Tuesday, June 21, 2016

Cashirka 2aad ee Cilmi Baarista ( Research methods )



  •  Nuucyada cilmi Baarista :
  Noocyada Cilmi Baarista:  Qaybtaan waa qayb kale oo ka mid ah cashardii hore ee aan ku soo baranay nucyada cilmi baariseed ee jira. Cilmi baaris  waliba  waxa ay leedahay hadaf gaar ah oo lagu gaaro.


Waa muhiim in cilmi baaruhu yaqano nuuca cilmi baariseed uu an baqadayo inta uusan howsha faraha lagelin. Waana in cilmi baaruhu ogaado mida uu hadafkiisa ku gaari karo. Waxaa marar badan dhacdo in la amba qaado cilmi baaris hadana natiijadi ka soo baxday ay miro dhal ahaan waydo amaba ay xiriir la yeelan waydo hadafki lagalaa cilmi baarista, taasina waxaa loo aneyaa in bilawgii hore, cilmu baaruhu uu san ogayn nuuca cilmi baariseed ee ku haboon waxa uu donayo. Qoralada soo sodo waxaan ku sharaxaynaa nuucyada cilmi bariseed.
Cilmi baaris Sahmiyeed (Exploratory study)
Cilmi barista nucaan ah waxaa la sameyaa  marka ay san jirin wax horay looga qoray arintaan oo ay tahay marki ugu horeysay ee lagu sameyo cilmi baaris. Cilmi baaristu waxay isku dayaaysaa in aay ogaato xog badan oo la xiriirto arintaan madama ay tahay markii ugu horeysay ee cilmi baaris  nuucasi la sameeyo.
Darasad Sahmiyedku waa ay dabacsantahay (flexible) waxaa lagu xalin karaa nucyada kala duwan ee su,aalaha cilmi baarista sida (Sababta, Maxay, iyo Sidee).  Cilmi baaristu waxa ay isku dayaysaa in ay soo bandhigto xog cusub iyadoo aysan jirin wax horay loo sii saadaaliyay ama loo mala awaalay (hypothesis). Hadaba cilmi baaris sahmiyeedka waxaa lagu soo kobaa sidan:-
In aqoon dheeraad ah iyo faah faahin laga helo waxa la baaraayo
In la curiyo fikir cusub, iyo in la hurumariyo aragtiyaha (theories)
In la curiyo  malo awaal cusub (Hypothesis)
In wadada loo sii xaaro suurta galnimada in cilmi baaris kale oo dheeri ah la amaba qaado
In la helo jiho macayim ah loo raaco daraasadaha mustaqbalka
Cilmi Baaris Qeexineed (Descriptive research)
Cilmi baarista nucaan ah waxay qeexdaa arin gaar ah, waxayna diirada saartaa waxa dhacaya hada. Sidoo kale waxay diirada saartaa imisa jeer ayay horay u dhaceen  arimaha nuucaan ah. Darasada kama hadasho sababta ay arin u dhacdo ama u dhacday intaba. Sababaha loo ambaqaado darasadan nuucan ah way fara badan yihiin waxaase ugu sii muhiimsan in la muujiyo xiriirka ka dhaxeeyo doorsoomayaasha (Variables ).
Marka darasadan la amabaqadayo cilmi baaruhu waxaa uu adeegsan karaa qidado kala duwan oo uu xogta ku soo ururiyo. Waxaan ka mid ah qidadaha. In uu indho indheen ku ururiyo xogta ama daraseen. Darasadu waxay u kuur galaa (xalada, dabeecadaha,  dhaqanka iyo rayiga)  ay leyihiin koox gaar ah. Sidoo kale waxaa la adegsan karaa waraysiyo kala duwan oo dadka lala yeelanayo.
Daarasda qeexida waa loo adegsan karaa hababka Taranta (quantitative) iyo Tayada (Qualitative) In la go,aamiyo nooca la adegsanaayo waxay ku xirantahay su,allaha cilmi baarista (Reseach Questions)


Cilmi Baaris Sharaxeed (Explanatory research)
Daraasada nuucaan ah waxay sharaxdaa sababta ay wax u dhacayaaan, waxay qimaysaa waxa sababo xiriirka ka dhaxeeyo doorsoomayaasha (Variables). Waxaa kaloo loo adegsadaa in lagu tijaabiyo xariirka ka dhaxeeyo mala awaanlka (Hypothesis) iyo samaynta ay isku yeelan karaan doorsooma yaasha.  Cilmbi baaris sharaxeed ku waxay ka jawabtaa, sababta iyo sida ay wax u dhaceen. Waxay raadraacdaa  waxa sababa  iyo samaynta xiriirka ka dhaxeeyo  labo doorsome.
Cilmi baaristan waxaa la amba qadaa marka xogta lahayo ay yartahay lana rabo in la sii faah faahiyo xogtaas yar oo la keeno faah faahin dheeri ah. Hadafki waxaa uu yahay in la helo xog badan.
Cilmi Baaris Saadaalineed (Predictive research)
Cilmi baarista nuucaan ah waxay waxay saadaalisaa ifafaalaha mustaqbalka iyo suurta galinimada waxaas in ay dhacaan.  Cilmi baaristaan intabadan waxay ku bilaabataa in la raadiyo waxa dhici doono iyadoo laga qayaas qaadanayo wixi horay loo ogaa amaba horay u soo dhacay. Cilmi barista nuucaan ah  waxaa lagu lifaqaa  fasiraadi ay soo jeedisay cilmi baari sharaxeedki
(Explanatory research
4 Doorashada Mowduuca (Selecting a Topic) :  Qaybtaan waxaan ugu talagnay in aan ka caawino ardayga sidii aad u dooran lahaa mowduuci uu wax ka qori lahaa.  
Cilmi baaristu ma’ahan wax aad u sahlan oo cid kasto samayn karto maalmo gudahood. In aad doorato mowduuca aad wax ka qorayso waa shaqada kuugu horeyso ee aad qabanayso. Waxaa laga yabaa in ay tahay qaybta ugu adag messhi laga bilaabi lahaa iyo doorashada mowdiici wixi wax laga qori lahaa.
Sababta arday uu udoorto in uu cilmi baaris ku sameeyo mowduuc gaar ah waay kala duwanaan kartaa. Mararka qaar, siyaasada jamacada u taalo ayaa ah in ardayga loo dooro mowduuca uu wax ka qoraayo. Waxaa kaloo lagayabaa in ay qarashka cilmi baarista cidkale ay dhiibayso oo ay doonayso dano gaar ah ay lihiin in loo baaro.
Sidoo kale dowladaha qaar ayaa ardayda waxay siyaan wax barasho bilaash (Scholarship)  gaar ahaan ardayda Ph.D diyaarinayso. Marka qofka la siiyo waxbarasho bilaash ah waxaa laga yabaa in lagu xiro in uu cilmi baris ka sameeyo mowduuc gaar ah. Hadii intaasi  ay jirto adigu malihid aqtiyaar aad ku doorato mowduuca aad donaysid in aad wax ka qorto. Cutubkan waxaa uu quseyaa cida leh go, aankeeda in ay ku doorato mowduuca ay rabto in ay wax ka qorto.

Cilmi baaristu waxay u baahantahay waqti, qarash iyo adkaysi. Waxan halkan ku soo bandhigaynaa qididadah lagu doorto mowduuca wax laga qoraayo.
  • Waxaa muhiim ah in qofka uu doorto mowduuc uu aad u xisaynayo uu diyaar u yahay in uu waqti iyo garaad uu ku bixiyo.
  • Dooro mowduuc aad aqriskiisa ku raxaysanayso aadna fahmayo xogtisa hoose
  • Waxaa haboon mowduuca la doranayo in uu ahaado mid xiriir la leh noloshaada iyo mustaqbalkaaga shaqo. Tusaale,  hadii aad jeceshahay in aad noqoto ganacsade ama aad tahay, mowduucaga ha ahaado ganacsiga iyo wax la xiriro. Hadii aad rabto in aad noqto siyaasi mowduucaga hala xiriiro siyaasada.  
  • Mowduuca ha ahaado, mid aad horay wax uga soo baratay oo aad ku course kiisa soo qadatay oo waliba aan darajo fiican ka haysato natiijadiisa imtixaanka. Dooro madooyinka aad A ka haysato oo aad ku raxaysanaysay xiligi aad baranaysay. Haka dooran wowduuca maado aad C ka hayso ama aad ku dhacday.
  • Samee waxa loo yaqaan (Brainstorming) aruuri rayiyo kala duwan oo la xiriiro wowduca
  • Iska hubi in mowduuca aad maamuli karto (managable)  xogtiisane aad heli karto
  • Aqri oo soo ururi xogbadan oo la xiriirto mowduuca aad rabto in aad wax ka qorto
Marwaliba oo la dooranayo mowduuc waxaa haboon in la iswaydiiyo su’alaha looyaqaan (5Ws) maxaan u doranaa moducaan? Maxaa xiiso ah uu iileyahay aniga? Rayi maka haystaa arimaha quseyo moducan?
Yuuquseyaa mowducan oo xogtiisaa laga helaa marka xog ururiska la gaaro? Ka fogow mowducyada ay kugu adkanayso in aad xogtooda hesho ama cida ay qusayso aad awoodin in aad la kulanto.
Tusaale ahaan hadii xogta lagaaga bahanyahay in aad ka soo ururiso madaxda ugu sarayso dalka sida Madaxwaynaha iyo Ra,isul wasaraha iyo Wasirada. Adigane adan ahayn siyaasi awood u leh in uu la kulmo dadkaas.
Waxay kugu noqonee in ay waqti dheer kaa qadato ama in aad ku guul daraysato. Marka ka taxadir cida mowduucaaga uu higsanayo in uu ka helo xogta.
Waxaa kaloo muhiim ah in aad taqaano mowduca aad wax ka qorayso qoraayaasha ugu waa wayn ee ugu caansan. Qorayasha waxay shegaan cilmi baarista mustaqbalka la rabo in la amaba qaado ee quseeyo mowducaas. (Future recommendation)
Ogow waxa ayihiin su,aalaha ugu waa wayn ee la iska waydinayo mowducan? Majirtaa dood ka taagan mowducan oo aan jawaab loohayn? Ma jirtaa oraahyo iyo aryiyo kala duwan oo laga kala qabo woducan oo la isku qilaafsanyahay? Hubi in mowducan oo meel ka bananyahay (GAP)
Is waydii hadii aan doorto mowducan ma wuxu muhiim u yahay gudaha, heer qaran mise heer caalami. Majiraa meel gaar ah uu bartilmaa maysanayo mowducaaga.
Ugu danbaynti mayahay moducaan mid hada muhiim ah oo xilagaan la joogo loo baahanyahay mise waa mid xiligiisi ka soo gudbay. Ma waxaad rabtaa in aad is bar bar dhigto xiligii hore iyo xiliga hada la joogo?.  
Dooro mowduuc xiligaas tagan la jaan qaadi karo. Waqti ha iskaga lumin in aad FARAACIINTI wax ka qorto. Dadka waxa jecelyihiin in ay aqriyaan xalada markaas taagan wixi laga qoray sida FACE BOOK, Viber, Whatsup.
Hadii aad moduucaga yahay waxa la xiriiri aaladihi laga soo tagay sida (TYPE)  ka waa hubaal in aysan jirin cid aqrinayso. Ugu danbayti dooro moduuc xiliga la jaanqadi karo.
 lasoco qaybaha kale (Continue…)

No comments:

Post a Comment