Facebook Messenger oo laga helay ciyaar (Game) si qarsooni ah ugu jirta
Facebook Messenger oo laga helay ciyaar (Game) si qarsooni ah ugu jirta.
Shirkada Facebook waxay usaamaxday isticmaalayaasha App keeda loo yaqaano Facebook Messenger inay ku ciyaarikaan game ka loo yaqaano chess oo si qarsooni ah ugu jirtay Facebook Messenger ka muddo badan balse shirkadu aanay ogaysiin isticmaalayaasha App kan.
Ciyaartan oo qofkastaa la ciyaari karo qofkuu doono ayaad la bilaabi kartaa sxb kaa adigoo kudhufanaya qofkaad doonto inaad la ciyaarto kadibna ku qoraya halka fariimaha laga diro @fbchess play.
Si aad dhagaxa ugu dhaqaajiso afargeeska E4 waxaad qoraysaa @fbchess Pe4 tusaale ahaan. Si aad wax badan u barato erayada la qorayo waxaad ku qortaa meesha fariimaha @fbchess help.
Dhagaxaanta hadaynu ka tilmaamno qaar kamid ah magacaantooda waa:
K oo ah boqorka.
Q oo ah boqorada.
B oo ah maroodiga.
N oo ah faraska
R iyo P oo ah Rook iyo Pawn.
Sidoo kale waxa jira erayo badan oo qarsoon oo ay ka midyihiin @fbchess resign si aad u joojiso ciyaarta, iyo erayga @fbchess stats si aad u eegto dhibcaha adiga iyo saaxiibkaa ku kala sarayseen, iyo erayga @fbchess play white ama @fbchess play black si aad kalarada( colors ) u badbadasho.
Waxa la tilmaamay inaan la ogayn xiliga Facebook ay kusoo dartay Messenger ka ciyaartan, balse website ka ay ku doodaan bulshadu ee la yidhaa Reddit waxay sheegeen in ay jirtay ciyaartani ilaa December tii la soo dhaafay.
No comments:
Post a Comment