Saturday, November 4, 2017

ANIGA IYO ASAAGEY!




Qof  aan waligiis tagin  baadiyaha  ama  aan ku dhalan  ma garan karo qaabka looga dhaqmo loona dhaqdo  xoolaha,laakiin, ruux  aan magaalo ku dhalan  kuna  barbarian, wax adag ma ahan inuu la qabsado  dhaqanka iyo  nolosha  magaalada, taas macnaheedu ma ahan,in qofka  magaalada  ku dhashaa uusan  baadiyaha  wax ka tari Karin, hayeeshee, hab-dhaqanka laba  dhinac  ayaa  aad u kala fog, fahmada iyo  fiirada  labada ruuxna  aad bay kula  gadisantahay. Qofka  baadiyaha ku dhashaa kuna bar-baaraa  aad  buu uga  fiiri iyo  garasho  dheeryahay qofka aan ku dhalan baadiyahay,inkastoo  oo ay jiraan  kuwa  baadiyaha  ku barbaaray  se, aan  dhug laheyn,iyo  kuwa  magaalada ku dhashay  oo  caqligooda  iyo garashooduba  aad u sareyso.


Anigu  isku  amaani maayo  inaan  reer baadiyo  ahay, iskuna  caayi mayo  inaan  magaalo  jog ahay. Baadiyaha  waan ku dhashay  kuna  barbaaray, magaaladana waan ku indha-qaaday,ku garaadsaday,tacliinna ku bartay, illaa iyo haddana wali ku bartaa.

Tan iyo bilawgii  tacliin barashada, asxaabta iyo  dadka  aan is hadal fahannaa waxey  ku xirnaayeen, hadba  heerka  noloshaydu mareyso, iyo  heerka  aqoon  ee, aan milkiyo. Waayadii  danba se, wax  xanuun badan baan dareemay, asxaabta  aan isfahanno  baa yaraatay, nafteyda baan qaladka siiyay,dhowr jeer  baan dareemay  inaan fahmo  qaladka jira ee  aan  asxaab  badan  u heli la’ahay, hayeeshee, jawaab  I shaafisaa ma helin. Inta badan  aynigey  ima  fahmaan, anna  iyaga baan la yaabaa, iyagu  badaw reer-baadiyo  ah bey  ii heystaan, anna  waxaan la ashqaraaraa fool xumada ay  falkinayaan.

Sanaddo badan oo  asxaab yari ah  baa  isoo wajahday, markastana waxaan isugu  laab  qabooji  jirey, maah-maahdii  ingiriiska aheyd  ee  dhaheysay: “ buugaagta iyo  asxaabtaba lama badsado”, iyo  middii  soomaaliga aheyd  “ cashar iyo  cad bari ahba lama badsado”.  Subax ayaan se, damcay  inaan asxaabta si qasab ah ku barto. ka rumeynta go’aankaasi ma fududa, waa in aan u dhaqmaa sidooda oo kale,oo  aan ka tagaa  kana tanaasulaa hab dhaqankeyga  asxaab la aanta I dhigay.
Judhiiba  waan dhaqaaqay,asxaab  aan iga fogeyn baan u tagay,markiiba isheydu  kuma aysan raaxeysan la biskooda,sida timahoodu  ujarayihiin, iyo  hadalkooda,iyo  ….
Markaan dultagay  baan salaamay,salaamu calaykum baan I dhi. Qoslay bay la daateen. “ Alla, suufigaan xaggee  buu  naga soo salaamay”- bay  yirahdeen.
Dareemay  in layga  didasanyahay,  bal  maxaa  iga muuqda oo  dadka iga soocaya! “Saaxiibayaal  inaan asxaabta  kusoo biiro baan  doonayaa”  baan I dhi. Ahaahaaa. “Waad kusoo  biiri kartaa  shardi  baase, kugu xidhan”. Oo  muxuu  yahay  shardigaas  baan  weydiiyay? “  kubadda  cagta  xoog dee  baa  taageero  u tahay” bay  I su’aaleen. “ midna. Maxaan gaalo  u kala taageerayaa”. Baan  ku idhi. “  caku iyo reer baadiyo, war  na dhaaf , abeeso  ku ruugtaye” bay  yiraahdeen. Markiiba  waan dhaqaaqay  oo  qaar kale, oo meel  qashin  ku ruugaya  baan  ag joogsaday. Asaamucalay kum  ma oran  - oo kuwii  hore  baa  igu la yaabay, se, eray kale  ayaan adeegsaday  oo  iri: “ war haye”. Jawaab ima aysan siin, malaheyga  ima aysan maqlin. Warkoodii  baan  dhageystay, dhagteydana waxaan dhibic ku siiyay, warar khiyaali ah oo  midba  dhankiisa  ugu  hadaaqayay. markiiba  waxbaa  igu  yidhi  fako  raggu wey  ku dili rabaane.  Fagatax  ka  fatuurad!

Socodaalkii kama  aanan nasan illaa  aan arkay  dhallinyaro meel ku  shawreysa, “laydi salaan” baan idhi. “  lagaa  qaad  kaabe, soo dhawoow” baa la iigu  jawaabay.  Farxay oo maleeyay  inay yihiin kuwii  aan  raadinayay. Kaftan iyo  hadallo  aan  fahmi waayay baa  raggu  watay,ma joojin  ee  waa lasii watay. Dhowr daqiiqo dabadeed bay  I weydiiyeen “ hablaha ma xod-xodataa”? “  nimanyahow  anigu  iminka  guur  diyaar  uma ihi,mar haddii ay sidaa tahay, maxaan  ka  faa’iidaa  shukaansigooda”.
Kkk.kkkkkkkkkkkkkkkk
Raggii  oo dhan baa  mar qura  qoslay.  Tolow  ma aniga  ayaey  igu  qoslayaan!
“ War heedhe,miskiin baa  tahaye, maxaa  guur  ku gaarsiinaya, iminka  hablaha shukaanso, oo  tii  kula  qurxoonaata  ballanso”. Talo bay  iyagan ka tahay, aniga se, dacar  bay  igala qaraartahay.  Ballanso  kulahaa, oo  kadib  maxaa la qaban? Anigu  mugoo  warkaas  uma bogin. Si hoose  baan iskula  hadlay.  “  oo, saaxiibayaal  adinku  ma sidaas baa  sameysaan”?  si lama filaan ah bay  su’aashaas  iiga timid. “Maxaan kaloo  ka shaqeysanaa?  Intaan ballansanno  baan  bogga  uga  dhacnaa e”.  yaah!  Kuma  jiro   anigu.  Baan  I dhi.  “  wajigeyna  ka beyr  gabdha  shaneeya  baa  tahaye”  bay  yiraahdeen.

Dhaqaaqay,  masjidkii  baana  u socdaalay  madaama, waqtigii  salaada  la gaadhay. Dhalinyaro  badan baa  jardiinada  fadhisa.  Ma  feybuug  bay  ku jireen mise  jaambiyoonkii  xalay  bay  faaqidaayayaan?  Aan  ku baxo  si  aan salaadda u wada  aadno.  Saaxiibayaal  sow  aqinkii  salaada  ma yeedhin  maa ina keentaan  aan salaadda  dukannee  baan  ku idhi.  “ Salaadda  ma adigaa  nagu leh “ bay  iigu  jawaabeen.  May. Alle weyne, baa  dhammaanteen  nagu  waa jibiyay. “ Ninyahow, buuqa  nagala kortag. Anaga halkaan waxaa  naga wadi waayay kuwii  tabliiq  lagu  sheegi  jiray e”  bay  iiga  naxsadeen.  Oo  hadda  salad  dukanmeysaan miyaa? Baan idhi.   “ Waxaas oo  kale  waa  kuwa  dadka  qarxinaya…” mid  is careysiinayay  baa  hadalkaas  igu yidhi.

Anigoo  la yaabban  diidmada  dhalinyarada  baa waxaa la soo  wacay taleefonkaygii.  eegay.  Waa  lambar  igu  cusub.  Halaw……
Daqiiqad  markii  uu ila hadlayay  buu  yidhi: “ walal, waxaa  lagaa  doonayaa  in  aad  ilaah  dartii  u shaqeysid…”  oo  maxaan  qaban?  “  .. murtidiinta,gaalada iyo kuwa  taabacsan  baa  wadanka  ka xureynee.”  Sidee ?  “  dee, noo imow, si  aad  u qaadatid  nadwo  istishhaadiyo  ah..”,  kadibna  maxaa  qaban?  “ mujaahid  baa  noqoneysaa”!  iminmaba jihad  baan ku jiraa, oo  hooyadey baan u adeegaa...,  “  war, waxaas  jihad ha ku sheegin, hooyadaa  cid  kaalmeysa  weyn mayso e, kaalay..” .Jaaw jaalle, anigu  is qarxin mayo e.

Agah!  Da’yartii  ma sidaa  baa  u danbeysay!  Oo  hadda  ku weebaan  saaxiib la noqdaa?
Ma kuwa  is qarxinaya? May. Sow ta  rabbi  xaaaraantimeeyay  in qofku  naftiisa gooyo. Ma kuwii  bilaa salaadda ahaay baan jardiinada la fariistaa?  Kuwasna  ha  igu  sheegin. Qof  dayacay  amaanadii  rabbi,sidee  baan  ula  saaxiibaa?!   Yaa  ka roon marka… kuwii  yidhi hablaha balanso  iyana ka waran?  Balaayo  idinla  saaxiibtay. Ma sheydaan baan  saaxiib  la noqon karaa. Sowta  ibliisku  yiri  kuwa  sineysta  waa  saaxiibadey. Kuwaasna  meel  iga dhig e, yaa haray?   Waaaw, rag baa  haray  wallee. Asxaabtii  tiri koox  u sacab tum!  Oo  miyey  I garanayaan  kooxahaas  aan  u sacab tumee?  U maleymaayo. Tolow  faa’iido  nuu cee  ah  baan  ka heli karaa  taageeridda  kooxaha  kubadda  ciyaara?   Acuudu billaahi ..  ma sheydaan baa  cariga  soo galay, faa’iido  bay  leeyihiin  baa  maqlay e.   Wax sidii  bahaaimka la kal  iibsanayo  in aan  waqti  ku lumiyaa  waa ii damiir  xumo.
*       Aniga  iyo  asaageey ……..,
*       isma  fahmi kareynee,
*       Noo  keena  turjubaan,

*       Hannoo kala dab qaadee.
          
      W/Q: maxamed jeyte.

No comments:

Post a Comment