Monday, September 12, 2016

Magaag mucaarad ismooday

Mucaarad matihid ee waxaa tahay magaaag'''

mucaarad marka maqashid waxaa laga yaabaa in qalbigaada ku soo dhaco "diidmo,dagaal,afgambi iwm.

Sidaas iyo si kalaba waxaa aaminsan dad badan oo somaali ah waliba qaar xog ogaalnimo  sheeganaayo .

waxeyba u'arkaan in mucaaradnimadu tahay in laga horyimaadan xaalad kasto oo marka taagan samaan iyo xumaanba

ma ahane waxksto oo dadtooda gaarka ah ka hor imaneyso iney iska diidan oo dab ku shidaan

waa mucaaradnimo

( duf ku baxa dadnimo yaraa).


Waxaa sanadkaan(2016) bilawgiisii somaaliya ka bilawday qolo mucaarad ah ... oo yaa lamucaaradaa ? waa la mayaqan .

Dano gaarabey leeyihin .

waxbey diidanyihin .

" anshax xumo , qabiileystayaal ,qaran dumis , Hantida qaranka oo la iibsado iyo kuwa kale oo badanba "

Waa astaanta lagu yaqaan mucaaradka ka jira muqdisho.

ku darsoo dhamaantood waa wada musharixiin oo madaxweynimo bey rabaan !

waa mucaarad dibad joog ah .

Tolow dalka maxaa u diiday ?

kolki layiraa doorashiiba soo dhaw bey soo tubeeyaan sidii ari har biyo loogu shubaayay....

Mid kamid ahna waligiis kun(1000 sh) shilin dalka kuma bixin waxa uu qaata mooyee

oo waa qaatayaal guud dhamaantod .

Qaar kamid ah waa is magaagixiyaan oo iyaguba waa ogyihiin in mucaaradnimadu sidan ahayn .

Qaarbaa dowladda ay mucaaradayaan la soo shaqeyay waaba badankoode

oo marki xilalka hayeen ayna umuuqan wax qalad ah 《 Adeeryaalow qalad aan jirin shalay markaa xilka hayseen hadda majiro .》.


        yaa inoo qeexaya mucaaradnimo


Mucaaradnimadu ma ahan in wax la dumiyo ee waa in lala yimadaa

Hab caawinaya sixida qaldaka jira

iyo ku toosinta tubta toosan .

Intaa waxaan ahayn mucaaradnimo ma ahan ee waa magaagnimo .

magaagnimo iyo madax adeegna waa tii qarankii dhumuca waynaa inaga dumisay.

Sabab la'aan iyo sabar la'aan waa fal shaydaan ee halaga fogaado.

Xasan iyo kooxdiisa aad modid inay turcayaana iyana hormar makeenin mana hayaan

waxaase kadaran xulufadaan xeer qabta aan lahayn .


Qormo haaf ah : maxamed jeyte

wixii qalad ah oo aragto adiguba sax


No comments:

Post a Comment