjinayo. Dadka
ma garan karo, waxaan se ku qiyaasay,
jaarkii. Waxaase ku darsanaa dad kale oo
socoto ahaa. Anigoo dhan aan u socda garan weysan baa halmar gacan qof I qabay.
Waa abti Axmadeey. Hadal aan fahmi waayay buu I yidhi, uma se jawaabin. Markale
ayuu se intuu ku leetiga I qabatay yidhi:
¾ Waryaa, hooyadaa ma aragatay?
¾ ….
I.iih.
¾ Caliyow,
hadal, Hooyadaa ma aragtay?
¾ Ma arkin..
Intii
aanan jawaabta u dhamayn buu dhanka bari iiga rooray, anna sidii wax hurdo
kasoo toosay oo kale baan indha jijibiyay dhanka kale u cararay. Labad talaabo
markii aan qaaday baan ku fay. Intaan booday baan haddana orday, markale baan
ku dul dhacay, laba qof oo mid mayd
yahay kan kalana naf aan qumayn ku jirto. Waxa uu ku qaylinaayay. “ ar
ibadbaadiyooy…..”. intaan booday baan u dhaqaaqay meel ay dad ka qaylinaayeen,
inta aanan gaarin baa arkay gacan meel taal. Waa gacan aan aqaan. Alla waa
hooyo macaanto gacanteedii!.... alla hooyaday way dhimatay..
Qeylo iyo boohin baa isku daray, gacantii ula
fakaday halkii aan abti ku maleeynayay. Alla, abtiyoww, hooyo waa dhimatay,
waan tan.. hadalkaa markii aan lahaay baa ogaal iigu dan baysay. Maalintii
xigtay baan soo miirsaday anigoo xaafadda abti la igu haayo. Maalmo kadib
ayaase la iisheegay in aan waashay oo la xirxiray! Ilaah baa mahad leh aan
waali dhab ah iiga dhigin.
Laba
asbuuc kadib geeridii hooyaday, waxaa habiin ceshihii masjidka dhexdiisa lagu
toogtay abti Axmedeey. Sababta loo dilay iyo cidda dishay alle mooyee cid kale ma oga. Maalintaas kadib wax baa igu abuurmay.
Dharaartii feker baa iga bixi waayay, habiinkiina hurdo baa iga soo dhici
weyday. Naftaydii baa ii diiday I aan ku noolaado mee lagu dilay abaayaday Dahabo-dhiirran, iyo abtigay
Axmadey. Meeshii madfac ku kala jarjaray
hooyaday. Meel dhalin yarada filkayga ahi iigu caynayaan haybta
reerka aan kasoo jeedo. Intaas iyo kuwa
kale ba waxay igu qasbeen I aan kasoo socdaalo dhulkii hooyo.
W/Q: Maxamed C. Jeyte.
No comments:
Post a Comment