inta badan ma gorofeynnaa wax danteynu ku jirto.jawaabtu waa maya.in aad ka hadashaa baahidaada waxaa ka horeeya inaad garan kartid waxa aad dooneyso ee noloshaada lama huraanka u ah,taa ogaanshaheedana waxaa kaa cawin kara inaad leedahay garasho ku tusisa rabitaankaada saxda ah kaana weecisa humaaga beenta ah ee her iyo habiin kugu hor go'an,iyo inaad ku darsatid dhugmo shiilid si togan wax u taxliilisa si aadan ugu dhicin .
marka aad sifiican u dheehato waxyabaha baraha bulsha ka socda judhiiba waxad dareemeysa in inta badan somaalida isticmaasha aysan laheyn garaad shaqeynaayo.waa umad wixii loo keenaba qaata,qaadasho kaliya kuma slekaadaa waa la qeyliyaan.samaha oo la diidaa waa u astaan, sabab kalana u diidaan ee hebel oo ay necebyihiin baa wanaagsan fulinaya.umadda caykaas ah baa lagu leeyahay hormar ka sug!
wax halaaba mooyee
wax hagaaga ma oggola
Qaska way horseedaan
xanta waw hiloobaan
Guusha ay hufnaantiyo
Si haboon ku waayaan
xisti bay ku hooyaan
-abwan hadraawi.
"Umadaha kuwooda aan horay u soconi dib ayay u socdaan,kuwa dib u socdaana hoos ayay u gurtaan".sidaas waxaa buugiisa " Rise and fall of great powers" ku qoray poul kendy.
Iminka soomaalidu meel aan la aqoon ayay u socdaan.
Umad halbeegeedu yahay Qabiil xadaaradda aad baa ay uga fogyihiin la jaanqaadkeeduna waa ku dhib iyo dhagax laqid.
maxamed jeyte
Wednesday, July 26, 2017
Thursday, June 8, 2017
15 qarni ka hor w/Q: cabdicasis guudcadde
Fekradda iyo cidda fekraddaa ayidsan, cidda ayidsan baa muhiimad wayn leh. Fekradina ma taabo gasho hadday waydo ruux ama raxan fidisa, u hadasha, difaacda, isla markaana aaminsan ilaalinayana.
Markaynu u nimaadno diinta Islaamka, qofka Muslim ka ah ee ictiqaadsan diintu wuxuu leeyahay mudnaan aan la yaraysan karin. Eebbe si uu u muujiyo kaalinta ay Muslimiintu ku leeyihiin hana qaadka fidinta diinta Islaamka ayuu nebiga NNKH ugu manno sheegtay in uu ku badhi taaray hawl galkii rasuulka asxaab diran oo darban, waxaanu yidhi الآنفال:62(هُوَ الّذي أيّدَكَ بنصرِهِ وبالمؤمنين) – “(Eebbe) waa ka kugu taageeray gargaarkiisa, iyo (gargaarka) Mu’miniinta”. Aayaddan waxaynu kala soo dhex bixi karnaa in awoodda diinta haysa hinjinaysaana ka timi xagga Eebbe, balse ay fuliyeen sababtiina ay yeesheen dadkaa aaminsan fekerku, oo ay u hagar baxeen, la’aantoodna ay adkaan lahayd in farriinta diintu siddaa geedkaa muuqdo gaadho. Markaa, miyaynaan dhihi karin shakhsiga Muslimka ahi wuu ka miisaan culus yahay, ka na muhiimsan yahay inta uu isu haysto?
Odhaah xikmad iyo xeelad durugsani cimidh ka tahay oo laga dhaxlay aqoonyahankii Maxamed Al-qasaali ayaa ahayd (الساجد قبل المسجد) – “Ka sujuudaya (dhisiddiisa) ayaa ka horraysa meesha lagu sujuudayo (dhisiddeeda)”. Aynu isku dayno in aynu soo dhawayno fahanka iyo farriinta weedhan. Tusaale ahaan, haddii halkii kiiloomitir ee isku wareeg ahba, “1km2”, laga bineeyo boqol (100) masjid, lagana waayo intaasoo masjiid cid soo camirta oo ku tukata, iska daa wax kalee xitaa la waayo cid ka eedaanta, tujisa ama tukata, adaan kuu dhiibee ma waxay boqolka masjidba isu beddelayaan Baytul macmuur oo Malaa’igbaa inta oo ay is xilqaamaan innaga furanoo ku tukan? Jawaabta ayaan kaa sugayaa dee… “Maya ma dhici doonto” ayaa laga yaabaa in aad war celin ahaan u haysid. Waana runtaa. Masaajiddadaasi way iska haawanaanayaan, laakiin micnuhu maaha masaajidka dhisiddiisu waa tacab khasaar, ee waxaa meesha ka maqan ku xisaabtankii lagu xisaabtami lahaa in fekradda loo diyaarsho cid xambaarta. Waxaa kaloo la kiis ah ninka ku doodaya dalku muu horumaro ee aan ka fekerayn mar keliya waar waddanka horumarkiisa u kaadiyoo waddaniyiintii aaway horumarintoodii? Muhiimadda koowaad waxaa iska leh qofka, marka la helo qof hagaagsan, qoys hagaagsan baa soo baxaya, ka dibna qaran hagaagsan, illaa heer laga gaadho ay soo baxaan quruumo wada hagaagsan, aas aasku se waa qofka. Diinta Islaamku iyadu asal ahaanteeda waa nadiif waana fadhidaa umana baahna in tiirarkeeda qaarkood wax ka beddel lagu sameeyoo sidiiyoo uu xar galay, balse waxay u baahi qabtaa Muslim dhisan oo laylsan una bisil in uu diintiisa meel kasta, bari iyo bogox ba kala dhaco, faafiyana.
Waxaa inoo cad in qofka fekerka sidaa muhiimad intaa leeg leeyahay. Waxaa kaloo inoo cad in uu Eebbe kitaabka Qur’aanka kariimka ah ku soo koobay gudihiisa wax allaale iyo wixii aqoon sheegta, oo uu buuggani ka soo daba iyo horka wareegayo dunida horteed, dunidan; wax dhacay, wax dhacaya, wax dhici doona, wax dhici kara iyo wax aan dhici karinba iyo dunidan dabadeed; Aakhiro.
Aqoonta kutubkan barakaysani koobsanayaa waxay isugu jirtaa laba:
- Aqoon kitaabka dhex yuururta; oo uu si daahira uu inoogu soo gudbinayo, waxaana u badan axkaamta cibaadada. Iyo
- Aqoon kitaabku farta ku fiiqay; oo si dadban kitaabka looga soo dhex dhiraan dhirin karo iyadoo lagu dabbaqayo caqliga aadamiga, loona fahmayo aayaadka si qoto dheer.
Waxyiga, marka si kale loo fiiriyo, ayaa isna laba noqon kara:
- Waxyi qoran; oo akhrin lagu heli karo, kitaabka iyo sunnadana ku sugan. Iyo
- Waxyi qodban; oo la soo dhambalan karo, koonkana ku sugan.
Laba labadaa soo arki maysid? Qofka Muslimka ahi markuu u kuur galo, qur’aankana u akhriyo sidii oo uu isaga ku soo degay; u fiiro lahaado, iskuna taxallujiyo ku dabbaqidda aayadaha adduunkan u muuqda, waxaa hubanti ah in ruuxaasi nolol maalmeedka adduunyo iyo ajarka Aakhiroba gacanta ku dhigi doono.
Kitaabkan Qur’aanka ah wuxuu Eebbe ka marag kacay in aanu waxba ka tegin oo uu ku soo wada koobay, ilaalin doonana, oo aanay dhici doonin in wax ka beddel iyo kaabis lagu sameeyo, umaba baahnee. Wuxuu kale oo Alle qiray in kitaabkani yahay mucjiso Nebiga NNKH u ah summad. Nebiga laftarkiisu wuxuu xusay in kitaabkan cajaa’ibta iyo mucjisooyinkiisu dhammaad lahayn inta nolosha ka hadhsan, waxaanu xadiis ku yidhi (لا تَنغضي عجائبه) – “Ma gudhaan la yaabbadiisu”. Oo uu ka wado in uu kitaabkani, isagoo kaashanaya sunnada, la jaan qaadi karo goob kasta iyo goor kasta, geli karana gar kasta, goyn karana go’aan kasta.
Waxa kale oo isna jirta in aqoontan aynu sheegayno in Qur’aanku xambaarsan yahay badankeeda uu daah saaran yahay, maalin kastana wax hor leh oo hore u qarsanaa, dhanka aadamaa ka qarsoonaa, la soo ban dhigayo, iyada oo ay jirto xikmad uu Alle ka leeyahay arrinkan, taasi oo ah in uu sii xoogaysto aaminidda la aaminsan yahay in uu xaq yahay hadalkani. Eebbe ayaana midhkaa ayidaya mar kuu leeyahay
(فصلت:53) [سنُريهم آياتِنا في الآفاق وفي أنفسهم حتى يتبيّن أنّه الحق] – ”Waxaannu ka tusi (Gaalada) tilmaamahayaga (aayaadkayaga) koonayaasha iyo nafahoodaba, illamaa ay ka caddaanayso (Waaba caddahaye ay ka qirayaan) in uu hadalkani xaq yahay”. Halkaa waxa ka cad in uu Eebbe ugu talo galay in aqoono badani qodbanaadaan oo ay ku noqoto aadanaha hal xidhaale lagu jirrabayo bal in ay isku dayaan raadin hal furayaashii. Mar kale waa ka Alle inagu caddaynaya in aynaan wax cilmiya oo sidaa u sii buuran, oo aynu isku xariifinno lahan, waa ka yidhi Alle
الإسراء:85(وما أوتيتم من العِلمِ إلاّ قليلاً) – “Aqoontaba in yar baa la idin ka siiyey”.
Waxaad xasuusta dib ugu celisaa, bilawgii qoraalkeenna waxaynu soo nidhi “Fekradda iyo cidda fekradda sidda, cidda fekrada siddaa muhiimad leh”, ii xasuusnoow, fadlan, iyadaan u socdaaye.
Aqoontaa uu kitaabku tilmaamay, ee aynu ula soo baxnay “Aqoon uu kitaabtu farta ku fiiqay”, ee “qodban” koonkana ku saabsan, dhiraan dhirintana u baahan, waxaa la arkaa in muddooyin kii ugu danbeeyay in Saynisyahanno aan badidood Muslim ahayni daah furayeen kana dhigayeen in ay wax cusub ikhtiraaceen, dabcan daahay ka faydeen laakiin iyagu ma aysan abuurin, oo aan aniga iyo adiguna markasta oo aynu wararka caynaddaas ah maqalno kaga jawaabaynay “15 qarni ka hor, ayaa annaga la noo sii sheegay waxan aad iminka xayaysiinaysaan. Qur’aankayaga ama xadiis hebel ayaanay ku taallaa”! Waa runteen oo waa tabnigaa aynu u dhignay, 15-kaa qarni ka hor baa waxan oo idil aynu haynay, balse maxaynu u soo shaacin waynay? Bal is waydii, Maxaynu innagu cilmigaa ugala soo dhex bixi waynay kitaabka? Maxaa innaga dhigay af ka nool itaal baranbaro, ee aynu halkii aynu shaqada ay rag qabteen leenahay waannu sii haynay, ugaba furan waynay hawshaa ka gashayoo ugusoo ban dhigi waynay?
Qur’aanka marka aynu akhrinayno bal u kuur gal, sababta UGU WAYN ee aynu u akhrinaa waa maxay? … “Toban wanaag baan ka helayaa xarafkii kasta ee aan akhriyo, markaa waa in aan badsadaa aayadaha si wanaagyaalka aan helayaana iigu bataan” ayaynu jawaab ahaan u haynaa. “Aakhiro ayuu ii shafeeco qaadayaa, xujana ii noqonayaa” ayaa laga yaabaa in ay soo labayso war celintii hore. Waa run oo labada jawaaboodba waa sax, ee ma is waydiisay in haddii aad Qur’aanka u akhrisid muskhqaayad-doon, aad faa’ido aan la hubin u soo hoynaysid naftaada oo KELIYA? Bal u fiirso, Eebbe ayaa inoo muujinaya in Qur’aanku aanu xasanaad keliyaata ka guro ku soo baxayne, istaahilo in cilmi lagala soo dhex baxo, bal xaggeed ka mari aayaddan محمد:24(أفلا يتدبّرون القرءان أَم على قلوبٍ أغفالُها) – “Miyaanay weelaynayn (Ka fekerayn waxna kala soo dhex baxayn) Qur’aanka? Mise qalbiyo qufulan bay leeyihiin?”?
Dhibaato ayaa jirta, sababtay in aynu tabnigaa ahaanno, Qur’aankii uma akhrinno sidii oo aynu aaminsannahay in ay ku dhex jirto aqoon qarsooni, miyaad igu diidi dee? Markaa dad aan diintaba ku abtirsan waa in aynu uga daba fadhiisannaa culuumtii dunyawiga ahayd, markay gaadhaan gunta aqoon qarsoonaydna aynu ugu jawaabnaa “15 qarni ka hor adeer ayaannu waxan haynay ee iska soco”.
Halkee caynku ka qalloocsamay?
Fekraddii, oo diinta inoo ah, uun baa nool, noolayd, noolaan doontana, balse la innaguma oga ciddii fekerkaa degta u ridan lahayd faafintiisa iyo faaqidaaddiisa looga gol’leeyahay aqoon in la ogaado, isla jeerkaasna wax ka taran san lahayd, dadwaynaha carro-edegna wax ugu tari lahayd. Bal waa kaase waxaad iiga jawaabtaa; Haddii aad Qur’aanka u haysato in keliyaata uu Aakhiro wax ka gooyo, adigoo Adduunkii bestaa ah oo hooseeya sideed u filaynaysaa in aad Aakhiro aayar iska sarraysid?”.
Akhristaha MUSLIMKA ahoow, innagama saarayso, innagamana soconayso, wax micne ah oo shilisna inooma samaynayso in aynu isla tooxno “15 qarni ka hor”, oo waabana innagu ceeb in cilmi intaas oo qarni ka hor meel iska yaalay soo qaadi kari waynaye iminkana la innagu magac sheegta e, innaga kici fadhiga. U akhri Qur’aanka sidii oo uu adiga kugu soo daadegay. Weelee oo hub ka dhigo isaga, dibboow u danbaysana yaan lagaaga maqlin 15-kaa qarni, ee iminka ku dedaal, aqoon badan waa hadhan tahaye, in aad soo faqdid, xasuusnoowna يوسف:76(وفوق كلِّ ذي عِلمٍ عَلِيم). Ku kastoo wax is moodaba in waabiye helo. Adigu waa in aad noqotid cidda wax laga waydiinayo arrimaha adduunyo, iyo aakhiroba, oo waa in aad dhan walba u riddaa, ha isna xidhxidhin, oo adigu gacantaada ha isku malgin. Mawdkaaga hortiina ha sii madhan, hana sii rifmine isku day, waad awooddaaye, in aad dunidan wax wayn ka beddeshid adigoo Qur’aanka, iyo dabcan sunnada, ka dhiganaya bud dhigga aad ka duulaysid iyo shiidaalka ku kicinaya, si qoto dheerna u dhugo odhaahyadaa Alle iyo Rasuulka, yoolka ugu waynna ha ka dhigan in kitaabka Qur’aanka ah ujeeddadii laga lahaa ahayd in ajar uun lagu raadsado, ee ay ka xeel dheerayd gaadhsiisnaydna in aad cilmiyada kutubka ku dhex aasan aad adigu soo faqdid.
W/Q: Cabdicasiis GuudcaddeEmail: muslim.guudcade@hotmail.com
Advertisements
Wednesday, December 21, 2016
Iska Ilow wixi aad soo martay
Iska Ilow wixi aad soo martay
Waxay u baahan tahay geesinimo inaad iska ilowdo wixi aad soo martay, wixi ku dhaawacay, wixi ku dhibaateeyay, wixi murugo iyo ciil ku baday, shaqo aad weyday, guri kaa gubtay, xiriir kaa xumaaday, nin kaa tagay, haweenay ku khiyaantay. Waxay u baahan tahay geesinimo in aad iska hilmaanto wixi aad soo martay. Waxay u baahan tahay geesinimo in aad garwaaqsato in wax kasta sabab ku dhacaan aduunkan. Waxay u baahan tahay kalsooni in aad aaminto waxa kaa horeeya inay ka wanaagsan yihiin wixi tagay. Waxay u baahan tahay geesinimo in aad cafiso. Haddii aadan baran in aad dadka cafiso ma faraxsanaan kartid, horay uma dhaqaaqi kartid, had & jeerna murugo & caro ayaad deris la ahaanaysaa. Haddii aad weli gocaneyso wixi aad ka soo gudubtay waxaad waxyeelaysaa nafsadaada, waxaad luminaysaa fursad dahabi ah.
Waa in aad kala doorataa in aad horay u socoto oo nolol cusub bilowdo iyo in aad ku noolaato xusuus wixi aad soo martay iyo ka sheekeyn taariikh tagtay, tani waa go'aan adiga keliya aad gaari karto. Marnaba gacantaada ha ku baabi'in noloshaada. Waxaad u baahan tahay in aad bilowdo nolol cusub, ka bilowdo meesha aad joogto, ku bilowdo waxa aad heysato. Waxaad u baahan tahay in maskaxdaada ka masaxdo maalmo mugdiya aad soo martay si aad ugu diyaariso maalmo nuur badan. Waxaad u baahan tahay in aad nafta ku mashquuliso wax kheyr kuu ah, wax dan kuugu jirto, wax horumar kuu horseedi kara. Waxaad u baahan tahay in aad nafta ka ilaaliso firaaqo badan iyo caajis.
Ha ka quusan nolosha, ha nicin nafta. Noloshu way qurux badan tahay, waa hadiyad qaali ah, waa horu-socod iyo horumar laakiin dhibaatadu waa goortii aad dib eegeysid ma helaysid energy aad wixi hada taagan iyo horay ku eegto. Iska ilow wixi aad soo martay, wixi tagay waa taariikh, ma tir-tiri kartid waxna kama bedeli kartid. Waxay ahaayeen wax qoran, sabab bayna ku dhaceen. Bilow nolol cusub. Alle talo saaro. Waxaan kuu rajeynayaa Guul.

Monday, September 12, 2016
Magaag mucaarad ismooday
Mucaarad matihid ee waxaa tahay magaaag'''
mucaarad marka maqashid waxaa laga yaabaa in qalbigaada ku soo dhaco "diidmo,dagaal,afgambi iwm.
Sidaas iyo si kalaba waxaa aaminsan dad badan oo somaali ah waliba qaar xog ogaalnimo sheeganaayo .
waxeyba u'arkaan in mucaaradnimadu tahay in laga horyimaadan xaalad kasto oo marka taagan samaan iyo xumaanba
ma ahane waxksto oo dadtooda gaarka ah ka hor imaneyso iney iska diidan oo dab ku shidaan
waa mucaaradnimo
( duf ku baxa dadnimo yaraa).
Waxaa sanadkaan(2016) bilawgiisii somaaliya ka bilawday qolo mucaarad ah ... oo yaa lamucaaradaa ? waa la mayaqan .
Dano gaarabey leeyihin .
waxbey diidanyihin .
" anshax xumo , qabiileystayaal ,qaran dumis , Hantida qaranka oo la iibsado iyo kuwa kale oo badanba "
Waa astaanta lagu yaqaan mucaaradka ka jira muqdisho.
ku darsoo dhamaantood waa wada musharixiin oo madaxweynimo bey rabaan !
waa mucaarad dibad joog ah .
Tolow dalka maxaa u diiday ?
kolki layiraa doorashiiba soo dhaw bey soo tubeeyaan sidii ari har biyo loogu shubaayay....
Mid kamid ahna waligiis kun(1000 sh) shilin dalka kuma bixin waxa uu qaata mooyee
oo waa qaatayaal guud dhamaantod .
Qaar kamid ah waa is magaagixiyaan oo iyaguba waa ogyihiin in mucaaradnimadu sidan ahayn .
Qaarbaa dowladda ay mucaaradayaan la soo shaqeyay waaba badankoode
oo marki xilalka hayeen ayna umuuqan wax qalad ah 《 Adeeryaalow qalad aan jirin shalay markaa xilka hayseen hadda majiro .》.
yaa inoo qeexaya mucaaradnimo
Mucaaradnimadu ma ahan in wax la dumiyo ee waa in lala yimadaa
Hab caawinaya sixida qaldaka jira
iyo ku toosinta tubta toosan .
Intaa waxaan ahayn mucaaradnimo ma ahan ee waa magaagnimo .
magaagnimo iyo madax adeegna waa tii qarankii dhumuca waynaa inaga dumisay.
Sabab la'aan iyo sabar la'aan waa fal shaydaan ee halaga fogaado.
Xasan iyo kooxdiisa aad modid inay turcayaana iyana hormar makeenin mana hayaan
waxaase kadaran xulufadaan xeer qabta aan lahayn .
Qormo haaf ah : maxamed jeyte
wixii qalad ah oo aragto adiguba sax

Wednesday, August 3, 2016
Networking Cashirka 3aad
Aaladkasta oo ku xirmi karta internet-ka waxaa qasaba inay lahaato waxa loo yaqaaqo “IP PROTOCOL” loo soogaabiyey IP.
IP waxa loogu talo galay in “data” ama warbixin uu hal computer kaqaado una gudbiyo computer kale. Waa midka u sahla in laba aalad oo “Internet”-ka kuxirin inay is dhaafsadaan adeegyada ay ubaahan yihiin. Labo computer oo kuwada xiran hal “internet” sida kan guryaha ku xiran malahaan karaan hal “IP” address ooo isku mida sida 10.1.1.1. Waa in midkasta uu asiga “IP” address ugooniya lahaado. Mararka qaar ay taasi dhacdo waxa arkeesaa fariinyar oo kusoo qormeesa computer-kaada oo “Another device is using your ip address, duplicate address detected” oo ah macanaheeda computer-kale ayaa isticmaalaya IP address aad isticmaaleesid waa inaa badashaa ama laxariir “Network administrator” si uu kuu caawiyo- Waxaa ula jeedaa in labo computer eysan hal IP address ay san halmar wada isticmaali Karin.
Tusaale: Arday wada dhigata hal class soo lagama yaabo in ay jiraan labo arday oo isku magaca oo mararka qaar xitaa magaca aabaha iyo kan awoowaha iskaga eg. Haddii mid kamida aan uwaco labadaas arday halmar ay soo wada jeesanaayaan. Laakiin haddii aan ardaykasta aan siiyo ID lanbar asiga u qaas ah kadibne markii xiisada lagu jiro aan ugu yeero ID lanbarkiisa, waxa soo jeesanaaya ama ila hadlaaya kaliya waa ardayda ID lanbarkiisa aan ugu yeeray, inta kale iyaga sooma jeesanaayaan. Tusaale waxaa ula jeeda si looga fogaado is fahan waa waa in ardayd kasta ID lanbar gooni ah lasiiyo, labo ardayne aysan lahaanin ID lanbar isku midda.
Waxaa jira dhowr nuuc oo IP addresses oo kale ah IPv4 iyo IPv6 “V” waa “version”. Sababta labo kala nooc oo IP addresses u jiraan waa IPv4 waxaa lasoo isticmaalaayey sanado badan iyadoo aduunkoo dhan ay isticmaalaayeen waxaa la ogaaday inuu sii dhamaanaayo waayo computer-kasta oo dunida yaala IP address gooni ah ayuu rabaa sidaas darteen ayaa waxaa lasoo saaray IPv6 oo marne aanan dhamaaneenin si kastoo loo isticmaalo. Hadda waxa aan ka hadlaayo waa IPv4.
IPv4 waxaa loo qeybiyaa “Classes” waxaane jira 5 “classes” balse sadex oo kaliya ayaa la isticmaalaa labada kale aad looma isticmaalo. IPv4 32 (bit) dhirirka waxa uuna ka kooban yahay 4 (octet) sida 4.4.4.4. meelkasta oo dhibic u dhaxeeso waa octet. Halkii octet waxa uu ka kooban yahay 8 (bit). Bits waa o ama 1. Dib ayaa ka sharixi doonaa markaa subnetting-ka gaarno.
IPv4 classes waa:
Class AClass BClass C
Class-kasta waxa uu leeyahay IP addresses lagu aqoonsado oo kale ah
Class A waa lanbarada u dhaxeeya 0 ——– 126
Class B waa lanbarada u dhaxeeya 127——191
Class C waa lanbarada u dhaxeeya 192——-223
Class A IP address-kastoo udhaxeexa 0 ilaa 126 sida 10.0.0.0, 125.0.0.0 waa Class A Ip address. Sidoo kale Class B iyo C waa lamida lanbarkastoo udhaxeeya inta ay ka koobanyihiin waad ku aqoonsaneesaa IP address-ka Class-ka uu ka tirsanyahay. Tusaale 172.16.1.0 waxa ay ka tirsantahay Class B.
Qaabka computer-ada u isticmaalaan IP address-ka si ay iskula hadlaan. Waxa aan tusaale usoo qaadanaa sawirka hoos ku qoran.
sida sawirka nooga muuqata waxaa ujeednaa computer 1 oo kuxiran “Switch A” godkiisa 1 iyo computer 2 oo asine “Switch A”-ka kaga xiran godka 2.
Haddii Computer 1 uu rabo inuu PING udiro computer 2, sidee “Switch A”-ka ku ogaanaa fariinta halka ay ka timid iyo meesha ay usocoto? Aan hal hal kuugu kala qaado tilaabooyinka saxda ah ay kadhacaya sida fariin meel uga tagi laheed meelkalene utagi laheed. Marka laga eego xagga networking-ka sida fariinta isku diraan waa il biriqsiyo laakin waxaan rabaa inaa kuu sharaxo habka ay iyo dariiqadda ay maraan.
Tilaabada ugu horeesa waa computer 1 waxa uu rabaa inuu PING udiro computer 2 asigoo isii marinaayo “Switch A”-ka. Balse PING waxa ku hoos qarsoon sida idinkaga muuqata 1 oo computer 1 hoosyaala. Koow
Marka computer 1 uu diraayo PING ga waxa ay kaboobantahay
Source IP: halka PING ga lasoo diraayo oo ah (computer 1) IP: 1.1.1.1
Destination ip:oo ah halka ay fariinta kusocoto (computer 2) IP: 2.2.2.2
Source mac-address:oo ah lanbarka(hardware) ka ee (computer 1) AAA
Destination mac-address:oo ah lanbar(hardware)ka ee (computer 2) xxxxx
Si computer 1 u diro PING marka hore waa inuu yaqaanaa Mac-address-ka computer ka uu PING ga udiraayo o ah (computer 2). Haddii uusan aqoonin waxa galinaa booska Mac-address-ka computer 2 xxxxxkadibne si broadcast message- ahaan ayuu udiraa taas ay gaareeso “Switch A”.
Tlaabada kuxigta waa markii uu “Switch A” kahelo hello broadcast message ka timid computer 1 waxa uu markiiba ogaanaa mac-address-ka computer 1 oo ah AAAA iyo godka uuga dhaganyahay oo ah port 1, kadibne uu maskaxdiisa ku duubaa taas uusan iloobeenin markale. Kadib “Switch A” waxa uu fiirinaa halka ay
Ping ga ka imaatay waa maxay mac-address-ka (AAA )computer ka soo diray Ping oo ah computer 1, iyo halka uu uga dhaganyahay asiga oo port 1, kadibne uu maskaxdiisa kuu duubaa meesha computer 1 isaga kaga xiranyahay. Kadibne waxa uu fiirinaa halka uu Ping ga ku soco mac-address ka computer 2 taasoo uu awalkiiba horeba aan lagu soo darin PING ga. Kadibne waxa uu sameenaa “Switch A” fariinta ayuu udiraa computer waliba oo asiga ku xiran. Fariinta waxa aa helaaya computer 2 kadibne computer computer 2 waxa uu arkaa IP address-ka computer 1 iyo mac –address ka computer 1 kadibne waxa uu dub ugu celeninaa oo uu computer 2 computer 1 udiraa mac address-kiisa si computer 1 ugu fududaato inuu fariinta saxda uu soo diro. Fariinta uu computer 2 diraayo waxa ay sii maree “Switch A” kaasoo markaane yaqaana halka uu computer 2 isga kaga xiranyahay port 2 iyo mac address ka computer 2 BBBB.“Switch A” horey ayuu uyaaqaanay halka uu computer 1 kaga xiranyahay iyo mac-address ka uu isticmaalaayo kadibne uu ugudbinaa jaawaabtii uu soo celiyey computer 2.
Computer 1 marka uu helo fariinta waxa uu arkaa mac-address-ka computer 2 kadibne uu haddii uu markale wax udiraayo booska mac-address-ka computer 2 magalinaayo xxxxx maadaama uu yaqaano.
Sidaas ayaa computer-ada fariin isku gu diraan, haddii aad intaas fahantid waa taqaanaa basics networks.

Saturday, July 30, 2016
Akhriso Buugga Singal Maadar
Singal Maadar: Qof walbow Akhri!
Run ahaantii waxaa farxad weyn igu dhaliyey markaan arkay buug far Soomaali ku qoran oo aan ka helayo websiyada adduunka ugu caansan, uguna weyn, islamarkaan aan dalban karo, oo weliba aqalkayga la iigu keenay. Hambalyo qoraaga Samatar, waa tallaabo weyn oo aan rajaynayo in qorayaasha kale ee Soomaaliyeed ay kaaga daydaan. Ma filayo, kolee inta aan la socdo aniga, weli buug far Soomaali keliya ku qoran oo lagu iibiyo dukaamada buugta lagu gado ee caalamiga ah. Waa markii ugu horeysay baan oran karnaa, taana waxaa mahadeeda leh qoraalkii far Soomaaliga iyo qoraagii buugga.
Haddaan u soo laabto buugga Singal Maadar, oo uu qoray Samatar Sooyaan dhab ahaantii waa buug qoraal ahaan khiyaali ah, kana hadlaya dhacdooyinka runta ah ee quseeya qoysaska Soomaalida, weliba kuwa ku nool Ameerika. Singal Maadar waxaan bilaabay in aan akhriyo maalin Sabti ah oo ku beegneyd toddobada bisha Feberweri 2016 anigoo qorsheystay inaan ku dhameeyo ilaa bisha Feberweri shan iyo tobankeeda. Waxaan islahaa, si tartiib-tariib ah isaga akhriso oo iskala kuud-kuudso, maadaama aan jeclahay sheekooyinka Soomaalida, weliba kuwa ku saleysan sheekooyin qiyaali ah, kana hadlaya xiriirka ragga iyo dumarka. Hase ahaatee, waxaanba arkay anigoo weli buuggii ku dhegan, oo aan doneyn in aan meel iska dhigo, waxayna igu qaadatay hal cisho oo qura in aan ku dhameeyo buug dhan 138 bayj. Hadba cutub ayaa cutub ii dhiiba, ilaa aan markii danbe soo taabtay bogga 138daad ee ah halka ay sheekada ku dhammaato.
Singal Maadar waa sheekho ku saabsan hooyo Soomaaliyeed iyo carruurteeda oo aabbe la’aan ah iyo dhibka ay la tacaalayaan, gaar ahaan hooyada dhibta iyo rafaadka ay halgameyso. Waa hooyo ku jirta dagaal qaraar. Dagaal qaraa oo ay marna iskaga celineyso ninkii ay u dhashay carruurta, marna ay iskaga ilaalineyso dowlada si aan ilmaheeda looga qaadan. Taas waxaa ka sii daran waa dagaal aan lala ogeyn, looguna garaabey, waayo waa hooyo Singal Maadar ah. Qoraaga buuggu mudane Samatar Sooyaan wuxuu kala haadinayaa, si fududna u kala dhig-dhigayaa ma aha oo keliya dhibta ay Aragsan kala kulmeyso qurbaha ee waxaaba ka sii daran habka miisaaman ee uu qoraagu isugu miisaamayo dareenka Aragsan, carruurteeda iyo gurigeeda.
Qoraagu wuxuu kaga duwan yahay qorayaasha kale ee Soomaaliyeed, waa qoraaga keliya ee buuxda oo tifatiran u cabbiraya dareenka qof haween ah oo weliba carruur leh, islamarkaana ku nool qurabaha. Waxa kale oo uu qoraaga soo bandhigayaa rafaadka haysta hooyooyinka Soomaalida ee ku nool dalalka ree galbeedka, wuxuuna diirada la beegsanayaa hooyooyinka keligood ah ee haddana ku hadli karin afka wadanka ay ku nool yihiin iyo bulshada ay la nool yihiin. Waa nolol dhab ah oo haysata haweenka Soomaalida ee ku kala nool Yurub iyo Ameerika. Dagaalada sokeeye ee Soomaaliya ka dhacay, welina ka socda qof kasta oo Soomaali ah waa ay saameysay ama si dadban bay u saameysay ama si toos. Dadka qaarki jir ahaan ayey dagaaladu u saameysay sida qof naafo ku noqda. Dad kalana maskax ahaan ayey dagaalada u saameeyeen sida qofka oo isku buuga. Laakiin waxaa jira dad aan is-ogeyn, hase yeeshee, dagaalka sokeeye uu dhibaato weyn u gaystay, una muuqda in ay caafimaad qabaan, buugga Singal Maadar waad kala soo dhex bixi kartaa kooxdan sida aa tooska ahayn dagaalku u waxyeeleeyey.
Dhacdada buuggu waxay ku saabsan tahay horaantii qarnigan 21naad, waxayna qisada ka dhaceysaa magaalada Minaayaabulis ee dalka Maraykanka, gaar ahaan xaafadaha ay Soomaalidu ku badan tahay. Abshir iyo Aragsan muddo kolkay guur iyo nolol raaxo leh isla qaybsadeen, isuna dhaleen dhowr carruur ah bay noloshoodu u sibqaneysa dhinaca qalloocan. Aragan iyo Abshir arrintoodu waxay ku soo urureysaa dacwad iyo in kayskooda ama arrintooda loo gudbiyo maxkamada sare ee Minasoota, waxayna isla marayaa wado adag oo dheer oo bahalo galeen ah, ugu danbeytana lama garan karo cida ku guuleysata.
Buugga Singal Maadar waa buug runtii mar maad iyo qosol leh, mar kalana naxdin, welwel iyo xanaaq qofka akhristaha ku abuuraya. Waxa kale oo buugga ka muuqda aftahanimada iyo qananimada af Soomaaliga. Qoraagu wuxuu isticmaalayaa af Soomaaligii hore, isagoo u isticmaalaya inuu ku dhiso sheekada buugga, islamarkaana waxaan marna meesha ka marneyn af Soomaaliga casriga ah. Waxaan qabaa ereyo badan oo casri ah, afkana looga hadlo, hadduusan qoraagu buuggiisa u isticmaali laheyn in la waayi lahaa, maantase, sida aan qabo, ay ku jiraan keyd mustaqbalka danbe jiilka soo socda ay ka faa’iideysan doonaan.
Samatar waxa kale ee uu buugga si cad ugu muujinayaa dhibaatada ugu weyn ee dadka Soomaalida maanta hor taala, sida looga bixi doonana aan weli wadiiqo loo maro la garaneyn. Waa dhibaatada ugu weyn ee maanta bur-burisa qoysaska Soomaalida gudaha iyo kuwa qurbaha ku nool. Waa dhibaatada uu jaadku ku hayo ummada Soomaalida. Waxa kale oo buugga laga baran karaa, weliba dadka shisheeyaha ah ee xiiseynaya in ay bartaan dhaqanka iyo hiddaha Soomaalida, hab dhaqanka iyo fikirka ninka Soomaaliga ah. Meesha iyadana kama marna, oo buugga Singal Maadar waa lagu soo bandhigay kaalinta aan wanaagsaneyn oo ay wadaada xag jirka ah ay bulshada kaga jiraan.
Buugga Singal Maadar waa buug iyo qoraal soo bandhigaya dibin-daabyeenta ay ragga qaarkood ku hayaan haweenka u dhaxa iyo cawaaqab xumada ka dhalata marka qoysku burburo, weliba qoys ku burburay qurbaha oo aan haysan arxan iyo qaraabo kala dhex gasha aan ka aheyn maxkamada Minasoota. Sidoo kale qoraagu marna kama bakheylin inuu hoosta ka xariiqo khuraafaadka loo dhigo dumarka Soomaalida qaarkood sida kaalinta uu Mingiska ama Booranaha ka qaadan karo dhismaha ama burburka qoys Soomaaliyeed iyo weliba dhibaatada ka timaada gabdhaha oo la gudo.
Guntii iyo gebgebadii, sheekada Singal Maadar waa sheekada ugu wanaagsan ee khiyaali ah oo uu qor qof Soomaali ah qornigan ilaa iyo iminka inta aan akhriyey. Waa buuggii ugu horeeyey ee Sooyaalka Soomaaliyeed ee sheeko la qoro ku saleeyey cilmiga saykolojiga (psychology), islamarkaan cutub dhan kaga hadlaya aqoonta saykolojiga.
Samatar Sooyaan, fadlan halkaas ka wad qoraalada waxtarka u yeelan bulshada, waxaana ku talin lahaa Singal Maadar waa buug u baahan in qof walba akhriyo ee looga maarmin.
Qormadaan waxaan ka soo xigtay
mareegta SomaliTalk.com

mareeg
Networking: Cashirka 2 aad
Different types of Network topologies
Inta aanan galin shaxannada waxaa jira physical topology(shaxnad sawirkeed qaabka ay usameesantahay aad ujeedid) iyo logical topology(shaxnad aadan ujeedid sida ay ushaqeeneeso). Physical topology waa network-ga naqshadda ama shaxankeeda sida uu kuugu muuqdo marka aa fiirisid. Logical topology waa sida network-ga ay iyada latfirkeda isku aragto macanaha aadan adiga arki Karin laakiin aad caqli ahaan u ogtahay. Halkaan waxaa idin kugu soo gudbinaa shaxannada igu caan san oo la isticmaalo.
Point to point topology: Shaxanaddan badanaa waxaa loo isticmaa WAN (Wide Area Networks) links. Shaxannada point-to-point waa meel hal router uu uga xiran yahay router-kale bas. Macno ahaan router 1 wuxii fiilada dhinac kala heestaa router 2 sida sawirka idinkaga muuqata. Ogoow haddii xarikale aad ku darted si haddii fiiloj halaawdo tankale wali shaqada usiiqabato. Laakin haddii hal router halaabo xiriirka 2-ada router udhaxeeya waa eber.
ppp
Bus topology: shaxnadda Bus topology waa dhammaan computerda ama qalabyada network-ga dhan waxa ay ku xiran yihiin ha fiilo oo kaliya. Bus topology waxaa lalasoo sameeyey xilligii lasoo saaray Ethernet networks oo lasoo sameeyey. Dhamaan qalabyada network-ga waxaa la isku la xir xiray hal fiilo adag taasoo loo yaqaano lafdhabarta ama(backbone). Meesha fiilada ay kudhamaato waxa ku xiran “terminator” oo lagu tala galay in auu signal-ka kaceliyo in habba gees ubadbato, terminator-ka waxa uu “absorb”-gareeya signal bilaashka ah uga nadiifiyo si computera-da ay data iskugu xawilaan. Haddi fiilada lafdhabarta u ah ay halaawdo network-ga oo dhan wuu la halaabaa. Haddii computer ku xiran backbone uu halaabo, kaliya computer-kaas kaliya ayaa qadka ka go’aa.
Star topology: Haddi aad kusii jirtid networking-ka shaxnadda ugu badan ee arki doontid ama la kulmi doontid waa star topology sida magacaba leeyahay xidigta shaxnadda—Magacaas ani ayaa yaa niyada iga soo dhacay balse aan ku ekaano hadda kaliya star topology. Star topology waa dhamaan qalabyada sida computer-ada waxaa lagu xiray hal qalab(switch ) oo dhexda loo dhigay. Haddii computer kamida uu halaabo ama fiilada uu kula xiran yahay switch-ka uu halaabo ciladaas waxa ay ku egtahay asaga oo kaliya computer-ada kale wali qadkooda wuu shaqeenaa. Laakiin haddii switch-ka dhexda yaalo oo isku xiraayo computer-ada uu halaabo waxa ay saameeneesaa computer-ada oo dhan oo qadka kawada halaabaayo.
Ring topology: shaxnaddaan waxaa isticmaali jiray networks loo yaqaano token ring iyo fiber distributen data interface FDDI kuwaaso hadda suuqa waa hore kabaxay.
Full Mesh topology: sidaa hore kusoo aragtay bus topology iyo star topology haddii fiilada ama switch ka halaabo ay saameeneesay qadka oo dhan- haddaba haddii aad rabtid haddi hal router ama switch uu halaabo laakiin ay san taas sababeenin in kuli qadka wada halaabo waxaa isticmaali kartaa Full Mesh topology. Shaxannadaan waxa ay qeebisaa xiriir router-kasta inuu xiriir toosa la yeesho router-kasta. Sida sawirka ka muuqatada device kasta waxa ay xiriir toosa la leedahay midda kale. Haddii R1 iyo R2 fiilada udhaxeeso halaawdo wali R1 iyo R2 waxa ay ku wada xariiri karaan R3 iyo R4. Shaxnaddan aad ayey qaali u tahay.
Partial mesh: maadaama shaxannadii hore full mesh ay aad qaali u tahay waxaa lasoo saaray shaxnadda ladhaho partial mesh taasoo ka raqiisan full mesh. Waxaa la yareeyey fiilooyinka u dhaxeeya router-da sida lacagta uyaraato. Partial meth router kasta waxa uu xariir la leeyahay kan asiga dariska la ah.
Shaxanadahaan waa kuwa ugu caansan oo qaarkooad imminka la isticmaalo. Casharkeena shaxnaddaha ama topologies intaas ha noogu ekaado
Thursday, July 28, 2016
Akhriso : Natiijooyinka Imtixaanka w.waxbarashada

Waxaan halkan idinku soo gudbinaynaa natiijada Imtixaanka Qaran ee ay Wasaarradda Waxbarashada ay qaaday sanad dugsiyeedka 2015-2016.
marka hore akhriso10 ka arday ee ugu daraja sareysa
Arday kasta dugsiga iyo gobolka uu imtixaanka ku galay ayuu ka eegi karaa Lifaaqyada hoose:
3 Hoyga xamar
4 Imam-Shafici.
5 Macalin-Jaamac.
6 Maxamuud-Mire
7 Xarunta-1da-luulyo
8 Xarunta-12-Oktoobar
9 Xarunta-15-May
10 Xarunta-20-ka-Disembar
11 Xarunta-20-ka-Disembar
12 Xarunta-11ka-janaayo
13 Xarunta-Aqoonta-Boondheere
14 Xarunta-BAARBE
15Xarunta-Banaadir-Sare
16 Xarunta-Cali-Xuseen
17Xarunta-Dugsiga-Farsamada
18 Xarunta-Godey
19Xarunta-H-Dh-Warta-Nabadda
20 Xarunta-H.DH-Cabdicasiis
21 Xarunta-Bartamaha
22 Xarunta-H.DH_.-Banaadir
23 Xarunta-Jaamacada-Hope
24 Xarunta-Jabuuti
25 Xarunta-JUS
26 Xarunta-Kaaraan
27 Xarunta-Kuliyada-Farsamada
28 Xarunta-Naasir
29 Xarunta-Qariidi

Subscribe to:
Posts (Atom)