SI
AAD CAAN U NOQOTID QOF CAAN AH CAAY!
Waa
qaacido lacanadan oo baal marsan sharciga ALLE iyo dhaqanka suuban ee Soomaalida.
Waa
dhaqan laga soo minguuriyay dad ay akhlaaqdu ka carawday misna aan haysan caqli
kaafiya. Waa marin habaabin qar iska tuurnimo ku salaysan. Waa hab-dhaqan bolol
ah oo loo ekeysiiayay xadaarad iyo
hormar la gaaray.
Insaanka
waa u dabci inuu jeclaado buunbunistiisa iyo sheeg- sheegidda samahiisa,
laakiin, waxaa shay cusub ah oo waliba in lala ashqaraaro mudan, in dad waaweyn
ay har iyo habeen waqti, maskax iyo maal ku bixiyaan sidii ay bulshada isaga
gadi lahaayeen jeer ayna dadka iyo dalkaba kusoo kordhin hal shay oo wanaag ah.
Qofka
waa u gunnimo, waa u cayb iyo sharaf darro inuu waqti ku bixiyo caannimo gacan
ku rimis ah kalkii uu naftiisa wax tari lahaa oo umadda shay anfaca isku
mashquulin lahaa.
Caan
waad noqon kartaa adigoo qofna caayin, adigoon ceebihiisa faafin, adigoon
sharaftiisa ku xad-gudbin,……,
Casrigaan
la joogo oo ay ummaduhu u tartamayaa sidii ay u hormari lahaayeen
kaaba-yaashooda dhaqaale,kor ugu qaadi lahaayeen aqoontooda culuumta kala duwan, oo ay u
hormari lahaayeen awoodooda iyo cududdooda ciidan, una heli lahaayeen maskax
faaruq ah oo ay gumeystaan, in aan annagu-na dhex muquurano bad-weyn khiyaali
ah oo aan laga bixin, waxay ku tuseysaa heerka aan kala joogno annaga iyo hormar. waxay daliil cad u tahay in ay nagu badan
yihiin shar wadayaal cadaw ah oo aan u diir naxay naftooda iyo ta guud ee
ummadda. Waxaa wax iska cad ah, in kuwa xumaan fallida caadeystay ay leeyihiin
awoodo ay ku fuliyaan rabitaanadooda carunka ah.
Dadka
kuwooda samaha jecel, wanaaga raba inuu sii ahaado mid jira, diinta iyo
akhlaaqda wanaagsan in la isku xukumo jecel waa kuwa aan lahayn awooddii ay ku
dhawaaqi lahaayeen. Dadkaas aad bay uga dharagsan yihiin in fallidda wanaaga
lagu kasbado liibaan iyo hormar adduun iyo mid aakhiraba, halka kuwa dibjirka
ah ay ka dharagsan yihiin in xumaanta ay falkinayaan aysan xasanaad ku helayn
haddana ay ku dhiiranayaan sameynta xumaan kasta. Waa laba koox aan isku war hayn
kuna kala socda laba tog oo aad u kala
durugsan.
w/Q; maxamed cabdi jeyte
sixitaanka : CabdicCasiis Shidane.
No comments:
Post a Comment