Monday, June 27, 2016
Cashirkii 6aad ee Cilmi Baaris Baro
Doorashada Horojogaha Cilmi-barista (Selecting a Supervisor) Ardayga diyaarinayo buuga qalin jabinta waxaa uu u baahanyahay cid hagta oo qibrad u leh cilmi-baarista iyo madadda uu wax ka qorayo.
Horjooguhu ama supervisor ku waa muhiim in uu ahaado qof aqoon u leh maadada horayna ugu soo bixiyay casharo la xiriiro maadadda. Waxaa muhiim ah in ardaygu uu ogaado, macalin kasto oo maadada sifiican u baro una sharaxo ma ahan horjooge ku fiican cilmi-baarist, sidaas si la mid ah, horjooge kasta oo ku fiican cilm-baarist kuma fiicna barista.
Xirfada barida iyo xirfada horjoogida cilmi-baarista way kala duwan yihin. Macalinka waa uu ku fiicnan karaa barida wana ku lidan karaa horjoogida, si lamid ay noqon kartaa cagsigeeda.
Arday waliba waxaa uu jecelyahay in uu helo hoorjooge fican oo ka caawiyo nidaamki uu wax u qori lahaa, sidaas si la mid ah ayuu horjooge walibane u jecel yahay in uu helo arday wanagasan oo wixi loo diro ka soo bixi karo. Ogow horjoogaha waa lataliye oo kaliya shaqada asaga uma taalo ee waxa u talaa ardayga. Inta aadan dooran horjoogaha,
waxaa haboo in aad marka hore aad la kulanto ardayda uu horay horjooge ugu soo noqday. Isku day in aad wax ka ogaatid sida uu ardayda u hago. Hadii jawaabaha ardaydii hore ku siyeen aad ku qanacday balan qabso aad kula kulanto horjoogaha kadibna u sheeg oo ka dhaadhacsii nuuca cilmi-baaris aad damacsantahay iyo hadii uu kaa ogolaan karo in uu ku hago. Waxaa laga yabaa in kugu gacan seero hadii fursadiisa yartahay ama uusan danaynayn moowduuca aad rabto in aad cilmi-baarista ku samayso.
Sidee baan ku ogaan karaa horjoogaha fiican? Ma jirto hal jawaab oo sax ah, balse waxaa jiro astaamo lagu garto horjoogaha fiican, waxaana ka mid ah:- In si dhaqso leh uu uga soo jawabo su,aalaha iyo talooyinka uu waydiiyo ardayga iyo sida uu u siiyo ardayga rayi wax ku ool ah uu horay ugu socon karo. Yaysan ku cajab galin horjoogaha inta jeer uu lakulmo ardaydiisa, haku cajabgaliso, mudadda uu kusoo jawabceliyo marka qoraal uu ardayga u dhiibo.
Inta badan ardayda waxay ka cawdaan in horjoogaha uu san durbo u soo jawaabin taasna waxay sababtaa in ardayga uu talaabo qaadi waayo maadaama uu san haysan jawaab uu ku howlgalo. Waana caqabada ugu badan ee dib u dhigto ardayga, maxaa yeelay horay uma socon karo oo ma’ogo wixi hore uu qoray in ay saxan yihiin iyo in kale. Marka aad ayay muhiim u tahay in horjogaha goor hore uu ka soo talo bixiyo, si hadii qalad jiro ardayga uu u sixo hadii kalane uu horay ugu socdo.
Dhinca kale, waxaa dhacda in ardayda jaamacada ay culeeska wada saraan ha lama labo horjoogo oo ay u arkaan in ay yihin dad qabiir ku ah cilmi-baarista. Waxaa xasuus mudan in la ogaado dadka ku xeel dheer cilmi-barista waxay ka shaqeyaan cilmi baarisyo caalami ah, waxaa laga yabaa in ay waxbadan safraan oo aad ku wayso fursado aad kula kulanto.
Sidoo kale horjoogayaasha qabiirada leh waxaa loo xilsaraa shaqooyin badan oo ka mid tahay in ay dajiyaan siyaasda iyo in ay qayb ka noqdaan maamulka sare ee jamacada. Marka horjoogaha uu hayo shaqoyinka badan, ardayga uma ahan mudnaanta kuwaad oo waxaa uu mudnaanta leh shaqooyinka kale. Taasina waxay kenaysaa in uu ardaygu uu uga lumo waqti badan sugida jawaab ka helida horjoogaha.
Hadaba sidee haboon? Waxaa haboon in aad doorato horjooge madada aqoon u leh, horay aanan u hagin arday badan balse ay ka go,an tahay in uu kucaawiyo, horjoogaha nucaasi ah waxa uu isku taxalujinaa in uu soo saaro arday iyo qoraal tayo leh. Ardayguna waxaa uu fursad u ehelaa in uu u dhawaado horjoogaha.
Ogow horjoogaha cilmi-baarista waa shaqsiga aad isla qaadan doontaan waqti badan iyo shaqo badan. Horjoogaha waa uu kaaga duwan yahay macalimiinta jaamacada ee casharka aad ka qaadan jirtay mudada kooban adiga oo ku dhaxjiro arday kale. Waa muhiim in aad tixgalin dheeri ah siiso, waa in aad u dhagaysato si nugul una dabacsanaato hadalkiisa, waxa uu kuu sheego u qaado siday ay tahay. Hadii ay jirto waxyaabo aad ku kala arakti duwan tihiin si tartiib oo xushmad ku jirto ugu sheeg.
Hadii aad hayso qoraalo cadaymo muujinaayo waxa aad ku doodayso si tartiib ah u tusi qoraal ahaan ugu so gudbi. Hadii uu kaa diido tiisa raac taada ha raacin. Hadii taada aad raacdo wixi kayimaado oo qalad ah adiga ayaa dusha saaranaayo asagane indha ayuu kaa firsanaa, arintaasna adiga ardayga ah ayaa ku dhibqabo.
Waxaa dhacdo in arday ay isku dhacaan horjoogaha oo ay ka badashaan. Raadinta horjooge cusub waxay u baahantahay wakhti, waxay u baahantahay in horjoogaha cusub laga dhaadhacsiiyo wixi aad soo qabatay. Waxaa laga yabaa in uu ku yiraahdo wixi hore waxba kama jiraan waaye ee Zero ka soo bilaaw. Amaba uu ku yiraahdo waxayaabo badan badal oo falkaaga aad dib ugu laabato. Inta aad ka fogaan karto in aad iska badasho horjoogaha ka fogow, dulqaad yeelo, maalinba horjooge cusub hortiisa haka soo jeedin.
Ugu danbaynti, sida haboon in aad ula dhaqanto horjoogaha. Somali waxay tiraahdaa “dantaada masalo eey ayaa loogu jiiftaa” Marka aad la kulanto horjoogahaaga si dirran u salaam, marka aad la soo xiriirayso oo aah email ama sms u soo dirayso isticmaal qoraal si taxadar leh loo qoray, iska ilaali in aad horjoogaha kula hadasho hadalada suuqa ama ciyaalka xaafadda, haka iloobin in aad magaciisa ka soo hormariso Title kiisa sida Dr. Prof. IWM.
Hadii aad balantaan waqtiga ilaali excuse ka yaree. Marwaliba tusi xushmad, dhago fudeed iyo weji furan. Ulama jeedo markaad xushmeeyso howsha ayuu kuu qabanaa. Shaqada adiga ayay kuu talaa, adiga ayay kaaga xiran tahay in aad qalin jabiso oo aad shaqo ku doonato shahaadada. Fadlan ha sugin in horjoogaha uu shaqada kuu qabto oo uu kuu soo download gareeyo file ka aad u baahan tahay oo uu kuu qoro.
Sidee loo qoraa Su’alaha Cilmi Baarista ?
Su’alaha Cilmi-baarista (Research Questions) Marka la qoraayo su’aalaha cilmi-baarista micnaheedu waxaa uu yahay waxaad haysaa wax aad daraasad ku samayso.
Waxaa muhiim ah in aad iska hubiso in ay su’aalaha ay yihiin kuwo laga jawabi karo oo aan baaxadooda wayneen, sidoo kale waxaa haboon in aad iska hubiso in baaxadooda aysan aad u yareen.
Ma haboono in la qoro su’aalo jawaabteedu tahay HAA iyo MAYA. Su’aalo fiican oo la is waydiiyo waxay kenayaan cilmi-baaris wanaagsan. Ogoow jawaabta su’aalaha waxay noqon donaan bayaanka cilmi-baaristaada ama waxay looyaqaan (thesis statement) qaybta hoose waxaan ku soo badhigi donaa tusaalooyin la xiiiro su’aalaha cilmi-baarista.
Tusaalaha kowaad:
Cilmi-baare ayaa yiri waxaan barayaa sababta baraha bulshada ee internet ka ay u yihiin qatar isticmaalkooda? Su’aasha nuucaan ah macada. Marka hore ma cayimayso baraha bulshada nuuca ay yihiin, sidoo kale nuuca qatarta lama sheegin.
Waxaa haboon in looqoro sida soo socoto: Sidee dadka isticmaalo baraha bulshada sida Facebook iyo Twitter u wajahdaa qatarta la xiriirta ilaalinta sirtooda (privacy).
Marka aad eegto tusaalaha labaad waxaa uu natusayaa nuuca qatarta, nuuca baraha bulshada iyo walibda dadka qatarta ku sugan oo ah isticmaala yaasha. Su’aalaha cilmi-baarista waa in ay tilmaamaan xiriirka ka dhaxeeyo doorsoomayaasha (variables) iyo in la donaayo in la tijaabiyo nuuca xiriir ee ka dhaxeeyo doorsoomayaasha in uu yahay togan ama taban (positive or negative)
Tusaalaha Labaad:
Raga maka caqlibadan yihiin dumarka? Su’aasha nuucaan ah waxay xadaynaysaa doorsoomayaasha la rabo in la cabiro: Jinsiga iyo Caqliga, lakin, weli macada sida lagu qiimaynaayo: Habkee (method) lagu qexaa cabirka caqliga? Waxaa haboon in loo qoro sida soo socoto: Miyay raga da’doodu u dhaxayso 18-35 helaan tiro (score) ka sareeyo dumarka da’doodu u dhaxayso 18-35 marka la maraayo imtixaanka garaadka caadiga ah? (standardized intelligence test.) Marka aad eegto nidaamka loo qoray su’aasha labaad, way ka faah faah santahay mida hore.
Waxaa lasheegay halbeega lagu cabiraayo caqliga iyo walibta da’da oo ay iskaga mid yihiin raga iyo dumarka. Waa muhiim in ay su’asha cilmi-baarista ay dhameestirnaato.
Tusaalaha Sadaxaad:
Sanadihii la soo dhafay waxaa cirka ku shareeray xiisada ka taagneed badda Somaliya gaar ahaan arimaha la xiriira burcad badeedka iyo maraakiibta sharcidarada ku isticmaalo badda Somaliaya. Arinta burcad badeedka waxay noqotay mid soo jiidatay indhaha caalamka.
Arinta waxaa ka hadlay oo cambaareyay wadamo badan, haba ugu sii badnadaan hay’adaha iyo wadamada daneeyo arimaha Somaliya. Waxaa la qaaday talabooyin wax looga qabanayo qatarta burcad badeedka. Su’aal la xiriirto cilmi-baaris ayaa u qorneed sida soo socoto:
Caalamka sidee ayay uga hortageen la dagaalanka burcad badeedka?
Makra aad u fiirsto su’aasha baaxadeeda waa wayntahay, mana cayina. Tusaale, caalamka waa waynyaha waxaa loo baahan yahay in hoos loogu soo dago kuwa aadka u daneeyo arimaha Somaliya. Sida ay ku haboonaan lahayd in loo qoro waa sidan: Talabadii America ee la dagaalanka burcad badeedka Somaliya ma noqotay mid dhaxal gal ah?
Dhinaca kale waxaa kale oo xusid mudan, in cilmi-baarista ay noqoto mid tayo ama tiro (Qualitative or Quantitative) waxaa sabab u noqon karo su’aalaha cilmi-baarista. Marka laga hadlaayo qualitative, cilmi-baaraha waa in uu isticmaalo su’aal waydiiye yaasha kala ah Sabab iyo sidee. Tusaale: Sidee alaabta cusub ee shirkada soo saartay ugu guulaysan kartaa suuqa? daraasada nucaan ah waxay noqonaysaa qualitative.
Dhinaca kale marka cilmi baaraha uu isticmaalo su’aal waydiiye yasha kala ah Imisa iyo goormee. Daraasada waxay noqonaysaa quantitative. Tusaale: Imisa ayay ku qadankartaa in alabta cusubi suuqa gasho? Jawaabta waxay noqonaysaa quantitative.
Ugu danbaytii, su’alaha cilmi-baarista waa in ay ahadaan kuwo u qalmo in la baaro, kuna tabarucayo in wax lagu soo kordhiyo cilmiga jiro iyo in ay qayb ka noqdaan horumarinata xalada bini aadanka.
Dabeecadaha lagu aqoonsado su’aalaha wanaagsan waxaa ka mid ah:- waa la daraaseen karaa, waa su’aalo la fahmi karo, waa su’aalo muhiim ah, waana su’aalo ilaalinayo anshaxa iyo asluubta cilmi-baarista.
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment