Wednesday, June 22, 2016

Cashirka 5aad ee cilmi Baarista Baro

Darasada hadafkeedu waxa uu yahay in ay baarto sida caqabadaha horyaalo dowladda ay ugu horjoogsan karaan in dalka ay ka dhacaan doorashooyin. Daarasadu waxay baaraysaa sida ay u kala mudan yihiin in loo xaliyo dhibaatada inta waqtiga ka dhiman.

Su’aalaha cilmi baarista waxay laf dhabar u yihiin daraasadda. Waxaa haboon in si khoto dheer looga fakaro, maxaayeelay hadii su’aalaha cilmi-baarista ay khaldamaan waxay keeni kartaa in ay daraasada dhami wada khaldanto.
Dhinaca kale, su’aalaha cilmi-baarista  ee looraadinaayo jawaabta, waxay ka caawinayaan aqristaha in uu wax badan ka ogaado  mowduuca.
Qaar ka mid ah su’aalaha cilmi-baarista waxay diirada saran xiriirka u dhaxeeyo aragti (theory) qaarkale waxay ujeedadoodu tahay in ay su’aal iska waydiyaan  sidii ay u soo if baxi lahayd arakti cusub (new theory).  Inta badan ardayda Ph.D ayaa looga baahan yahay wax la xiriiro (theory). Ardayga diyarinayo (Degree ama Master) ee doonaayo in uu qoro booga qalin jabinta ma haboona in uu isku mashquulin (theory) iyo wixii la xiriiro.
Dadka qibrada u leh cilmi baarista waxay ku bilaaban cilmi baaristooda  su’aasha ay dadka kale jawaabta u raadinayan iyo su’aalo aan ilaa hada laga jawaabin. Su’aasha ugu fiican ee cilmi baarista waa mida dadka kale ay rabaan in ay ogdaan jawaabteeda, kana caawiso in ay fahmaan arinta mugeeda.
Waxaa jiri karo su’aalo ka dhaxguuxaayo maskaxda cilmi-baaraha una qalmo in loo raadiyo jawaab. Marwaliba waxaa loo baahanyahay su’aalo aan jawaabtooda la hayn  in ay ahaadaan su’aalaha cilmi baarista.

Waxaa xusid mudan in su’alaha cilmi baarista ay yihiin kuwa go’aamiyo habka loo ururinayo xogta (Research Method) sidoo kale su’aalaha waxay hagaan habka xogta loo faaqidaayo (data analysis).  Guud ahaan su’aalaha cilmi baarista waxay  u baahan yihiin in aad looga taxadaro. Marar badana waxaa dhacda  in wax laga badalo sida uu yahay qoraalka su’aalaha balse hadafku waa inuu ahadaa halkiisii.
Waxaa muhiim ah in la ogaado, su’aalaha cilmi baarista in aysan noqon kuwa laga sii jawaabi karo. Cilmi-baaruhu waa in uu ka fogaado su’aalaha  jawaabtooda la heli karo iyada oo aanan cilmi-baaris la samayn. Su’aalaha waa in ay ahaadaan su’aalo aan jawaab loo heyn ama aan loo heli karin ilaa laga sameeyo cilmi-baaris.
Waxaa haboon in cilmi-baaruhu  iswaydiiyo su’aalaha soo soocdo:-  Su’aasha xagee ka timid? ma waxay ka timid qoraaladi hore (literature) mise waxay ka timid dhinaca shaqada (Practical) ka? Su’aasha aad dooratay matahay su,aal ku haboon oo ay xiseeynayaan dadka ku xeel dheer mowduuca?  Su’aalahan mayihiin su’aalo xiligan taagan mise waa kuwa laga tagay? Waqtigan ma ku haboontahay in su’alahan laga jawaabo? Dadka cilmi-baarista maalgaliyo ma danaynaayaan in ay ogadaan su’aalahan jawaabahooda oo diyaar ma uyihiin in qarash ku bixiyaan? Su’aalahan horay jawaab maloogu raadiyay? Hadii horay looga raadiyay, ma jiraan su’aalo laga tagay oo u baahan in laga jawaabo? su’aalaha jawaabtoodu ma waxay buxinayaan boos kabanaan  tacliinta (academic)  mise boos ka banaan shaqada (Practical)?.
Su’aalaha cilmi-baarista waa waa in ay ahaadaan kuwo la maamulikaro (managable) oo ay san noqon su’aalo baxadoodu wayntahay. Su’aasha wa in ay san noqon mid la soo guuriyay (copy)  waa in ay noqoto mid aad adiga samaysatay oo aad jawaab ugu raadinayso dhibka aad aragtay. Sidoo kale waa in uu qoraagu iswaydiiyo, malagu helikaraa xogta su’aalahan waqti kooban iyo qarash kooban?.
Intabadan, su’aalaha cilmi-baarista waxaa haboon in ay san ka badnaan afar (4) maxaa yeelay Cilmi-baaraha waxaa laga donayaa in uu kawada jawaabo su’aalah marka ugu danbayso ee uu faaqido xogta uu soo ururiyay. Hadii cilmi-baaruhu uu ku guul dareesto in uu ka jawaabi waayo su’alaha cilmi baarista waxay ka dhigantahay in lagu guul dareestay hadafki cilmi baarista.
Ugu danbayntii, su’aalaha cilmi-baarista waaxa uu xiriir toos ah la leeyihiin hadafka cilmi baarista (Research objectives) Si fahanka u fududaayo casharka soo socdo waxaan ku soo bandhigi donaa tusaaloyin la xiriiro su’aalaha cilmi-baarista

No comments:

Post a Comment