Tuesday, June 21, 2016

Casharka 1 Cilmi Baarista (Research methods



 21 june .Casharka 1  Cilmi Baarista (Research methods)

Cilmi baaris waa eray farsameed loo isticmaalo tacliinta sare gaar ahaan jaamacadaha. Sida ka muuqato eragya, waa labo eray oo isu tagay CILMI iyo BAARIS.
Sida dhabta ah ma jirto hal qeexid oo la isku wada raacsanyahay oo ay leedahay cilmi baarsitu, waxaase jiro qeexisyo kala duwan oo ay u sameyeen dadka ku xeel dheer cilmi baarista.  Casharkan waxaan ku soo bandhigi donaa qeexista kala duwan ee laga bixiyay Cilmi baarista.
Cilmi baaristu waa hab celimiyeeysan oo lagu baaro xogta uu leeyahay mawaduuc cayiman. Waxaa kaloo lagu qeexaa cilmibaaristu in ay tahay nidaam lagu raadinayo xaqiiq cusub oo lagu soo kordhiyo qayb ka mid ah cilmiga jiro.
 Image result for research
Qabiirada qaar ayaa cilmi baarista ku shegay in tahay nidaam lagu ogaano wax aan la aqoonin, sidoo kale waxa ku shegaan cilmi baaristu in tahay safar lagu daahfuraayo aqoonta dahsoon. Sidoo kale waxaa cilmibaris lagu shegaa in ay tilaabo kasto oo lagu doonaayo in lagu ogaado wax aan la ogayn natiijadooda.
Marka loo eego Clifford Woody, cilmi barista waxaa uu ku sheegay in ay tahay dhib jiro oo la ogaado, la saadaliyo xalka,  la sameeyo  xog aruurin ku saabsan dhibaatada, kadib xogta la falanqeeyo   ugu dabayntiina la isbar bardhigo wixi la saadaliyay iyo natiijada dhabta ah ee soo baxday xog ururinta.
Dhinaca kale D. Slesinger and M. Stephenson waxay cilmi baaris ku shegeen in ay tahay nidaam lagu balarinayo, lagu saxayo,  ama lagu xaqiijinaayo cilmiga jiro. Ugu danbayntii, cilmi baaristu, waa tabaruca asalka ah ee aqoonta jirta iyo in la horumariyo cilmiga.
Cilmi barista waa in la raadiyo runta iyada  oo la baarayo habnidam cilmiyeed  ah sida tijaboyin, waraysiyo, isbar bardhig iwm. Cilmi barista waa hab xal loogu helaayo dhib jiro oo taagan .

Hadafka laga leeyahay Cilmi baarista
Hadafka laga leeyahay cilmi baarista waa ay kala duwanaan kartaa, waxaase ugu muhiimsan in jawaab loogu helo su’ aalihi aan la aqoon  jawaabtooda iyo in la soo helo runta aan weli la ogaan  iyadoo lagu radinaayo hab  cilmiyeeysan. Sida aan horay u sheegnay, hadafka cilmi baarista waa uu kala duwanaan karaa, waxaase ugu waawayn hadafka qodobada soo socdo midkood.
  • In arin cusub loo baaro si qoto dheer wax badana laga ogaado (Exploratory Study)
  • In cilmi baaris lagu sameeyo dabeecada iyo xaalada, qof, koox ama arin (Describtive study)
  • In la daraaseeyo inta jeer ee wax soo noq noqdaan iyagoo xiriir la leh arin kale (diagnostic study)
  • In la tijaabiyo saadaal laga bixiyay xiriirka ka dhaxeeyo doorsoomayaasha ( Hypothesis testing study)


 Cilmi baaristu way nuucyo badan tahay wayna kala duwantahay. Inta aan la bilaabin cilmi barista waxaa haboon in la is waydiiyo.

Maxay tahay hadafka laga leeyahay cilmi baaristaan? Cutubkaani waxaynu ku soo bandhigidonaa  nuucyada cilmi baariseed kuwood ugu muhiimsan.

Cilmi Baaris Saafi ah (Pure Research)

Inta badan cilmi barista nuucaan ah waxaa loo sameyaa si loo ogaado xog aas aas u ah cilmiga Sayniska.  Marka la samaynayo cilmi barista nuucan ah, hadafku ma ahan in la adeegsado durbaba oo la dabaqo natiijadii  ka soo baxdo cilmi barista, ee hadafku waxa uu yahay in la hurumariyo cilmiga jiro, lacadeeyo lana sharaxo xiriirka ka dhaxeeyo  doorsoomayaasha (variables).

Hadafka cilmi baaristan waxaa kale uu noqon karaa in la hurumariyo fahanka aqooneed ee aanu ka haysano dunida aanu ku nool nahay.

 
Image result for research
 



Waxaa laga yabaa in uu qofka is waydiiyo, hadii aanan cilmi barista xal toos aha loogu raadinayn dhib jiro ama anan looga jawaabeyn su,aalo aan jawaab loohayn xiligaas.
Maxaan lacagy iyo waqti ugu luminaa, maxaanse isugu dhibaa?  Jawaabtu waxay tahay, cilmi barista  saafiga ah (Pure)  waxay aas aas u tahay cilmi barista oo dhan, waxayna  wadada u sii xartaa in la amba qaado waxa loo yaqaano cilmi barista la dabaqay (Applied Research) hadii aan la helin cilmi baaris saafi ah (Pure Research) way adkanaysaa in la amba qaado cilmi barista la dabaqo waana sil salad isku xiran.

Cilmi Baarista la dabaqo  (Applied Research)

Guud ahaan, cilmi barista la dabaqo waxa loo amba qadaa si looga jawaabo su, aalo aan jawaabtooda lahayn ama xal loogu keeno dhibaato jirto. Inta badan  hadafku waxaa uu yahay in wax la qeexo ee ma ahan in la curiyo. Cilmi barista nucaan ah waxaa aas aas u ah oo ay raad racdaa cilmi barista saafiga ah.  

Hadaba, su,asho waxay tahay.  Muxuu yahay farqiga u dhaxeeyo labada nuuc ee cilmi baariseed? Mida hore, waxay ka caawisaa adanuhu in uu wax badan ka ogaado dunida aynu ku nool nahay.

Halka cilmi baariska kale ay ka caawiso aadanuhu in uu xal ugu raadiyo dhib jiro ama su,aalo aan jawaab loo hayn.
  Qeybaha kale losoco .

No comments:

Post a Comment