Friday, August 18, 2017

CAALAMI !


CAALAMI !
Jaamcad caalami ah, madaar caalami ah, iskuul caalami ah, isbitaal ay joogaan dhaqaatiir caalami ah…… caalami……..caalami !







Ummad kasta ee dunida  ku nool  waxay leedahay  shuruuc iyo  qawaaniin kala hagta. Marka  ay lumaan  xeerarkas ama ay ku dhaqmi waayaan  waxaa  isku milma  wanaaga  iyo  xumaha, runta iyo  beenta. Waxaa  mesha  ka baxa  run sheegidda, beenta  ayaana noqota  furaha  kaliya ee ay maciin  bidaan!


AFEEF


Soomaalidu waxay  ku maahmaahdaa : Hadalkaada hortii afeef   baa la dhigtaa, gurigaada hortiina  ood weyn  baa  la dhigtaa.


Waxaan ka  afeefanayaa  in ujeedadaydu  aanay  ahayn,  duridda  koox gaar ah, balse,  aan  sheegayo  oo kaliya  wax ka jira  deegaanka  aan ku noolahay.  Maqaalkaan  waxa uu  daaranyahay  muujinta  dhaqan  aan  hore  u jiri  jirin oo hadda  kusoo  badanaya  dhamaan gayiga  soomaalidu  dagto, gaar ahaan  muqdisho iyo  magaalooyinka  mataanaha la ah. Hadaba  waa maxay  dhaqanka  aan doonayo  soo bandhigidiisa? Waa caalami!


Jaamacad baa la furaa waxaa lagu  tilmaamayaa  caalami,  isbitaal  ayaa lagu furi  waa  calami, ganacsi  gaar ah baa la furi waa  caalami .


               Hadaba maxaa  caalami ah?


Kahor  inata  aanan ka jawaabin  su’aashaan, marka  hore aan qeexno erayga caalami.  Maxaad u taqaan  caalami?


Qaamuuska  af-soomaaliga, caalami waxa uu ku qeexay sida tan: Wax caalamka oo dhan  ka dhexeeya ama wada yaqaan.


Marka  aan eegno  afka carabiga oo  eraygu  asal ahaan kasoo  jeedo, waxaad ka helaysaa  dhowr  macno  oo iska  ag dhaw. Waxaa eraygu  asal ahaan laga keenay  caalam . Mid kamid qaamuusyada af-cariga ,caalami, waxa uu  ku fasiray sida tan:


.شيء شائع ومعروف في العالم كله  


Shay ku shaacsan  macruufna ka ah  dunida oo idil.




Qaamuuska afka ingirriska waxa uu ku qeexay sidan:


Wax quruumadu  si wada jir ah ay u yaqaanaan.


Saddexda qaamuus, waxay ka mara kacayaan in  erayga caalami  loo adeegsan karo  shay  dunida oo dhan  si  isku mid ah looga yaqaan ama shay tayadiisu  aad  u sareyso  dunida  oo dhan na laga soo tiigsado.


Hadaba   jaamacadaha, isbitaalada, iskuulada iyo dhamaan waxyabaha aan caalamiga ku tilmaamno   ma yihiin kuwa  caalamka oo dhan laga yaqaan?  Caalam yeelkiisa, mayihiin  kuwa  ay nala yaqaanaan  afrikaanka  aanu  jaarka nahay?  Iska  daa umad kala e,  soomaalida oo dhan  mayaqaanaan? Ma yihiin  kuwa  tayadoodu  sareyso  oo ummado  kale  soo  tiigsadaan?


Si dhib yar  u dheh : Maya. Waayo  jaamacado ama goobo ganacsi oo  xamar  ku yaal ma ahan  kuwa  dunida  laga yaqaan, mana ahan kuwa  leh  tayo waxtarta oo ay  magacaas ku mudaysan karaan.


Muhiimadu  ma ahan in  shaygu  ku yaal  meel  ka baxsan  soomaaliya  waase  in uu  lahaadaa  magc mug leh iyo  tayo wanaagsan,  si  loogu sunto magaca  caalami .


Soomaalidu   erayga  caalami  waxay ka dhigteen  mid ay ku  caanbixiyaan  ganacsigooda.  Waxaaybaha  ashqaraarka leh  ee  aad  ku  arkaysid  suuqyada  magaalooyinka  soomaaliya  waxaa kamid ah; shay  in loogu yureero  caalami  iska  daaye  aanan  mudnayn  xitaa  in ganacsi ahaan loo soo  bandhigo  tayo  xumadiisa awgeegiis, oo  caalami  loo yaqaan.


Codbaahiya yaasha  ama  idaacadaha  ay  maamulaan soomaalidu  waa  kuwa   xayeysiiya  ganacsiga laakiin,  kama  eegaan  waxa ay  xayaysiinayaan  tayadooda e,  caalami  ayay  wax kasta  ku  xayaysiiyaan  inkastoo   hargaysa  laga mamnuucay   iidhehada  beenta  ah iyo buubuunida , hadana  muqdisho, ayay ku hartay. Muqdisho waxay noqotay meesha  ugu  badan  ee  laga  xayaysiiyo  ganacsi   laguna tilmaamo   caalami .


Beentu  waxay  kamid tahay  waxayaabaha  xaaranta  ah,  waa  shay  mararka  qaar lagu  naar tago.  Haddii  aad  shay  ku tilmaamto  waxa uuna  ahay, waxaa noqonaysaa  beenlow. Cidkasta  ee  ku siranta  shayga  aad  buubuunisayna  danbi  baa  ka gashay.


Haddii  aaan  doonayno  in  ganacsigayno  loogu  yeero  caalami. Marka  hore  aan  iibsano  ama aan furno shay  caalami ah, si uu  caalami  u noqdo. Haddi aan  awoodi  Karin,  been  ma fiicno e, aan  ka fogaano  buunbuuninta bilaashaka ah.


Waa  inaa  ka fogaanaa  buubuuninta  dhib mooyee  aan dheefta  lahayn ee  aan  u samayno  ganacsigayna, ama  goobaha   tacliinta.


W/Q:  Maxamed jeyte.

No comments:

Post a Comment