Cilmi baarista iyo isgaarsiinta :
Cinwaanka waxaa uu door muhiim ah ka qataa isgaarsiinta cilmi baarista, mana’ahan akhtiyaar (optional) cinwaanka cilmi baarista. Waa qasab in cilmi baaris kasto in ay yeelato cinwaan u gaar ah.
Inta badan aaladaha casriga ah ee laga raadsho qoraalada sida Google ka iyo website yada, waxaay wax ku soo saraan erayada loo adeegsado cinwaanka. Dad badan ayaa doorashada ciwaanka cilmibaarista waxaa ay ula umuuqtaa mid iska fudud, balse waxaa uu wel wel badan ku abuura ardayga marka ugu horeyso ee uu bilaabayo cilmi baarista. Cinwaanka hagaagsani waxaa uu qayb wayn ka yahay tayada cilmi baarista, waxaa uuna micno u yeelaa guud ahaan cilmi baarista.
Cinwaanka waa waxa ugu horeeyo ee qofka aqristaha ah uu arkaayo. Waxaa loo baahan yahay in uu ahaado mid cad oo la fahmi karo. Jamacadaha qaar waxaa jiro gudi qiimeyo cinwaanada cilmi baarista, hadii ay ku qancaan cinwaanka ardayga waxaa loo ogoladaa in uu ambaqaado cilmi baarista, hadii kale dib ayaa loogu celiyaa ardayga ilaa uu kala yimaado cinwaan tayo leh oo loogu ogolado in uu cilmi baarista amaba qaado. Waxaa jiro talaaboyin farasameed la adeegsado oo maskaxda lagu haayo marka la qoraayo cinwaanka.
Cinwaanku waa in uu ahaado mid fudud, kooban oo soo jiidasho leh. Hadafka kowaad ee cinwaanku waa in uu bixiyo sharaxad kooban oo ku saabsan cilmi baarista waxa ay tahay. Ka dhig cinwaankaga mid kooban oo cad. Ka fogoow faahfaahinta aan muhiimka ahayn. Cinwaanka fiican waxaa waxaa uu udhaxeeyo 8-12 eray. Waxaa mamnuuc ah in cinwaankaaga uu ka badnaado 15 eray. Hadii ciwaankaagu noqdo mid iska dheraado, aqristaha waxaa uu luminaa hadafki cinwaanka. Sidaas darteed isku day in aad soo koobto adigoon luminayn hadafka cinwaanka laga lahaa.
Isticmaal erayo ku habeen in ay wax qeexaan (Descriptive words) cinwaanka fiican waa in ay ku jiraan erayo qeexayo deebacadaha cilimi baarista. Ka fikir isticmaalida erayada dadka ay ku raadinkaraan cilmi baaristaada marka ay Google laha isticmalayaan. Ka fikir erayada muhiim ka ah ee durbaba uu soo heli karo Google ka ee la xiriiro madada aad wax ka qorayso. Hadii aadan isticmaalin erayada muhiim ka, waxaa dhacayso in aqristayaal badan aysan helin xogtaada madama ay adagtahay in Google ka uu soo qabta (key words) ka cinwaankaaga.
Cinwaanka waa waxa ugu horeyo ee lagu soo bandhigo baraha waxa lagu baaro ee lo yaqaan (online ama digital library). Ogow hadii aqristaha uu soo jiito cinwaankaaga waxaa uu go,aan sanaa in uu wada aqriyo xogtaada dhamaanteed, taasina qoraaga waxay ka saacidaysa in la soo xigto qoraaladiisa oo la iibsado waxa uu qoro.
Ka fogow in aad u isticmaasho cinwaankaaga xarfaha lasoo gaagaabiyaya iyo erayo aan la garanayn waxa ay u taagan yihiin oo dadka ku adag in ay fahmaan (Jargon). Waa loo isticmaali karaa ciwaanka xarfaha qaar oo la isla wadayaqaan sida AIDS. Marwaliba waa muhiim in ciwaanka uu bixiyo dareen soo jiidasho leh marka ugu horeysaba.
6Sanad waliba waxaa la dabacaa kumanaan cilmi baaris ah. Cilmi baare walibane waxaa uu tartan xoogan ugu jiraa sidii cilmi baaristiisu oo ay noqonlahayd mida loogu aqriska iyo xigashada badan yahay.
Hadaba cinwaanku waxaa uu qayb wayn ka qataa suuq gaynta (marketing) cilmi baarista. Waxaa dhacdo mararka qaar in qoraagu uu ku guul dareesto in uu doorto cinwaanki ku habonaa cilmi baaristiisa. Hadii taasi ay dhacdo waxaay saameyn ku yeelataa tirada dadka aqrisanayo cilmi baarista, sidoo kale waxaa yarado dadk soo xiganaayo.
Cinwaanka wanaagsani waa inuu ku dhiiragaliyaa aqristaha in uu aqriyo waxa ku qoran gudaha. Dadka wax qora waqti badan iyo taxadar dheeri ah ayay ku bixiyaan cinwaanka.
Waxaa jiro sadex nuuc oo inta badan loo qoro cinwaanka, waxayna kala yihiin cinwaan wax qeexayo (descriptive) waxaa uu tilmamaa maadada cilmi baarista mana muujiyo waxa natiijo ah. Nuuca labaad waxbuu cadeyaa (declarative) waxaana ka muuqda erayo sharaxayo natijada cilmi baarista. Midka sadaxaad waxaa uu uqoranyahay qaab su,aal waydiin ah (question).
Marka laga soo tago sadaxdaas nuuc waxaa jiro karo cinwaano ka kooban labo qaybood. Tusaale ahaan cinwaanka waxaa u kubilbanaa su’aal gaab kadib waxaa racaayo ficil sameeyaha jumlada (subject sentence).
Waxaa kaloo jiro karo cinwaano kubilaawdo magac kadib ay raacaan labo dibcood (colon) iyo jumlad wax cadaynayso (declarative sentence) si kastaba ha ahaatee waxaa ugu mihiimsan sadaxdi aan kor ku soo sheegnay.
Marka la eego sadaxda nuuc, waxaa la bogaadiyaa oo la dhiiragaliyaa in cinwaanka uu ahaado nuuca looyaqaan (declarative) maxaa yeelay xog badan ayuu xambaarsan yahay oo markiiba aqristaha soo jiidan karo. Daarasad ay sameeyeen Jamali iyo Nikzad (2011) waxay ku ogadeen cinwaanda leh calaamatu su,aalka ama wata labo dhibcood (colon) in aysan helin xigasho badan.
Dhinacakale daraasad uu sameyay Dalmeet Singh Chawla (2015) waxaa uu ku ogaaday cinwaanada gaaban in ay ka aqris iyo xigasho badan yihiin cinwaanda dhaadheer. Waxaase in la xasuusto mudan in cilmi baaris kasto ay san cinwaankeda ku haboneen (declarative). Sidoo kale cinwaankasto lama gaabin karo. Nuuca cinwanka uu noqonaayo waxay ku xirantahay nuuca cilmi baarista iyo mowduca la baaraayo.
Guud ahaan in la fahmo qaabdhismeedka cinwaanka waa muhiim. Dadka ku xeldheer cilmi baarista waxay ka egaan cinwaanka doorsomayaasha kala ah (dependent variable) iyo (independent variable). Doorsoomayaasha waxaan uga hadli donaa casharada danbe insha allah.
Dhinaca kale, ardayga laga rabo in uu qoro buuga qalin jabinta, waxaa uu haystaa waqti kooban, waxaana laga yabaa in uusan haysanin qarash ku filan. Waxaa haboon in uu cinwaanka uu aad usoo koobo intii suurta gal ah. Dooro cinwaan aad shaqadiisa ku dhamayn karto waqtiga kooban ee aad haysato.
Muhiim ma ahan in aad xal uwada keento dhibaatada aduunka ka jirto oo dhan ee waxaa muhiim ah in aad inyar oo koban aad ku tabarucdo adigane aad ka qalin jabiso. Hadii aad ku adkaysato in aad cinwaan wayn qaadato ogow adigane ma qalin jabinaysid oo waqti waa kugu dhamanaa aduunyadina horay ayay usii soconee.
Ugu danbeeyntii, waxaa dhacda mararka qaar in marka ugu danbayo ee aad daafacanayso cilmibaarista la soo jediyo in ciwanka waxa laga badalo. Hadii ay taasi dhacdo waxba ha ka murugoon hadafki waa sidii lakin waxaa la badalaa eraybixinta (siiqada) ciwaanka uu u qoran yahay oo kaliya.
Lasoco casharo kale oo xiiso leh isbuucyada soo socdo
No comments:
Post a Comment