Wednesday, July 26, 2017

Dhugmo shiilis la'aan dhib badnaa

inta badan ma gorofeynnaa wax danteynu ku jirto.jawaabtu waa maya.in aad ka hadashaa baahidaada waxaa ka horeeya inaad garan kartid waxa aad dooneyso ee noloshaada lama huraanka u ah,taa ogaanshaheedana waxaa kaa cawin kara inaad leedahay garasho ku tusisa rabitaankaada saxda ah kaana weecisa humaaga beenta ah ee her iyo habiin kugu hor go'an,iyo inaad ku darsatid dhugmo shiilid si togan wax u taxliilisa si aadan ugu dhicin .
marka aad sifiican u dheehato waxyabaha baraha bulsha ka socda judhiiba waxad dareemeysa in inta badan somaalida isticmaasha aysan laheyn garaad shaqeynaayo.waa umad wixii loo keenaba qaata,qaadasho kaliya kuma slekaadaa waa la qeyliyaan.samaha oo la diidaa waa u astaan, sabab kalana u diidaan ee hebel oo ay necebyihiin baa wanaagsan fulinaya.umadda caykaas ah baa lagu leeyahay hormar ka sug!

wax halaaba mooyee
wax hagaaga ma oggola
Qaska way horseedaan
xanta waw hiloobaan
Guusha ay hufnaantiyo
Si haboon ku waayaan
xisti bay ku hooyaan
-abwan hadraawi.

"Umadaha kuwooda aan horay u soconi dib ayay u socdaan,kuwa dib u socdaana hoos ayay u gurtaan".sidaas waxaa buugiisa " Rise and fall of great powers" ku qoray poul kendy.
Iminka soomaalidu meel aan la aqoon ayay u socdaan.
Umad halbeegeedu yahay Qabiil xadaaradda aad baa ay uga fogyihiin la jaanqaadkeeduna waa ku dhib iyo dhagax laqid.

maxamed jeyte

No comments:

Post a Comment