War-saxaafadeed
ka soo baxay Wasaaradda Waxbaxarashada Soomaaliya ayaa lagu shaaciyay
natiijada imtixaanka dugsiyada sare ee dalka.
Guud
ahaan imtixaanka ayaa u fariisatay arday gaareysa 11574 iyadoo ay
gudbeen arday dhan 10104 arday. Hase yeeshee imtixaankan ayaa waxaa ku
dhacay arday gaareysa 1470arday. Ardayda labka ama wiilasha ah ee
dhacday ayaa ah 981, halka ardayda dheddiga ama gabdhaha ah aysan gudbin
489arday.
Wasaarada
waxbarashada ayaa soo bandhigtey shax ay ku qoran yihiin magacyada
tobanka arday ee ugu sareysa imtixaanka iyadoo ardayga ugu dhibcaha
sareeyay ay noqotay gabar wax ka barata dugsiga Macalin Caddow oo ku
yaal magaalada Muqdisho. Gabadhan oo la yiraahdo Safiyo Shuceyb Cismaan
ayaa ku gudubtay derejo dhan 94.4%. hase yeeshee saddexda arday ee ku
xigta derejo ahaan ayaa ah kuwo wax ka dhigta dugsi ku yaal degmada
Cabudwaaq ee gobolka Galgaduud.
Ardayga
gobolka Sh/dhexe ee imtixaanka u fariisatay ayaa guud ahaan tiradoodu
waxa ay gaareysay 299 arday waxaana ku gudbay imtixaanka 297 arday
iyadoo labo arday wax ka barata dugsiyo kuyaal magaalada Jowhar ay ku
dhaceen imtixaanka.
Hase
yeeshee gabdhaha wax ka barta dugsiyada magaalada Jowhar ayaa natiijo
wanaagsan ka keenay imtixaanka iyadoo tobanka arday ee ugu sareysa afar
kamid ah ay yihiin gabdho.
Ardayga
kaalinta 1aad ka galay dugsiyada magaalada Jowhar ayaa waxa uu yahay
Sakariy Cabdfatax Axmed khalif oo dhigta dugsiga Shiikh Xanafi 89.3%
halka uu kaalinta 2aadna ka galay Cabdraxmaan Haaruun Isaaq oo wax ka
barta dugsiga Sh.Xanafi waxana uu helay 89.1%
No comments:
Post a Comment